DR Cabdiqaasim Salaad Xasan oo bari subax ku
soo fooleh magaalada Muqdisho
Nairobi Jan- 30- 04
Dr Cabdiqasim Salaad Xasan oo ah madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday
ayaa bari subax ku fooleh magalada Muqdisho si Barlamaanka KMG uga soo
ansixiyo axdi qarameydkii uu dhawaan ku saxiixay magalada Nairobi.
Safarka Dr Cabdiqasim ayaa fasax shan Maalmood ah u ogolaaday gudiga
farsamada shirka Somalida ee Igad si uu ula soo ciido dadweynaha
magalada Muqdisho kadibna uu ugu soo laabto magalada Nairobi oo
dhawaan ka bilaaban doona xulitaankii Baralmaanka KMG
Dhanka kale waxaa bari loo balansan yahay in ay hogaamiyasha
Soomalida ku sugnaa magalada Nairobi ay ayagana ka ansixiyaan(Plenary)
Axdi qarameydka cusub si dhaqso loogu gudbo soo xulitaanka mudanayasha
Baralmaanka kaasoo dooran doona gudoomiyahii Barlamaanka, kadibna la
doorto Madaxweynaha xukumi lahaa dowlada la damacsan yahay in ay ka
dhalato magalada Nairobi ,taasoo xukumi doonta Soomaliya shanta
sanadood ee soo socota
Source: Daynile
|