| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 Dhega adayga Xisbiga kulmiye maxaa keena?
April, 08,2008

Kuwait(Saylac.com) Nin ayaa dhakhtarka u tagay isagoo raba inuu waxka weydiiyo siduu dawo ugu heli lahaa xaaskiisa oo dhego adag ama aan horey u maqal hadalada uu weydiiyo inay uga jawaabto. Ninkii dhakhtarka ahaa ayaa siiyey talo dhaxal gal u noqotey ninkii xaaska dhegaha adag qabay talada uu siiyeyna waxay ahayd:

Marka hore 40 afartan talaabo u gaadh kuna dheh iyadoo madbakha ku jirta , Naa Heblaayooy maxaad caawa casho inoo karinaysaa, haday ku maqli weydo ku durug ilaa sodon talaabo u gaadh hadana ku celi hadalkii oo dhex; Naa heblaayo caawa muxuu reerku ku cashaynayaa ... Haday ku maqli weydo hadana kusii dhawaw oo u gaadh ilaa 20 talaabo kuna celi ilaa aad agteeda u dhawaatid.. Ninkii ayaa sidii yeelay oo ku celceliyey dhawr jeer isagoo kusoo marba ku sii dhawaanaya wax jawaabna kamuusan helin markaasuu markii ugu danbeysey intuu dhabarkeeda istaagay ku yidhi naa heblaayo waxan ku weydiiyey caawa maxaad inoo karinaysaa oo casho ah? intey qosashay ayey tidhi marka hore intaad shan jeer hadalka ku celcelinaysey adigoo halkaa dheer jooga maxaa kuu diiday inaad agtayda timaadid...


Hadaba murtida ka danbaysa sheekadani waxay tahay in inta badan dhibaatada aan dadka kale ku sheegno ay inaga laf ahaanteena ay ka dhalato, ninkani isaga ayaa dhibaatada canaaga naagtiisa sababteeda lahaa waayo waligii agteeda muu inam inuu meel dheer waxka waydiiyo mooyee.

Hadaba biyo dhaca sheekadan ayaan maanta ku qaadadhigayaa isfaham la'aanta dhex taala labada xisbi ee UDUB iyo Kulmiye oo aad moodo inay yihiin sida labadaa qof oo isfahmi weydey.. Dadka badankiisa ayaa waxay isweydiinayaan maxaa labadan xisbi loogu soo qaatey naag iyo ninkii qabay ? Murtida ka danbeysaayi sidaa maaha labada qof ee isqaba ka ragga ah iyo ta dumarka ah anigu ma arko wax ay isdheeryihiin inkastoo dhaqanka soomaalidu ay badanaa xagga raga ahmiyada saaraan hadana bulashadu waxay ka dhisantaa hooyo waana sababta loo yidhaa (Dhulkii hooyo , Afkii hooyo.)

Hadaba anigoon islahayn labadan xisbi mid si gaara u canaano hadana eedu waxay madax u saaran tahay xisbiga talada haya oo inta badan iska indho tira cabashooyinka ay xisbiyada mucaaradka ahi sheegtaan sida arintan ugu danbaysey ee ah wakhtiga madaxweynaha loo kordhinayo halaga wada hadlo si midana qaraar halooga soo saaro ee yaan cidna la yaraysan.

Dhinaca kale Xisbiga Mucaaradka ee Kulmiye waxa la gudboon inuu Dastuurka Dalka u dajisan aad ugu noqnoqdo tixna galiyo qodobada ku cad dastuurka Jamuuriyda Somaliland u yaala. Hadalada warsaxaafadeedka ah ee la iska daba qaato ee midba midka kale ku burinayo warkiisu waxay abuuri karaan isfaham la'aanta iyo dhego adayga oo sii siyaada waxana wanaagsan in wada hadal iyo kulamo joogta ah laga sameeyo arimahaas intayna saxaafada usoo bixin.

Intaa waxan raacin lahaa, Waayadan danbe waxaad moodaa inuu madaxa lasoo yara kacay xisbiga kulmiye ka dib markii uu ku guulaystey inuu ushirweynihii labaad si nabada ku gabagabeeyey , lakiin taas ayaanu u arkin Hogaamiyaha xisbiga kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siilaayo inay ka dhigan tahay in muftaaxii Madaxtooyada jeebka loogu riday waxaanan sidaas u leehay ka dhib markii uu dhawaan Gudoomiyuhu uu Madaxweynaha Dalka Mudane Dahir Rayale Kahin ugu hanjabay inuu furaha qasriga madaxtooyada iska soo wareejiyo mar hadii wakhtigiisii ka dhamaaday ! Arintan ayaa fajiciso iyo amakaag ku noqotey Bulsho weynta Reer Soomaalialnd meel kasta oo ay joogto, dadka badankiisuna waxa uu u fasishay inuu Gudoomiye Siilaanyo u jeedo inuu gacmaha dib u shaadhka uga laabtey feedhna diyaar u yahay.

Intaa waxa dheer in maanta ay labada Gudoomiye ee xisbiyada Mucaaradku ay si wadajira ah u wadeen wadahadalo ay la lahaayeen Shirgudoonka G/Guurtida si ay ugala hadlaan wakhti kordhinta madaxweynaha oo wakhtigiisu ku egyahay bishan 15 keeda.

isbaahaysigan ayaad moodaa labada xisbig mucaarad inay meel ka wada jeedaan waxabay  u egtahay inay labadan xisbi kaliya ku midoobeen   si muruqooda ay kula dagaalamayaan dawlada soomaaliland uu tamar mida u noqdo , LAKIIN akhristoow bal dib u fiirso waayaha!! Sanadadii sagaashanaadkii waxa jiray xisbiyo mucaarad ah oo is baahaysta si Madaxweynihii Dalka Soomaaliya xukumi jiray ee Maxamed Siyad Barre looga tuuro talada wadanka, Xisbiyadaasi midna muusan lahayn qorshe siyaasadeed oo uu meel uyaala kadib marka siyaad Bare ka tago wadanka uu ku talagalay markuu siyaad carareyna wixii dhacay waaba loo wada joogay.

Hadaba inay midoobaan labadan xisbi mucaarad ee KULMIYE iyo UCID ma xuma (LAKIIN WEYN) ayaase meesha taala oo ah : Mar haduu maanta Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye uu sidan u hadlayo dastuurkii wadankana dhegaha ka furaystey maxaad fili doontaa marka uu wadanka taladiisa qabto.. (Waa oday ka sheekeeye intaanu shaadhku igu guban miyaan shiinaba aado) Jamuuriyada Soomaaliland oo dhalinyarta ku nooli 87% ay yihiin kuwa shaqo la oo aan wax camala hayn marka loo geeyo xiisad dagaal oo ka alooganta waxaan shiki ku jirin inay labadaas marka la isku daro ay inagaga filan yihiin inaynaan u baahnayn Gaas iyo Kabriid kale oo aan u doonano dibadaha si aan u qabadsiino Jamuuriyada Soomaaliland ee mudada dheer nabad ku caano maalaysey.

Ilaahay ayaan taa ka magan galay waxaase la yidhi nimaan waxa soo socda garan waxa jooga ma garto, Habaarkana waxaad muudaa inay hadalada Gudoomiyaha xisbiga kulmiye iyo raga mayalka adag ee xisbigiisa ay ku wada jiraani uu si xawliya u soo dedejinayo isla markaana uu Madaxweynaha Jamuuriyada Soomaaliland Dahir Rayale Kaahin uu shaabad weyn oo OK ay saarayo si arintani usoo degdegto.

Shacabka maxaa la gudboon?

Waxa dhamaanteen inala gudboon inaan ku waaya qaadano koonfurta soomaaliya qaska ka taagani siduu ku bilawday ilaa hadana kusocdo .. waana inaanu khaladkasta oo uu hogaamiye, Ama Madaxweyne uu ku kaco aanaan ku taageerin oo danta dadka laga raaco qofkastoo Jamauuriyada Soomaaliland u dhashay waxa la gudboon inuu dhegaha ka furaysto cidkasta oo qalalaase abuuri rabta iyo wixii dastuurka ka baxsan waa in cidii keenta lagu celiyaa ama laga wada hadlaa sidii dastuurka loo bedeli lahaa .

Madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland isaga waxaan leehay hadalka ku celceli Axsaabta mucaaradka ah ilaa aad u dhawaanaysid dhegtana waxa ugu sheegaysid hadii kale adigana waa kuu casho la'aan. kkkkkkk

Ismahan Nuur
Saylac.com
Kuwait, Kuwait City

ismahannuur@yahoo.com

hadii aad hayso faalo ku saabsan qormadan kusoo hagaaji emailka ah saylacnews@yahoo.com ama emailka wariyaha midkood.

 



 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com