Garoowe (AllPuntland)-
Madaxwaynaha dawlad goboleedka Puntland Mud;
Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde) ayaa soo
gabogabeeyay hawlihii uu maalmahan u joogay
magaalada Gaalkacyo kadib markii uu
magacaabay guddi reer Puntland ah oo ka
qaybqaata nabad raadinta laga dhex wado
beelaha Sacad iyo Saleebaan.
Guddigan ayaa waxaa xubno ka ah masuuliyiin
ay kamidyihiin;- Cismaan Xaaji Nuur iyo
Daahir Maxamed Garaase oo ka kala yimid
gobollada Bari iyo Nugaal kuwaasoo saxaafadda
u sheegay inay xataa diyaar u yihiin inay
tagaan goobihii ay dagaalladu ka dheceen oo
ay gacmaha isu soo saaraan beelaha dagaalamay
.
Madaxwayne Cadde ayaa intii uu joogay
magaalada Gaalkacyo wuxuu shirar la
qaadanayay odayaasha beelaha dagaalamay
qaarkood , kulamadaasi oo ka dhacayay Hotel
Taar ayaa looga wada hadlayay qaabka ugu
sahlan ee lagu heshiisiin karo labada beelood.
Madaxwaynuhu wuxuu kulankan la qaatay odayaal
miisaan ku leh labada beelood oo uu kala
xaajoonayay in dib danbe aysan u dhicin
dagaaladu.
Madaxwaynaha ayaa sheegay in guddigan uu
magacaabay inuu la shaqayn doono guddi hore
uu u magacaabay Ras'iisal wasaaraha dawlada
Federaalka Soomaaliya Cali Maxamed Geedi.
Dhinaca kale madaxwaynaha Puntland ayaa intii
uu kusugnaa magaalada Gaalkacyo wuxuu kulamo
layeeshay maamulka gobolka iyo midka degmada
oo ay kawada hadleen in wax laga qabto
bilicda magaalada oo haatan uu ka muuqdo is
dhex yaac dhinaca dhismaha ah.
Madaxwaynuhu wuxuu amar ku bixiyay muddo 10
casho ah lagu banneeyo Warshadda Gallayda oo
waqti hore ay dawladda Punltnand nadiifisay
uguna tala gashay in dadku ku ganacsadaan
hase ahaatee dadku ay kasoo guureen.
CCC Farayaamo.
|