|
|
 |
|
| |
Halkeebay degan yihiin dadka
maraakiibta caalamiga ah ku afduubo xeebaha
soomaaliya?
April,21,2008
Boosaaso(Saylac.com) Wadamo badan oo reer Galbeed ah
ayaa maraakiibtooda maanta uga digay inay ka durkaan
xeebaha soomaaliya markay shixnadaha aduunka u kala
gooyasha sidaan.

Dawlada Spain ayaa waxay soo bandhigtey maab
muujinaya goobaha ay kooxaha baddaha u fadhiista
marakaakiibtu ay ka degan yihiin xeebaha soomaaliya.
Toban casho ka hor waxa ay kooxahani ku afduubeen
xeebaha gacanka cadmeed markab dalxiis oo laga lahaa
dalka faransiiska markabkaas oo markii danbe lagu
furtay lacag dhan 2 milyan oo doolarka maraykanka
ah.
Dawladaha kale ee ay ka midyihiin Holand , iyo
Dermark ayaa sidoo kale sheegay maanta inay
maraakiibtooda ay wehelin doonaan ciidamada Bada ee
wadamadaasi marka ay marayaan biyaha soomaaliya.
Hay'ada Ganacsiga Maraakiibta ee Wadanka Qatar ayaa
inana sheegtey inay wadashaqayn buuxda la yeelan
doonto wadanka Denmark si ay uga wada hortagaan
badgooyaha soomaaliya oo lagu tilmaamay inuu kordhay
bishii inaga tagtey oo kaliya 20% soona gaadhay
xeebaha Somaliland oo aan horey looga aqoon.
Dawlada Goboleedka Puntland ayaa dhawaan waxay la
gashay heshiis wada shaqayneed wadamo dhawra sidii
looga hortagi lahaa kooxaha badda u istaaga
maraakiibta caalamiga .
Muse Siciid
Saylac.com
Boosaaso/ Soomaaliya |
|
|