|
|
 |
|
|
Jacaylku waa
furaha kaliya ee fura albaabka farxada.
Mar-26-2008 Kuwait(Saylac.com) Raadinta
farxada aadamiga ayaa ah mid marwalba
qofku isweydiiyo sideebaa ugu sahlan ama
ugu haboon oo aan u heli karaa? farxadu
ma wax dhamaadaa mise waa wax kobca lana
gudha nolosha qofka? Maxaa ugu wacan in
qofna uu farxad ku noolaado noloshiisa
inta badan kuwa kalena ay murugo iyo
cadho aan dhamaad lahayn ay ku jiraan
wakhtigooda intiisa badan? Jacaylku
farxad ma abuuri karaa ? haduu abuurana
waa ka nuucee ah ?
Su'aalahaas iyo kuwa kale oo tiro badan
ayaa horyaala aadamiga intiisa badan,
lolosha iyo dareenka dadka ku dhex
abuuran ee Rabaaniga ah ayaa keena
su'aalahan ee maaha mid uu qofku iska
keenkeeno. Hadii aanu usoo laabano
erayga jacaylka ayaa macnayaal badan
dadku ku sheegaan sida Muxubo, Galgacal,
Ishqi, lohansho, xubi, ka helid ,
isasiin, iyo erayo badan oo farabadan
micnahooduna uu meel iskugu imanayo.
Jacaylka ayaa waxa uu ka bilawdaa aragti
dhex marta laba qof oon horey isku aqoon
ama ismaqlay lakiin aan kulan hore dhex
marin .Jacaylku waa furaha dhabta ah ee
fura albaabka farxada lagu galo waana
eray micno weyn iyo ahmiyad balaadhan ku
dhax leh dhaqankasta oo aduunka ka jira,
insastoo ay dhaqanadu si kala duwan uu
macneeyaan ama u fasilaan dareenka
jacaylka ah ee ku dhasha qofka, hadana
waa wax ay iskaga mid yihiin ee kaliya
dareen ahaan marka la eego ruuxu sida uu
ula ildarnaado mahadhada jacaylka hadii
uuu lamaanihiisa gafo ama waayo.
Heesaha , Gabayada iyo muusiga ayaa qayb
weyn ka qaata furfurida dareenka qofka
jacaylku hayo iyadoo lagaba yaabo inuu
qofka la jecelyahayna kusoo dabco marka
la isa saaro erayo micno amaan iyo
dareenba leh oo la huwiyey laxam ama
muusiq. Tusaalaha heesta soomaaliyeed ee
caanka ah hadaan soo qaadano:
Sida geed caleenloo ubax guudka qariyeen
ooy gooni laamuhu ay midiba geesteed
hoobaan isgaadhiyo guntin midha ah
leeday
oo soo gandoodoo Galka faraqa soo daray
oon gu, iyo jilaal midab guurin baad tee
gabadhyahay galgacalbaad goortaan ku
eegaba
qalbigayga galisaa....
Abwaankan soomaaliyeed waxa uu amaanta
gabadha uu jeclaa ku sifeeyey geedkaa
meesha fiican ka baxay ee aan qalalin gu
iyo jilaan markaa hadii erayadaa loo
sheego qof jacayl hayo oo reer Galbeed
ah ama carab ah wax macno ah uma
samaynayso waayo geedahu dhulka reer
galbeedka wax macno ah kuma laha,
dhinaca carabta hadii aan eegno maba
yaqaanan waayo waa saxara geedka timirta
mooyaane geed kale kumaba yaalo.
Lakiin soomaalida waxaan odhan karnaa
inay tahay hees qiimo weyn ku leh
dhaqanka iyo sugaanta soomaalida . Hadii
aanu soo qaadano qof ree Galbeed ah oo
uu jacayl hayo waxa laga yaabaa inuu
gabadha ku amaano (Gabadhyahay u cad
sida barafka, indhaheedu buluuga yihiin
, iyo wax la mida ) Ka carabku isagana
waxa laga yaaba inuu yidhaahdo ( indho
xuural cayna leeyey) markaa waxaad
moodaa in qofwalba uu sida dhaqankiisu
yahay u amaanayo qofka uu jecelyahay
lakiin ay iskaga mid yihiin inay gabadha
ku sifeeyaan wax qaali dhexdooda ku ah .
Waxa hubaal ah in jacaylku yahay shay
lagama maarmaan ah bulshaduna uu waajib
ku yahay inay qadariso udha
dheganuglaato qofk jacaylku gubayo ee
jecel qofka kale wiil iyo gabadhba.
Qormadan gaaban ayaan waxaan kusoo
afjarayaa inaad ogaataan jacaylku inuu
yahay Furaha kaliya ee fura Albaabka
Farxada Aadamiga furahaasina uu qof
walba agtiisa yaalo .
Ismahan Nuur
Saylac.com Editor
Kuwait city, Kuwait
ismahannuur@yahoo.com |
|
|
|
- To Submit Information Click Here -
|
|