Chat | Guest Book | Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

Ma runbaa in reer Hargeysa ka maarmaan Soomaliya mise waa is marin habaabin Siyaasadeed.
Magaalada hargaysa oo ah magaalo aad u da'weyn oo hore u ahayd caasimaaddii labaad ee soomaliya ayaa waxay ku hora martay dhinacyo faro badan oo ay ka mid yihiin qaabka Dhismaha iyo Jidadkeeda waaweyn ee Quruxsan waxaad ka helaysaa bilicda dhismeheeda iyo Hoteeladda deegaanka iyo adeegeeda Hufan .

Markii aad eegto magaalada sawir guud waa meel ku taal dhul san oo cimilo wanaagsan , roobabka xill roobaadkana badanaa hesha , adeegyada dadweynuhuna ay si fiican uga socdaan walow qaybtood la dhalliilo , oo marar badan dadku waayaan waxyaalaha Nolosha muhiimka u ah sida Biyaha oo ka go'a Xaafado ka mid ah Magaalada

Waxaa magaalada ka muuqda difeetadii iyo daqaradii dagaalada sokeeye , halkaasi oo ay dadka ku nooli aaminsanyihiin in Soomalidu waxan u gaysatay , gaar ahaan Soomaalida koonfureed , oo aan marnaba lagu soo qaadi karin wax la yiraahdo la midoobid , waxayna mar walba dadku sheegaan in magacooda Somali land ay dhawraan kuna barwaaqoobayaan oo uu yahay laguma xadgudbaan .

Meel bartamaha magaalada ama farasmagaaalaha Hargaysa dhacda oo hore loogu magacaabi jiray Xarunta Bulshada ayaa burburkii ka dib laga dhisay Taallo lagu magacaabo Taallada Xorriyadda ama daljirka dahsoon , taaladaasi oo la dulsaaray Diyaarad Miig ah oo ahaa kuwii ka burburay ee ku dul dhacay xilligii duqayntii Hargaysa , waxayna ku sawireen Sawiro muujinaya dad dagalamaya iyo kuwo gacmo go'an , halkaasi oo sida lay sheegay ah meel ay dadku ku xasuustaan wixii ka soo maray Dawladii hore ee Soomaliya , iyo weli ba kicinta dareenka dadweynaha .

 

Amniga iyo xasiloonida dadku ku noolyahay waa mid aad u sareeya oo aan la soo koobi karin , taasi oo aad moodo in dadka ku nooli ka daaleen dhibaatadii iyo colaadii sokeeye , Maamulka ay samaysteen ee Somali land waa midka intaasi u dhaliyey .

Magaalada waxa si weyn ugu badan oo ka hawl gala Hay'ado faro badan oo aan ka hawl gelin meelaha kale ee dalka Somaliya kuwaasi oo xafiisyo waaweyn kuleh , iyagoo la sheego inay u soo raaceen Nabadda iyagoo hirgalinaya Qaraarkii ahaa in la xoojiyo meelaha Somaliya ay Nabaddu ka jirto .

Dadka dalka camiraya ayaa aad ugu faro badan Magaalada Hargaysa dadkaasi oo ah dadka dibadaha ka soo laabtay waqtigan oo doonaya inay dalkooda hooyo dhisaan , inkasta oo ay magaaladu ku nooshahay habka dabaqadaha kala sareeya oo dad badani aysan helin quud maalmeedkooda , kuwo kalena ay ku noolyihiin Nolol sare iyo Raaxo adduun .

Waxa Hargaysa dhallinteeda iyo cirooleheeduba ka siman yihiin waxa loo yaqaano Shaxaad taasi oo ay keento sida la ii shegay Qaadka faraha badan ee uga yimaada Itoobiya oo aanay dadku u wada helin lacag .

Dawladdu waxay in badan isku hawshaa inay shacabka ku qanciso in la aqoon sandoono waxaynku ku beertaa Nacaybka dadka Somaaliyeed iyo la midoobidooda , halkaasoo dadku derbiyada kaga sheekeeyaan Soomaliya waan ka go'naye maxaa na daba dhigay .

Inkasta oo ay sheegtaan Maamul u gaar ah iyo Dawlad ka go'day Soomaaliya oo sheegatay Somaliland haddana ma dhaafsiisna Hargaysa dadkeedana uma daryeesho oo xitaa jidkii Dawladii Soomaliya u dhistay inta u dhexaysa Berbera ilaa sheekh aad ayey u burburtay ,waxaa kaloo ka sii daran Garoonka diyaaradaha ee Hargaysa waa uu dayacan yahay oo waxaa uu halis u yahay inuu Burburo.

Isku soo wada xoori, Hargeysa xag dhaqaale dhaqan iyo mustaqbal ku xirantahay Somomaaliya in teeda kale.

Is-weydiinse waa gobollo aad u yar oo beelo koobani degaan maxay Soomaaliya uga faquuqmayaan oo ay qaran u sheeganayaan,maanay caddayn inaan Qabiil qaran Noqon karin oo Soomaali eebe isbaday oo aysan marnaba kala maarmin?.

 Source: sanagcity network, Cerigabo

- To Submit Information Click Here -

Home | Somaliland News | Awdalnews.com | Amoud University
Copyright © 2003 Saylac.com