Chat | Guest Book | Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

Aug,01,2005- Warfaafinta Gobolka Awdal oo aad loo dhaliiley.

saylacnews/Borama:Gobalka awdal oo dhaca galbeedka jamhuuriyada Somaliland
ayaa ah mid ka caaggan warfaafinta gudaha iyo ta dibadaba.
Tusaale ahaan ,wargaysyada iyo laamaha kale warfaafinta sida tv –ga
iyo radio hargaysa ayaanan sidii loo baahnaa uga warramin waxaan
jirinna ka dhiga dhacdooyinka gobalka awdal nooc kasteba ha ahaadeene.

hadaan laga tagin waxaad mar-mar iyo dhif ka daalacan kartaa wargaysyada ka soo baxa magaalada hargaysa ee xarunta dalkaasi S.land warar iyo maqaallo kooban oo laga diray magaalada borama ee xarunta gobalkaasi AWdal,haseyeeshee degmooyinka kale ee gobolka inaad war ka heshid waa
arrin mustaxiila.
Sida laga warqabo,wararka soomaalida waxaa si joogta ah oo looga helaa BBCda; gar'ahaan laanteeda soomaaliga;taasoo magaalada
hargaysa kule wariye u soo tebiya lana socodsiiya dhacdooyinka
jamhuuriyadda Somaliland ,haseyeeshee waxaa lagu dhaliilaa war-
tebiyahaasi tallaabooyin takoor iyo nacayba,caddaalad darro dhinaca
warfaafinta ah iyo waliba inuu ku tunto shuruucda saxaafaddda .
Wariye axmad siciid cige sida ay ilo xog-ogaalihi sheegeen waxa uu ku
caanbaxay ka dhego adayga dhacdooyinka gobolka awdal nooc kaste oo ay
yihiinba ,halka uu isku xiijiyo tebinta dhacdooyin aanan gayin in
caalamka la maqashiiyo oo ka dhaca gobolka woqooyi galbeed iyo degmada
burco,
Faldanbiyeedka saxaafadeed waxaa ka marag kacaya dhacdooyin
ahammiyaddooda lahaa oo bishii luulyo ee ay aynu soo dhaafnay ka
dhacay magaalada borama.
Dhacdooyinkaasi ayaa ahaa kuwa aanan nasiib u yeelan in laga maqlo
dalka dibadiisa sida dhacdadii heerka qaran ahayd ee murugada iyo
naxdinta xanbaarsanayd,waa geeridii sh.muuse jaamac goodaad oo ahaa
xubin ka tirsan golaha guurtida xukuumadda
S.land ,waxbadanna khadka dhexe ka soo cayaaray nabadaynta dalkaasi oo
ku geeriyooday magaalada jabuuti ee xarunta dalkaasi jabuuti 8bishii
luulyo ee aynu ka soo gudubnay laguna aasay magaalada borama 9kii
bishaasi.
Isla 27kii bishaasi waxa ku soo beegantay xafalddii qalin-jabinta
dufcaddii 4aad ee ka aflaxda jaamacadda camuud ee boorama.
Xafladdaasi waxa ka soo qayb gelay madaxwaynaha jamhuuriyadda S.land Mudane: Daahir Rayaale Kaahin iyo xubno muhiima oo ka tirsan
golihiisa wasiirrda iyo waliba qaybaha kala duwan ee bulshada
soomaaliyeed.
Xafaladdaasi ayaa ahayd mid macna wayn haamabaarsan islamarkaana aad u
qiimao badan inkaste oo ayna BBCdu ka warramin soona qaadin qodobkaasi.
Haddaba saylacnews oo sameeyay ra`yi eegid ku saabsan arrintaasi ayaa
soo dhex maray magaalada boorama soona ururiyay fikrado ay ka
midyihiin:
Professor . Siciid Maxamad Daahir oo ah masuul ka tirsan waaxyo
maamuleedka jaamacadda camuud oo arrintaasi ka faallooday ayaa yidhi:
(waxaa qasaba in lagu qabsado BBCda iska dhego iyo indhotiridda
dhacdooyinka muhiimka ah) waxaanu u aanayay prof siciid arrrintaasi
inaanay ka jirin gobolka awdal wariyeyaal firfircoon oo tebiya warka
inta uu diiranyahay una tebiya wariyaha BBCda ee magaalada hargaysa.
Haseyeeshee in wariye axmad cigeha hargaysa uu dhagaha ka furaysto dhacdooyinka
Awdal "prof.siciid".

Bashiir Nuur Oomaar oo ah ganacsade reer Boorama ah ayaa isagu
aaminsan inaanu gobolka awdal helin xuquuqdiisa ay ka mid tahay ta
warfaafintu sobobo la xidhiidha hayb iyo deegaan awgood .
Prof:jaamac faarax xasan oo ah muwaadin reer jabuutiya ayaa isaguna
sheegay inuu aad uga yaabay sida ay BBCdu cagta hoos uga mariso
gobolka awdal ee uu waa siduu hadalka u dhigaye u go`doonsanyahay
gobolkaasi.
Waxaanu yidhi prof.jaamac isaga oo ka hadlaya xafalddii jaamacadda
camuud ee bishii luulyo ee sannadkan iyo sidii ay BBCdu ula dhaqantay :
(boorama ayaan joogay xafladdii qalin jabinta dufcadddii 4aad ee ka
qalin jabisa jaamacadda camuud ,si sabir la`aana ayaan u sugayay war-
bixinta xafladdaasi radiohana maan dhigin maalintaasi ,haseyeeshee
nasiib darro lama soo qaadin manaan filayn in dhacdo noocaasiya la
baahin waayo)

Isku soo wada geeyoo ,gobolka awdal waxaa la ogyahay inuu yahay
gobolka ugu horreeya gobollada soomaaliya dhinaca waxbarashada isla
markaana ugu liitaa dhinca warbaahinta .maxaayeelay,dadwaynaha ku nool
gobolkaasi oo lagu qiyaasay in ka badan nus milyan(500,000) ayaa
ilaa hadda aan kahadal sidii ay u sameysan lahaayeen hal wargays oo si ballaadhan wararka gobolka u
baahiya, taas waxa weheliya Wariha BBCda u fadhiya Hargiesa oo ka dhaga adeyga faafinta wararka ka dhaca Awdal.
Sidoo kale qurbo jooga reer awdal ee ku nool dalka dibaddiisana
lagama hayo tallaabooyin wax qabada oo dhinaca warfaafinta ah.

Dulahaan mujtamaca reer awdal waxa lagu tilmaami karaa inuu yahay mid
ka dhegi-xidhan ahimiyadda saxaafadda iyo saamaynta ay
ku yeelan karto nolosha siyaasadeed.


Sakariye Hussein
Saylac news
Borama, Awdal
email: sakariyehussein@saylac.com


 

- To Submit Information Click Here -

Home | Somaliland News | Awdalnews.com | Amoud University
Copyright © 2003 Saylac.com