Maxamed Cumar,
Harowo = Boorama, Dec. 4-06 -
Wararka ka iomanaya deegaanada ka tirsan
Degmada Saylac ayaa sheegeya in mar kale
dhulkaasi ay hafiyeen daadad ka
dhashay roobab xoog leh oo ka daayay
dhulkaasi afartii casho ee ugu dambaysay.
Sida uu ii sheegay Guddoomiyaha Golaha
deegaanka ee Degmadaasi Saylac Maxamed
Cumar Cawad oo an saaka la xidhiidhay
isagoo kusii jeeda magaalada Hargeysa ,ayaa
yidhi
" Markaan dhibaato kasoo baxnaba tu
kale ayaa haddana waxyeeladeedu saamaysaa
deegaankaasi. Waxan kasoo baxnay afar sano
oo abaar ahayd oo dad iyo duunyaba
lagau baab'ay maantana daadad marba marka
ka dambaysa dhibaatadoodu na
saamayso ayaan ka cabanaynaa .Waa nimco
ilaahay. Maanta waxan u tegeyaa xukuumadda
sare ,gaar ahaan Hay'adda ka hortegga
aafooyinka dabiiciga, ah si ay nooga
caawiyaan dhibaatadan ilaa sannadkan
nagusoo noqnoqonaysa ee roobabka".
Dadkii ma haystaan hoy
iyo cunto toona, gaar ahaan dadka ku dhaw
tuulada caasha Caddo ,iyo deeganada
ku yaalla badhtamnaha banka Geriyaad ee an
u dhaweyn jidadka la maro.Maanta roobkani
wuxu sameeyey in dhulkii jilco oo u
gaadhiga mara la dego, sidaa darteedna
bal si kastoo ay noqotaba waxan isku
dayeynaa inaan dadkaasi wax uun la gaadhno
.'
Waa markii labaad ee sannadkan gudihiisa
Degmada Saylac deegaanno ka tirsan
ay roobab iyo daadad ka qayliyaan madaxda
Magaaladaasi, iyadoo bil ka hor daadad ka
dhashay roobab ka daaa'ay dhulka Itoobiya
daada kasoo rogmaday ay dul mareen ,isla
markaana baabiiyeen deegaanno ka tirsan
Degmada Saylac.