Waar bal eega nacaybkii
diinta ISLAAMKU Meeshuu maraayo !
Mar-28-2008
Denmark--Waxaan halkan ugu soo gudbinayaa
aristayaasha qiimaha leh meelkasta ooy joogaanba,
arrin la yaableh oy waayadan dambaba warbaahinta
reer galbeedku ka hadlaysay.
Waxa dalka Holland lagu sameeyey fil ceebaynaya
diinta ISLAAMKA, kaasoo uu sameeyey nin
siyaasiya dalkaasi u dhashay kana tirsan
xildhibaanada dalka Holland, magaciisana la
yidhaahdo GEERT WILDERS. Filimkaasoo buuq aad
iyo aad u badan ka dhaliyey dunada islaamka iyo
wadannada yurub intaba. Filimkaasoo la yidhaahdo
"FITNA" ayaanan la filaynin in hal telefishan oo
keliyana lagu soo qaadan doonin dalalka Yurub.
Laakiin filimkaasi oo maanta soo baxay ayaa isla
markiiba shabakadaha yurub si deg deg ah ugu
faafay, gaar ahaan kuwa ururada xag jirkihi
leeyihiin.
Filimkaasoo ah dhacdooyin la soo ururiyey sida
kawa ka dhacay Ciraaq, Afganistaan iyo weliba
tii Soomaaliya ka dhacday ee askariga mareykanka
meydkiisa suuqa Muqdisho.
Waxa kale oo iyadna la soo ururiyey wax alla
wixii suurad quraana ka hadlaysay jihaad lagu
qaado gaalada iyo Yuhuudda.
Waxa kale oo iyagana lagu soo darey
maxaadarooyin ammaba qudbado jimce iyo waxyaabo
kale oo badan oo laysku geegeeyey.
Arrinta aniga shaqsayan itaabatay kaddib markaan
arkay filimkan yar oo 16 daqiiqo soconaayo, waxa
weeye nabigii suubanaa nabad gelyo iyo naxariisi
korkiisa ha ahaatee oo BOM madaxa loo saaray.
Sawirkaas BOMKA ayuuna filimku ku bilaamayaa
kuna dhammaanayaa. Sawirkaas wuxuu ka mid yahay
12 sawir deenishku sawireen ee nabiga lagu
aflagaadeynayey nnk.
Hadal iyo dhammaan waxaad fililmkaas ka heli
kartaan halkan:
www.siad.dk
Diiniyan ma haboona inaad
daawatid aflagaado loo gaysanayo nabaigeenii
Suubanaa iyo diinta sharafta leh lakiin waxa anu
uga jeednaa inay akhristayaasha saylac.com ay la
socdaan wacyiga nacaybka xambaarsan ee gaaladu u
qabto diinta Islamka ee xaniifka ah. Markaad
dhawrtid ama aad dheegatid filimkan waa inaad
laba shay isweydiisaa{ may wanaagsan tahay
dhul gaalo oo sidan diintaadii iyo Rasuulkii
Ilaahay loogu caayayo inaad risiq ka sugtid &
Mise sharaf iyo wanaag ayaa kula gudboon inaad
wadankaagii inta cimrigaaga ku hadhay ku
cibaadaysatid risiqu meel walba Ilaah uu dhigaye}
Caruurta ayaa ugu daran maxaad u malayn marka
caruurtu ay daawato filimkan dhaqankii gaaladana
ay dhex joogaan sideebaad uga dhaadhicin
inay tukadaan ama diinta kusugnaadaan? } waa
arin adag markaa talada ha lagu daro
QOBOSHO DHAB AH OO DALKII HOOYO EE AAN
MASAAIIBTANI AYNA JIRIN LOO NOQDO.
Eebe ha inaga dhigo kuwii
diintooda dhawra kuna sugnaada inta
nolosha inooga hadhay. Amiin Amiin
Xasan Muuse Subagle Denmark
xasan64@hotmail.com |