| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
War Deg- Deg ah: Mudaharaad sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Hargeysa ..April,27,2008
Hargeysa(Saylac.com)-Mudaharaad cabasho ah oo sababay dhimasho iyo dhaawaca inta la hubo saddex ruux ayaa maanta ka dhacay waaxda Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa. Kooxo dadwayne ah oo ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa, ayaa maanta mudaharaad balaadhan isugu soo baxay, kaasoo ay kaga soo horjeedaan magacyada mid ka mid ah sadex degmo oo golaha deegaanku ay todobaadkii hore magacaabeen.

Mudaharaadkan oo ka bilaabmay subaxnimdii Garoonka kubada cagta ee Hargeysa Stadium, ayaa waxa uu ku soo dhawaaday duhurkii saldhiga dhexe ee Caasimada Hargeysa, Islamarkaana rasaas ay kor u ridayeen ciidamada Boliska oo isku dayayay inay dadka kala dareeriyaan ayaa sababtay inta la hubo dhimshada Hal qof iyo dhawaaca laba ruux oo shacab ah, kuwaasoo la geeyay Cusbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa.

Sidoo kale dhawr Askari oo ay dadweynaha Cadhaysani dhagaxyada ay tuurayeen dhaawacyo gaadhsiiyeen, kuwaasoo aanu ku booqanay Cusbitaalka.

Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa Qoraal uu soo saaray oo imika 12-kii duhur-nimo waxa uu ku sheegay in dawladu ka noqotay magacaabista degmada cusub ee Sh. Cumar Yuusuf, oo laga jaray degmada Axmed Dhagax. Iyo in degmo kasta loo daynayo magaceedii hore.

Taasoo imika u muuqta inay xaalada Dejisay. Xildhibaano iyo Salaadiin ayaa arrintan dejinteeda ka howlgalayay.

“Kama soo hor jeedno degmada la magacaabay, balse waxaanu ka soo horjeednaa oo aan la aqbali Karin in xaafadaasi magacii hor ee loo bixiyay laga bedelay, loona bixiyay magac cusub, xaafada markii hore waxa la odhan jiray Cabdi Iidaan, imika markii degmo laga dhigay maxaa loogu bixiyay nin kale, waa taas waxaanu diidan nahay”Sidaa wax yidhi mid ka mid ah dhalinyaradii horkacaysay banana baxaasi oo ii sababeeyay ujeedada mudaharaadkooda.

“Lama yeeli karo lana aqbali mayo in Degmada Axmed Dhagax la kala jaro, hadana loo bixiyo magac la doonayo in lagu xamaasadeeyo dadweynaha ku dhaqan degmada Axmed dhagax.”ayuu intaasi raaciyay wiilkaasi.

Banaan- baxaasi ayaa lagu dhagax tuurayay baabuurta dawlada, waxana muraayadaha daaqadaha laga jajabiyay Baabuurka Hoggaanka Hawl gelinta Booliska , halka Baabuur kale oo uu leeyahay Wasiirul dawlaha macdanta iyo biyahana la shiiday, inkasta oo aan khasaare weyn loo geysan.

Mudaharaadeyaashaasi waxa kale oo ay taayiro ku shideen wadooyinka degmada Axmed dhagax qaarkood, iyagoo markii dambena shiiday Dhismaha golaha deegaanka Hargeysa, oo xiligaasi uu ku sugnaa Maayarka Caasimada Hargeysa, Eng Xuseen Maxamuud Jiciir,in kasta oo markii dambe boolisku xabado ay kor u ridayeen ay ku kala kaxeeyeen.

Ilaa imika ma jiro wax khasaare ah, iyadoo aan warar la xaqiijini ay sheegayeen in laba qof wax ku noqdeen xabadihii boolisku rideen.

Waxa kale oo la ii sheegay in Askari boolis ah ay kox dhalinyaro ahi kala boodeen qorigii.

Ugu dambayntii Qoraal aanu helay oo uu ku saxeexan yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Md. Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro) ayaa muhiimadda nuxurkiisu xambaarsanaa ka noqosho ay xukuumadu ku war-gelinayso inay ka noqotay degmooyinkaas dawlada hoose magacawday, oo ay ku daynayso sidii ay hore ahaayeen. Taasoo ay mudaharaadayaashu markii loo qaybiyay koobiyadeeda, loona akhriyay ay ku qanceen, kuna kala dareereen iyaga oo sacabada tumaya.

Musiliyiintii ku hawlana dejinta xaaladaas, waxa ka mid ahaa Wasiirka Caafimaadka, Md. Cabdi Haybe, Xildhibaan Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka soo wada jeeda beesha deegaanka Mudaharaaday, iyo waliba Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, Suldaanka guud ee Beelaha Isaaq.

Cabdiqani X. Baynax, /Saylac.com/Hargeysa Somaliland

 


 

 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com