Madaxda Warbaahinta dalka oo
ka arrinsanaya doorkooda marxalada dalka
..April,20,2008
Hargeysa (Saylac.com)- Shir balaadhan oo ay ka soo
qaybgaleen Gudoomiyeyaasha, Tifaftirayaasha, iyo
War-fidiyeenada qaybaha kala duwan ee warbaahinta
Somaliland, ayaa shalay ka dhacay Huteelka Imperial
ee magaalada Hargeysa.
Shirkan oo ay soo qabanqaabiyeen Ururadda Saxaafada
Somaliland ee SOLJA iyo SSWJ, ayaa ujeeddadiisu
ahayd sidii ay warbaahinta dalku ula jaan-qaadi
lahayd xaaladda dalku marayo iyo inay iyagu
dhexdhexaadnimo ugu adeegaan dadweynahooda. Waxaana
lagu faaqiday sida ugu haboon ee warbaahintu mihnad
hufan oo aan hagardaamo lahayn ay kaga qaybqaadan
lahayd gorumarka dalka. Isla markaana ay uga
dheeraan lahayd gudbinta siyaasiga ama cidda ku
kacaysa sumcad-weerarka shaqsiga, una ilaalin
lahaayeen Karaamada Qarankooda. Shirkan oo maalin
loo qorsheeyay, waxa ka-qaybgalayaashii isugu yimi
ay aad uga doodeen kala-duwanaanshaha masuuliyadeed
ee u dhexeeya warbaahinta dawliga ah iyo ta gaarka
loo leeyahay.
Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA,
Mustafe Cabdi Ciise oo munaasibadaa ka hadlay ayaa
sharaxaad ka bixiyey marxaladihii kala duwanaa ee ay
soo martay saxaafada Somaliland iyo heerka ay maanta
taagan tahay, waxana uu sheegay in warbaahintu ka
soo gudubtay duruufo badan oo waayaheeda lahaa,
iyadoo aan wax kaalmo ah helin. Sidoo kale,
Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SSJW
Yuusuf Cabdi Gaboobe, oo halkaa ka hadlay ayaa
sheegay in ay warbaahintu tahay awood aan la dafiri
karin, laguna tilmaamo awooda afraad ee qaranka,
sidaa darteed-na loo baahan yahay in aan la
marin-habaabin. Waxaanu intaa ku daray in la heli
karayo cidda masuuliyiinta ka ah hay’addaha
warbaahineed ee gaarka loo leeyahay, balse ay adag
tahay sida loo helo cidda masuuliyadda warbaahinta
dawladda loo daba-fadhiisanayo. Gudoomiyaha
Wargeyska Saxansaxo, Cabdillaahi Maxamed Daahir (C/llaahi-Cukuse),
oo ka mid ahaa xubnihii soo qaban-qaabiyey kulankan
ayaa ka warramay sida loogu baahan yahay in
saxaafadu si wadaniyad, masuuliyad iyo xilkasnimo ku
jirto doorkeeda uga qaadato horumarka dalka iyo
tebinta warar iyo barnaamijyo sugan oo ka turjumaya
mihnada suxufi-nimo.
Ka dib dood dheer, iyo soo-jeedimo badan waxa
kulankan lagu soo gebogabeeyay in qoddobo kooban oo
dhinaca anshaxa la xidhiidhay la fuliyo iyo in kulan
dambe ay isugu soo noqdaan masuuliyiinta hay’addaha
warbaahintu, si markaa loo dabaqo habkii loola
jaan-qaadi lahaa geedi-socodka marxalladdaha dalka
soo food-saaraya, waxaana kulankaa dambe
qabanqaabadiisa ku yaboohay Guddoomiyaha Ururka SSJW
Yuusuf Cabdi Gaboobe.
C.qani X. BaynaxSaylac.com
/ Hargeysa / Somaliland
|