|
Wafti Culus oo uu
hogaaminayo Mudane Cabdi Xasan Buuni oo socdaal
gargaar ugu kicitimay Degmooyinkii Roobabku
waxyeeleeyeen ee Koonfurta iyo Bariga Gobolka
Awdal.. April,02-2008
Boon(Saylac.com)Wafti uu
hogaaminayo wasiirka Xidhiidhka sadexda Gole
Mud. Cabdi xasan buuni oo labo habeen ku sugnaa
Boorama ayaa galabta u baqoolaya Dhankaa iyo
Xeebta Caawana waxaan sii maraynaa wadada dheer
ee simarta Degma Cusub ee Boon, caawana waxaan u
Hoyanaynaa degmada Xariirad, sidaa waxaa
saylac.com u sheegay wasiir Buuni oo shir
jaraaid qabtay markii uu baxayay,
Wasiirka oo sii faah faahshay Socdaalkooda ayaa
ugu horayn ku Bilaabay hadlaka.
Marka Hore waad ka war qabtaan in Abaaro dhaceen
iyo qabow xoolaha iyo dadka wax yeeleeyay.
waftiyo ayaa bari iyo galbeed u kala baxay kuwa
bariga waxaa hogaaminayay madaxwayne ku xigeenka
Axmed yuusuf yaasiin.
hadaan ka waramo waftigayaga waxaan nahay
wasiirka dib u dajinta Md. Abshir axmed xasan
iyo wasiir ku xigeenka wasaarada war-faafinta
Md. cali Cilmi Geele iyo anoo ah wasiirka
Xidhiidhka sadexda Gole.

waxaan ukala baxaynaa labo jiho wadada baki qayb
ayaa maraysa dhanka galbeedna anaa maraya kadib
waxaanu ku wada kulmidoonaa Degmada Cusub ee
garbadadar.
waxaan wadnaa raashiin iskugu jira noocyo kala
duwan oo aanu ugu talo galay dadka dhibaatadu ka
soo gaadhay duufaanadii dhawaan dhacay oo
badankoodu qaxooti ku yimid magaalada Boorama.
Dadkan ayaan horey u helin tageero ay dawladu
ugu balan qaaday iyo tu gudiga gargaarka ah ee
gobolka ka Awdal ay sheegeen inay gaadhsiiyeen
isla markaana ku dhacay meel dhexe. Saylac.com
ayaa su'aalo waydiisey Wasiirka xishiidhka
Sadexda Gole Gud Cabdi Xasan Buuni qorshaha fog
ee ay dawladu ugu talo gashay dadkan xoolihii ay
lahaayeen roobabku la tageen.Waxaanu ku jawaabay
: Dawladu intii tamardeeda ah iyadu si toosa wax
u gaadhsiisayaa iyo Hay'adaha samafalka bixiya
wax u weydiisayaaba diyaar ayey u tahay dadkeeda
inay waxtarto waana ujeedada socdaalkani maanta
ku saabsab yahay in dadka aanu lugahayaga ugu
tagno si toosana an dhegehooda ugu sheegno
waxtarkayaga.
Mudane Buuni ayaa intaa ku daray inay waftigani
yahay Gudi Qaran oo dawlada ka socda xeer
hooseedyana ka madhan yahay si dawli ahna uu u
fulin doono halihiisa.
Wariye Dahir Axmed "Jirde ayaa waftigan
socdaalkooda ay ku soo marayaan xeebaha Gobolka
Awdal wehelin doona isla markaana si dhaba ugu
soo warami doona waxyaabaha uu kala kulmo isagoo
waliba soo raacin doona sawiro ka turjumaya
xaqaa'iqa ka taagan degaanadii duufaanadu ka
dhaceen.
Dahir Axmed Jirde
Saylac.com
Boon, Somaliland
------------------------------------------------------------------------------------
|