|
|
 |
Ururka Gurmad oo dhagax dhigay wajigii labaad ee
dhismaha garoonka Borama
Jan-14-2008
Daawo sawirada
Borama( saylac.com)- Dhagaxdhiga wajiga labaad ee
garoonka Biroole ayaa maalintii shalay dib loo
bilaabay ka dib markii ururka Gurmad ee iyagu balan
qaaday inay dhismaha garoonka dhamays tiri doonaani
ay garoonka ku shubeen dhaxagaanta dhismaha oo
gaadhaysa ilaa 30 lawdh. dhagaanta lagu shubay
garoonka ayaa waxay horudhac ka yihiin qorshe
balaadhan oo uu ururka gurmad ugu talo galay inuu ku
dhamays tiro dhismaha garoonka kubada cagta ee
magaalada Boorama oo in mudo ahba ururku uu ku talo
jiray .
Dhaqdhaqaadha dib udhiska garoonka ayaa waxa uu soo
jiitey dhalinyaro aad u badan oo iyagu ku sugnaa
garoonka wakhtiga iskaragooyinka dhagaxaanta
qaadaayi ay ku shubayeen dhagaxaanta dhismaha,
dhalinyara qaar ka mid ah ayaa waxay saylac.com u
sheegeen ina aad ugu faraxsan yihiin inay arkaan
dhismihii garoonka oo dib loo abaabulaayo isla
markaana ay aad ugu kalsoon yihiin Ururka Gurmad
inuu kasoo bixi doono balan qaadka uu noo qaaday
inuu garoonka dhamays tiri doono " ayay yidhaahdeen
dhawr dhalin yaro ah oo ku sugnayn garoonku.

dhamaystirka wajiga labaad ee garoonka ayaa lagu
talo jiraa inuu u socdo sida loogu talo galay waxana
dadkii deeqaha bixiyey uu ururka gurmad u damaanad
qaadayaa in shilin walba uu ubixi doono sidii loogu
talo galay "ayuu yidhi Gudoomiyaha Ururka Gurmad
Mudane Faysal Abadiid (faysal Dacawo ) oo fadhigiisu
yahay wadanka Norway. sidoo kale Agaasimaha Ururka
Gurmad mudane Jawhar C/Samad Qalinle ( Korwaayeel)
oo isna shir jaraa'id ku qabtey magaalo madaxda
wadanka Sweden ee Stockolm ayaa sheegay inuu ururka
gurmad uu yahay urur kasoo bixi doona balanta uu
dhalinyarta ree Awdal horey ugu qaaday ee dhismaha
garoonka , waxa kale oo uu Agaasimuhu intaa ku daray
in dhaqaalihii loo ururiyey dhismaha garoonku uu ku
jiro khasnada dhexe ee ururka gurmad mashruuciisa
dhismaha garoonka ee Dahabshil- Borama. "waxaan
dadka wali aan ka qayb qaadan inay walaalahood ka
mid noqdaan waxtarna ka geystaan dhismaha garoonka
aan ku dhiiri galin lahaa inayna sugin beri ee ay
sida ugu dhakhsiyo badan ugu shubaan ururka gurmad
ee mashruuca dhismaha garoonka ee ka furan Dahabshil
Borama" ayuu hadalkiisa ku daray agaasimuhu.
Wajiga labaad ee dhismaha garoonka ayaa wuxuu ku soo
beegmay wakhti magaalada Boorama ay ka socdaan dhawr
mashaariic oo horumarineed oo uu ka mid yahay
dhismaha Jidka laamiga ah ee iska kaashanayaan
Ururka ARNA iyo Dawlada Hoose ee degmada Boorama.
Dahir Axmed "jirde"
Saylac.com
Borama- Somalilan |
|
|
|
- To Submit Information
Click
here--
|
|