ILAAHAYBAA
MAHADLEH,NABI
MUXAMEDBAA
SHARAFLEH(CSW).
Intaa
ka
bacdi
walaalayaal
waxa
sharaf
inoo
ah
inaan
dhalinyaradeena
udhisno
garoon
kubadeed
oo
daboola
baahida
soo
jireenka
ah
ee
dhalinyarada
reer
Awdal
ka
haysta
dhinaca
ciyaaraha.
Garoonka
kubbada
cagta
ee
Boorama
oo
la
dhisaa
wuxuu
wax
wayn
ka
bedeli
doonaa
hanaanka
sportiga,wuxu
dhisi
doonaa
hiyiga
iyo
habdhaqanka
dhalinyarada
soo
koraysa,
ciyaaruhu
waxay
dhisaan
maskaxda
iyo
muruqa
qofka,waxay
dhalinyarada
ka
reebaan
mukhadaraadka
iyo
wixii
la
halmaala.
Dhanka
kale
Garoonka
kubadda
cagta
ee
magaalada
Boorama
oo
la
dhisaa
wuxu
qayb
wayn
ka
qaadan
doonaa
bilicda
magaalada,waxa
kale
oo
uu
suuragalin
doonaa
in
ay
Borama
martigaliso
tartanka
gobolada
dalka.
Sidaas
darteed
waxan
ku
boorinayaa
bulshada
Reer
Awdal
gudo
iyo
dibadba
inay
ka
qayb
qaataan
dhismaha
garoonka
kubadda
cagta
ee
Boorama."Gacmo
wada
jirbay
wax
ku
gooyaan".
Waxan
idinku
dhaafayaa
Garoonkaa la
dhacayaan lahaa
maanta
sees
dhiga
e
Inaan
jabiyo
dhagaxiyo
inaan
biyaha
soo
dhaansho
Kolba
dhinac
ha
joogtee
haddaan
dhoobo
gadayaaye
Ninkastaa
dhankiisaa
la
sugi
inuu
dhaqaajaaye
Dhudhun
wada
jiraa
lagu
dhisaa
lagu
dhameeyaaye
Ninkastow
dhantaalaha
ka
dhawr
dhagaxdhig
weeyaane.
Jowhar
Cabdisamad
Qalinle(korwaayeel)