Baydhabo:- Waxaa maanta
4: 30 (afartii iyo barkii
galabnimo oo gaw ah) wakhtiga
Baydhabo ka soo degay gegida
dayuuradaha ee magaalada
Baydhabo wefdi heer qaran ah
oo ay horkacayaan madaxwayne
Cabdulaahi Yuusuf iyo Ra'isal
Wasaare Cali Maxamed Geedi
uuna ka mid yahay Ra'isal
Wasaare ku xigeenka ahna
Wasiirka Maaliyadda Professor
Saalim Caliyow Ibroow,
Wasiirka Dastuurka Dawlada
Federaalka Dr Cabdalla Deerow
Isaaq iyo xubno kale oo isuga
jira Wasiiro iyo Wasiiro ku
xigeeno.
Markii madaxwaynaha iyo
wefdigiisa ay cagta soo
saareen ciida Baydhabo ayaa
waxaa ay salaan sharaf ka
qaateen cutubyo isku dhafan oo
ka kala socday Qaybta 60-aad
ee Ciiidanka Xooga Dalka
Soomaaliya intii ku hartay
Baydhabo ka dib colaada
sokeeye iyo Ciidanka Booliiska
magaalada Baydhabo iyo kooxda
Baandeyda oo garaacayay
muusikada heesta astaanta
calanka Soomaaliya ee "Soomaaliyeey
Toosoo, Toosoo Isku Tiirsadeey,
Hadba kiina taag daranee,
Taageera weligiinee..."
Salaan sharafta iyo calan
saarka ka dib waxaa
madaxwaynaha iyo Ra'isal
Wasaaraha qoorta loo suray
ubax.
Waaxaa iyaguna wefdiga heeso
ku soo dhaweeyay kooxaha xagga
fanka ee ka jira magaalada
Baydhabo sida fanaaniinta
kooxda Aralaadi Band.
Waxaa dhoobnaa hareeraha
dhabbaha ay ku soo degeen
dayuuradiihi siday wefdiga
shacab iyo mas'uuliyiin aad u
tiro badan oo si is maqiiq ah
salaanta ugu boobayay wefdiga
madaxwaynaha iyo Ra'isal
Wasaaraha. Madaxwayanaha iyo
Rai'sal Wasaaraha ayaa salaan
saf ah oo mid mid ah la maray
dhamaan shacabkii iyo madaxdii
u tuurnaa soo dhawayntooda
dhabbaha dayuuradaha ee
garoonka Baydhabo.
Soo dhawaynta oo ahayd mid aad
u diiran oo aan ereyo lagu
cabiri karin ahaydna mid aan
loo kala harin shacab iyo
madaxba ayaa waxaa ka mid ahaa
masúuliyiinta ku soo dhawaysay
wefdiga magaalada Baydhabo
dhamaan wasiirada iyo
xildhibaanada ka tirsan
dawladda federaalka ee ayagu
horay ugu sugnaa Baydhabo oo
kala ah Wasiirka Gaadidka
Cirka iyo Dhulka Ibraahim
Aadan Xasan "Kiishbur",
Fowsiya Maxamed
Sheekh-wasiirka arimaha
Haweenka iyo Qoyska, wasiirka
Hidaha iyo Tacliinta Xuseen
Maxamuud Sh.Xuseen, Wasiirka
dib u heshiisiinta Sheekh
Aadan Sheekh Madeer iyo xubno
kale oo ay ka mid yihiin
Ibraahim Xuseen Saalax,
Cabdulkaahi Cabdi Garuun iyo
Ibraahim Isaaq Maxamed,
Wasiirka Cadalada Sheekh Aadan
Maxamed Nuur "Seekh Aadan
Madoobe" ,Xasan Maxamed Nuur "Shaatigaduud",
wasiirka Beeraha ee dawlada
federaalka ah, Xildhibaan
Maxamed Ibraahim "Xaabsade",
Wasiir ku xigeenka Macdanta
iyo Biyaha Axmed Sheekh
Maxamed Cabdi Amatow ,
Xildhibaan Madoobe Nuunow,
xildhibaan Maxamed Mursal
Boorow , Xildhibaan Cali Aadan
Xuseen , Maxed Nuur Maxamed
Khayre, iyo Aadan Maxamed
Nuur "Aadaan Saransoor" iyo
masúuliyiinta maamulka ku
meelgaarka ah ee ka rimaya
Baydhabo oo ay ka mid yhiin
Mayow Teesiyow, Maxamed Cali
Aadan "Qalinle" iyo Cabinuur
Boodadheere. Waxaa kaloo soo
dhawaynta wefdiga madaxwaynaha
iyo Ra'isal wasaaraha ka qayb
qaatay Maxamuud Sayid
Aadan-Wasiirka Hantida Qaranka
iyo Qalabaynta oo xalay ku soo
biiray wasiiradii dawlada ee
horay Baydhabo u joogay asagoo
safar xagg dhulka ah kaga
yimid gobolka Gedo
Is marxabayn iyo salaan ka dib
ayaa waxaa wefdiga ka soo
gelbiyay gegida dayuuradaha
magaalada Baydhabo kolonyo
baabuur ah oo isugu jirtay
baaburta gaarka ah oo marti
sharafta loogu talagalay iyo
kuwa dagaalka ee loo yaqaano
tiknikada oo sugayay amaanka
wefdiga.
Laga soo bilaabo cirifka
gegida dayuuradaha ee
magaalada ilaa guryaha martida
ee wefdiga la dejiyay, ilaa
garoonka kubadda cagta ee
Ayuub Sheekh Yarow ayaa waxaa
hareeraha wadooyinka tubnaa
dadwayne buux dhaafiyay
magaalada oo isugu jiray dadka
degan magaalad iyo kuwo ka
yimid deegaanada kale oo ayagu
u yiimd in ay goob joog u
ahaadaan booqashadan heerka
qaran ah, waxayna lulalayeen
calanka astaanta qaranka
Sooomaaliya, ubaxyo iyo laamu
quuyan.
Wefdiga madaxwayne Cabdulaahi
Yuusuf iyo Ra'isal Wasaare
Cali Maxamed Geedi oo aad u
daalana ayagoo safar dheer oo
xagga cirka iyo dhukaba ah ku
soo maray gobollo kale ayaa
haddana u khudbadeeynaya
dadwaynaha magaalada Baydhabo
oo goob fagaare ah isugu soo
baxay.
Fiiro Gaar ah:
Muuqaalada iyo sawirrada soo
dhawaynta wefdiga dib ayaan ka
soo daabacaynaa
Bashiir
Maxamed
Aadan
"Bashiir
Xabashow"
Baydhabo
Baidoa.com