|
|
 |
|
|
Maxamud Aden Cabdi oo
horey waraysi kusaabsan lacago lagu kala
iibsadey jagooyinka gudoomiye ku xigeen ee
sadexaad iyo afraad ee xisbiga kulmiye siiyey
saylac.com ayey sadex ninoo hubaysani ay ku
weerareen Huteel uu ka deganaa Magaalada
Hargeysa ...April,04-2008
Laascaanood(Saylac.com) Mudane Maxamuud Aden
Cabdi oo ahaa xoghayii hore ee Gudoomiye
kuxigeenka Sadexaad ee xisbiga kulmiye Maxamed
Talyaani ayaa lagu weerarey Huteeel uu ka
deganaa magaalada Hargeysa . Maxamed Aden Cabdi
oo horey waraysi ku saabsan jagooyin lakala
iibsadey xisbiga kulmiye siiyey saylac.com
ayaa maruu khadka telefoonka kula soo xidhiidhay
saylac.com u sheegay inuu weerarkani dhacay
abaarihii 7:24 fiidnimo taariikhdu markay ahayd
April,02,2008 isagoo iska hurda qol uu kaga jirey
Huteel ku yaala Magaalada Hargeysa.
Mudane Maxamud Aden Cabdi oo hada jooga
magaalada Laascaanood ayaa saylac.com waxa kale
oo uu u sheegay inay naftiisu halis gashay ka
dib markii ay sadexnin oo baastoolado wataayi ay
ku qabteen ayna baadheen boorsooyin uu haystey
oo ay ka baadhayaan sawiro uu ka qaaday goobtii lacagta lagu kala wareejistey oo ahayd
qol ku yaala Ambasadoor Hotel.
Maxamud Aden Cabdi ayaa waxa uu intaa raaciyey
inay ragaasi ka qaateen kamaradii uu sawirka ku
qaaday oo ay ku jireen sawiro xasaasi ah oo
muujinaya sida lacagooyinkaas loo kala
wareejistey gacantana looga saaray Gudoomiyaha
Xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Maxamud Siilaanyo.
Waxa kale oo uu Mr Maxamud intaa uu ku daray inuu
si qarsoodi ah uga baxay Hargeysa tageyna
magaalada Laascaanood hada ka dibna aanu kusoo
noqon doonin Hargeysa isagoo ka cabsi qaba rag
dibjir ah oo lacagooyin la siiyey si ay isaga u
waxyeeleeyaan.
Maxamud Aden Cabdi ayaa waxa kale oo uu
saylac.com u sheegay inuu qorshaysanayo inuu
wadanka iskaga baxo dhawaana usii dhaafi doono
magaalada Boosaaso ee xarunta Dawlad Goboleedka
Puntland.
Saylac.com ayaa waydiisey Mudane Maxamed cida uu
u malaynayo inay ka danbaysey weerarka lagu soo
qaaday ? wuxuuna ku jawaabay - Ciday tahay way
iska cadahay waana tageerayaasha xisbiga kulmiye
oo ka cabsi qabay inaan sawiradaa shabakadaha
somaliland ukala diro dabadeedna ay cadaato fadeexada qaawan ee Siilaanyo uu laaluushka kaga
qaatey labada gudoomiye ku xigeen ee kasoo kala
jeeda Gobolada Awdal iyo Sool ee xisbiga kulmiye.
Maxamud Aden Cabdi
Saylac.com
Laascaanood |
- To Submit Information
Click
here--
|
|