|
|
 |
|
|
Mididin gaalo (Gabay)
May,11,2007
Tiriye: Maxamed Xirsi Guuleed
Gabaygan waxaa Tiriyey Maxamed Xirsi Guuleed (abdibashir) 2007-05-09. Wuxu ku socdaa RaŽiisal wasaaraha DKM ( =Dawladda ku meelgaarka Xabashida) Cali Maxamed Geeddi (Mididin gaalo) . Waa warbixin ku saabsan xaaladda dalka iyo kaalinta uu ku leeyahay Ninkaasi. Mar waa tumaati abwaan, marna waa waanin iyo wacdi. Ciddii ay xidhiidh leeyihiin ha iga gaadhsiiso waa farriine.
Ereyo jilcin: Mood = waa maalka sida lacagta iyo alaabooyinka kala duwan.
Araq = waa hurdada oo qofka ka guurta ama ku soo dhici weyda.
Dalaal = baadi, xaqa ka lumid.
Mawcid = Ballan
Wuxu yidhi:
1. Cali Maxamed Geedow Inaad mididin gaalaad tay
2. Oon magac bulshada kuu dhex ool lagugu maamuuso
3. Waa marag ma doontiyo war aan muran u baahnayne
4. Ninka soo miciinsaday axmaar mug iyo xooggiile
5. Ee moodhikaarriyo dalbaday miigag iyo kaare
6. Ee shacab masaakiin ahaa malag dulgawdiidshay
7. Ee yidhi madaafiic la dhaca ha i muddeeceene
8. Mashaqada dhextaal xamar waxaa maydku tira beelay
9. Ka masuulka laga saarayaa maandhow waa adiye
10. Maryaa dumarka laga siibayee muhasho loo qaawin
11. Ee diinta lagu maagganyahay mahadho weeyaane
12. Ninka masuulka laga saarayaa maandhow waa adiye
13. Masjid Xabashi guri looga dhigay, muusig lagu dheelo
14. Oo laga manciyey sheekh addima milay salaadeedka
15. Ka masuulka laga saaraayaa maandhow waa adiye
16. Mooryaantan qalabaysanee maxasta boobaysa
17. Een meherad iyo dhaafahayn guriga mood yaallo
18. Ka masuulka laga saarayaa maandhow waa adiye
19. Dalku muqaddasaad iyo hadduu goobo mudan leeyey
20. Madaxtooyadiisii ayuu cadow mushaaxaaye
21. Ka masuulka laga saarayaa maandhow waa adiye
22. Muslin buu shacbigu sii ahaan maalla way dhaqane
23. Adna maalmo weeyaan waxaad madax ahaataaye
24. Inuu murugo joogta ah ilaah kugu musiibeeyo
25. Ood meehannow iyo walaac meelba degi waydo
26. Hurdadaa macaanlehe inaad araq madoobaato
27. Maatidaad xasuuqdeen inay jiifka kugu maagto
28. Yaa ii miciinaay inaad maalmo badan hayso
29. oo marag laguu wada noqdaan maanshe sugaynaaye
30. Cabdillaahibaa kaa yar mudan, kaana magac roone
31. Mujrin haba ahaadee isaga waa la maah garane
32. Adigana mataalkaagu waa ey la maamuloŽe
33. Waxa kugu maxaafsada Tikree tiisa meel marine
34. Muruq reer galbeed iyo haddaad maalka Yururb eedday
35. Malles iyo haddii aad Farayz nebiyo moodayso
36. Ninkii meelo dhaadheer koraa, maandhow soo noqone
37. Mingistiyo Siyaad baad ogayd marinkay qaadeene
38. Waatuu Mabuutana bakhtiyey maalmo dabadeede
39. Adiguna inaad mudan halkaa muran laŽ weeyaane
40. Mawdkaaga lama gaabin karo mawle kuu qoraye
41. Malaggii namruud dilay hadduu kaaga malaq siiyo
42. Ama ay muqaawamo adoo mooggan ku haleesho
43. Ama uu miskiin ciil qabaa miino kula eegto
44. Tii lagula maagaba islaam mahadin dooneeye
45. Maydkaaga waxa raaci waa macatablaa gaale
46. Muslin inuu salaad kugu tukado malahay kaa dheere
47. Waxba maaxda gabay yaan sidii mool u sii geline
48. Midho iga gunaanada haddaan, miimka ka higgaasho
49. Cali Maxamed Geedow Inaad mididin gaalaad tay
50. Inaad marin habow iyo dalaal maamulka u hayso
51. Adiguna ma moogganid dadkuna kuma mannaagaane
52. Maxsharkiyo qiyaamuhuna waa mawcid kuu dhimane
53. Muddug adiga oo qaawan baad maandhow soo bixiye
54. Halkaasaa maxkamaddii Alliyo maragna yaallaaye
55. Kuwaad dunada macagooda taad meel la soo geliye
56. Waxse jira Macbuudoow Ilaah toobad kaa mudane
57. Intaad maanta nooshay intaan marinku kaa awdmin
58. Waa kuu maftuux weli inaad xumaha maydhaaye
59. Maqashii adduunyada haddaad toobad muhanayso
60. Haddii kale adays mahadiyee murug u heensayso
Maxamed Xirsi Guuleed
abdibashir@hotmail.com
2007-05-09
|
- To Submit Information Click Here -
|
|