| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

Midowga Africa oo sheegay in hakad ay galiyeen howlihii shaqo ee dekedda Muqdisho

Mogadishu 19, March.07 ( Sh.M.Network) Midowga Africa ayaa maanta sheegay in ay si KMG ah u joojiyeen howlihii inta badan ka socoday dekedda Weyn ee magaalada Muqdisho sababo ay ku macneeyeen qalab Militari oo ka soo dagaya dekedda Weyn ee magaalada Muqdisho.
 
Captain Paddy Ankunda, Afhayeenka ciidamada Midowga africa ee Somalia

Afhayeenka ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Africa Paddy Ankunda oo wareysi siiyay shabakadda warbaahinta shabelle ayaa waxa uu sheegay in hakadka la galiyay howlaha dekedda Weyn ee magaalada Muqdisho ay la xiriirto qalab Military oo u soo dagaya ciidamada Uganda.

Waxa uu sheegay in qalabkaasi uu soo mari doono dhanka badda.

" Waxaa ciidamada Midowga Africa u soo dagaya qalab Military oo lagu taageerayo howlaha nabadda Somalia, Sidaasi darteed waxaanu si KMG ah u hakinay howsha dekedda Weyn ee magaalada Muqdisho si aan loo arbushin howlaha caadiha ah ee dekedda ka socon jirey, anaguna aan qalabkeena ula dagno" ayuu yiri Paddy Ankunda oo wareysi siiyay Shabelle.

Waxa uu sheegay in ciidamada dalka Uganda ay la wareegi doonaan dekedda Weyn ee magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah caasimadda, hasa ahaatee waxa uu tilmaamay in iminka ay ku howlan yihiin qorsheyaal lagu diyaarinayo qaabkii ay uga qeyb qaadan lahaayeen amaanka guud ee gobolka ciidamada Uganda iyo kuwa kale ee midowga Africa ee howl-galada nabad ilaalinta u imaanaya Somalia.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dhowaan magaalada Muqdisho ay ka bilaabi doonaan howlo lagu roondeynayo, taasoo ay ku sugayaan amaanka caasimadda Somalia.

Captain Paddy Ankunda waxa uu sheegay in dhowaan ay soo gaari doonaan gudaha dalka Somalia ciidamo kale oo ka socda Midowga Africa inkastoo uu ka gaabsaday waqtiga ay ku soo beegan yihiin.

Ciidamada Midowga Africa ee la filayo ayaa waxa ay ka kala imaan doonaan dalalka Ghana, Nigeria, Malawi iyo Burundi, waxaana ay gaarayaan ilaa 8 kun oo askari.

Mar wax laga weydiiyay afhayeenka ciidamada Midowga Africa tirada maraakiinta qalabka militari sida ee imaaneysa Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in arinkaasi ay tahay arin Military.

Hadalka Afhayeenka ayaa ku soo beegmay xilli Dekedda Weyn ee magaalada Muqdisho saakay howlaheeda shaqo hakad la galiyay, ka dib markii ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda KMG ah ay dibadda u soo saareen shaqaalihii xoogsatada ahaa.

Boqolaal dad oo isugu jira garab rarato iyo shaqaalaha dekedda ayaa saakay lagu arkayay Illinka hore ee dekedda.

Warar laga helay ilo ku sugan dekedda ayaa waxa ay sheegayaan in loo qeybiyay dekedda labo qeybood oo kala ah qeybo dadka rayidka ah ay isticmaalayaan iyo qeybo kale oo aan loo ogoleyn dadka shacabka ah, iyadoona howlihii shaqo ee dekedda ay dib u bilowdeen.

Shabelle Media Network Somalia
 

- To Submit Information Click here--

 

Home | Somaliland News | Awdalnews.com | Amoud University
Copyright © 2003 Saylac.com