| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

Wasiir ka Tirsan Xukuumadda oo Cambaareeyey Magacaabista Gobollada Cusub" Sool askari, askari beddelay baa jooga; kii Harti baa meesha laga eryey oo mid huwan ah oo Isaaq iyo Gadabuursi ah baa tegay"

Hargeysa (Jam)- Wasiirka Degaanka iyo Horumarinta Reer-miyiga Md. Fu’aad Aadan Cadde, ayaa markii u horreysay si rasmi ah shaaca uga qaaday in xukuumadda Somaliland aanay haba yaraatee waxba u qaban bulshada ku nool Gobolka Sool oo dhowaan gacanteeda galay.

Md. Fu’aad Aadan Cadde oo u warramayey shalay telefishanka madaxbannaan ee Somaliland Space Channel, waxa uu caddeeyey in waxa qudha ee reer Sool loo qabtay ay tahay askari haystay oo midkale loogu beddelay, balse aan haba yaraatee waxba laga qaban adeegyada bulshada iyo biyihii macaanaa ee Madaxweynuhu ugu ballanqaaday, iyadoo lacagihii taakulaynta ee loogu talogalayna waxba aan ilaa iminka laga gaadhsiin.

Waxa kale oo Wasiirku si kulul uga hadlay tallaabada Madaxweyne Rayaale ku magacaabay gobollada cuusb oo uu ku tilmaamay mid loogu talogalay in doorashooyinka lagu galo, isla markaana dadkii qabiilooyin loogu qaybiyey.

Md. Fu’aad Aadan Cadde isagoo ka hadlayey xaaladda Gobolka Sool waxa uu yidhi; “Madaxweyne-ku-xigeenkii iyo wasiirradii hadda Laascaanood ayey joogaan, laakiin runtu waxa weeye Laascaanood wixii la rabay in loo qabto looma qaban. Annagu markii aannu tagnay waxaannu dadka u ballanqaadnay wasiirradayadii meesha [Sool] u dhashay saddex bilood haddii nala sugo wax kasta waa la qabanayaa – dugsiyadii baa wax laga qabanayaa, caafimaadkii baa wax laga qabanayaa, biyo macaan baa laydiin gelinayaa – iminkana muddo badan ayaa ka soo wareegtay wax allaale wax loo qabtayna reer Laascaanood ma jirto.

Madaxweynuhu waxa uu hadal hayaa inuu biyo macaan geliyo, laakiin hadduu isagu rabo in uu biyo macaan geliyo hay’adihii kale maxaa loogu diri waayey. Hal dugsi sare ayaa Laascaanood ku yaal, hal xannaano ayey leedahay, hal cusbitaal oo yar bay leedahay oo Ingiriiskii ka tegay, maxay iminka hay’adihii dawladdu wax uga qaban waayeen, maxaa loogu diri waayey. Maahmaah Soomaaliyeed baa odhanaysa, dibigii Wardheer dhegihiisuna waxba ma maqlaan, indhihiisuna waxsan ma arkaan. Iminka berritaa la aroorinayaa dibadda, waagii baa baryaya oo cid la hadal hayaaba ma jirto. Markaa Sool askari, askari beddelay baa jooga; kii Harti baa meesha laga eryey oo mid huwan ah oo Isaaq iyo Gadabuursi ah baa tegay, markaa askari, askari beddelanaya dadka ma anfacayaan ee waxay ahayd in wax loo qabto, waxaanad moodaa in aanay weli baahidii halkani dhammaan, Somaliland-na nin wax uu u baahan yahay aad ka bariday ka heli maysid.”

Wasiirka oo la weydiiyey su’aal ahayd; dadka Gobolka Sool waa dad wanaagsan, markaa in ilaalintooda dabagal lagu sameeyo oo la daryeelo miyaanay ahayn. Su’aashaan waxa uu Md. Fu’aad Aadan Cadde kaga jawaabay; “Waxaan anigu aaminsanahay Somaliland in dani ugu jirto reer Sool, reer Awdal iyo reer Togdheer iyo cid walba in cid walba reer Somaliland noqoto oo waddanka dani ugu jirtaa. Waxaan aaminsanahay dadkana in dani ugu jirto in ay noqdaan Somaliland, dadkana dan baa ugu jirta, dalkana dan baa ugu jirta, laakiin waa in la arkaa dadkii iyo dawladdii.”

Waxa kale oo Md. Fu’aad la su’aalay sida uu arko gobollada cusub ee Madaxweyne Rayaale dhowaan magacaabay, waxaannu ku yidhi; “Wallaahi; horta dad baa loo sameeyey oo ka horiman mayno oo cidina ku dhici wayday in ay tidhaahdo gobolladaasi way xun yihiin oo nin waliba wuxuu is-yidhi, weliba foodkii baa soo dhow oo haddaad iminka gobolkaa diido ama ka hadasho dadkii baa ku nacaya oo waxa ahmiyadda la saaray doorashada soo socota, laakiin waxaan aaminsanahay in dadkii qabiil loo kala soocay oo si toos ah qabiil loogu kala soocay.

Caynabo oo kale marka halkaa laga sameeyey dee Habar/jeclo lays israaciyey, Dhulbahante meel gaar ah ayaa lagaga tegay. Sida oo kale tan laga sameeyey Awdal oo wixii waxa loo kala sameeyey qabiilo. Iminka qoladii Ciise waxay aamisan yihiin in iyagana loo sameeyey Salal, markaa anigu waxaan aamisanahay in dalkii qabiilo loo kala qaybiyey.”

Ugu dambayntii Wasiirka Degaanka oo la weydiiyey taakulayntii tirada badnayd ee loogu talogalay Gobolka Sool sida ay dadka u gaadheen ee wax loogu qabtay, waxa uu ku jawaabay; “Waxaan la yaabahay habartaad aragto ee Isaaqba waxay ku odhanaysaa waxayagii waxa loo diray Laascaanood, wax allaale waxaannu aragnayna ma jirto, waxaanse u malaynayaa in la hayo, 2%-ka cashuurahana waxaan u malaynayaa in Madaxweynuhu hayo, wixii shacbiga laga soo ururiyeyna in Madaxweyne-ku-xigeenku hayo, waxan ay dawladdu ku yaboohdayna wax qarsoon maaha oo waa la baahiyey waana $270 kun oo dollar oo la qayb-qaybiyey oo Sanaag ugu badan tahay oo ah gobolka ugu weyn oo leh $70 kun, Sool oo kale $40 kun bay leedahay, markaa waxaan moodayey in waxa la ururiyey $270 kun ka badan tahay, xataa haddii ay taakulayntii tahay oo dawladdu sideeda ugu deeqin, markaa weli dadkaa wax gaadhay gebi ahaanba ma jirto,” ayuu yidhi Md. Fu’aad Aadan Cadde.


 

Tebin Jamhuuriya Online  faafin saylac.com



Home |
Copyright © 2003 Saylac.com
o