|
|
 |
|
|
IQRA "GABAY"
By Mohamoud Abdilahi Rooble
Gabaygani wuxuu soo baxay 05/07/2007 waxaana uu
taageerayaa sharafta iyo maamuusta ay leedahay
waxbarashadu isagoo halhays kadhigtey ururka wax
barasho ee IQRA ee k hawlgala Gobolka Awdal oo
muujiyey dadaal lama iloobaan ah tuulo walba oo
Gobolka inteeda badan kadhisay Dugsiyo ay tabaruc
ahaan u maalgaliyeen dadka degaankuna ay qaybtooda
libaax ka qaataab hirgalinta iyo diiwaan galinta
Ardada. adigoo maanta hadaad socod ku martid
Tuulooyin badan oo Gobolka ah aad ku arkaysid xataa
geedaha hoostooda dugsiyo ka furan oo Macalimiin
Tabaruc ahi ay Caruur wax ku barayaan . Mahada
Ilaaahay ayaa iska leh waxana Amaan mudan Ururka
IQRA . in la taageeri maaliyad iyo muruq iyo waliba
maskaxna mutaystey.
wuxuu yidhi:
IQRA "GABAY"
Ilaahii aduunyadan dhigee Aadmigana Beeray
Anbiyada Dhamaantood Ilaa Aadan laga gaadho
Ayaadaha udgoonuu na baray ee i garab yaala
Eraybixinta aadmiga ayaa lagu asteeyaaye
Aduunkana tafsiirbaa u yaal aaminaad badane
Iqra weeye waxa lagu bartee Eebe soo diraye
Sidaa awaawedeedbaan jeclahay inaan amaanaaye
Markii edega laga oodayee uu meel u bixi waayey
Markuu aynta xulay ee uu galay caaro aqalkeeda
Godka awdan guurtuu u galay waadigii garane
Isagoo adkaysiga ogoo Eebe garanaaye
Fariin adag ayaa loo sidoo loo alkamayaaye
Jibriil baa afaafkiisa yimid oo Aduun sida e
Ajanabi umuu qaadanaine wuu Istaahilay e
Iqra hadalka goortuu u yidhi eegi kari waaye
Hayeeshee awoodii Ilaah amarku weeyaane
Agoonkii intuu sii amkaday Eraygii soo tuurye "SLCW"
Alufkale hadaan eego oon erayga deeqsiiyo
Alahayow adaa Axada oo caadiloo jira e
Adigaan aduunyada dhamaan eray ku seegayne
Inta curuq jidhkaygiyo afkiyo xaada oogadaba (layers
of human skin)
Aragtida indhahu ay hayaan Unuga soo daaya (Iris)
Dareenadu halkay isugu tagaan adhaxda hoosteeda
(spine)
Ubucdiyo lafaha iyo dhamaan dhiiga obohleeya (The
Digestive System)
Tinta oogadaydiyo dhamaan muuqa idilkiisa
Waxaan urino, waxaan eegno iyo waxaan agjoognaaba
Wixii ooga laga taabta leh ee diirku ka sareeyo
Wixii ugac ku hoosjira intuu uunka imanaayo
wixii uurka lagu sido iyana waad ogsoontahaye
Midkastaa wuxuu agabsanbaan edeg u keentaaye
Midna kuma dhexqado mawjadaha waa amuur kale e
Awoodaada weeyaan waxay amineen gabiye
Intaan sheegin ee ii dhimani waa awood kale e
Aadigaa awoodeda loo eray ku dhaafeyne
Gidigood adoo nagu galaday oon aamin leenahaye
Afartaa araar iga dheh
iyo erayo geelaaman
Haduun buu sidii geel amina soo udgoonyahaye
Ishinkeeda ruuxaan aqoon umal la sii boodye
Inta ugu yar baan kuu tirshoo wali ma Aaleyne
Abaqaalka sheekada ayaan wali ka iibshaaye
Afgaroocsan oo lagu dayaa eersay gabaygiiye
Abtirsiin ayuu raadsadaa Eebahay magane
Ooliga wuxuu ugu jiraa niman asaagaaye
Erayada farshanka leh ayey ugu cilaamaane
Sida nirig abaydina ayuu ku agwareegaaye
Intaa wuxuu ka rooraa inuu Aafo raadsada e
Marna kama agtago edagooda wuu ku agwareegaaye
Isku bixis ayuu ugu yimaad maalin iyo leyle
Isirbuu rabaa inuu heliyo hadal astaanweyne
Ictiraafna kama raadsado ruux ilduuf qaba e
Imaamada wuxuu raadsadaa Eheladoodiiye
Inkastoon aflagu sheegi karin eray la sheegsheego
Abwaanadu waxay wada maraan ilinka suugaane
Ishaarada waxay sii dayaan iman agtoodiiye
Kuhaan kuma agmeeraan arliga way u abtiriyaane
Ayid waxay ka eegaan ayaan lays ogsoonyahaye
Dareenbay ilaashaan dadkuna wuu ogsoonyahaye
Mana odhan afkoodaa yaqaan uunka kii jira e
Ilaahbay ugaartahay wixii Beri la eegaaye
Isagaa ogsoon oo ilayn amarku seegayne
Iqra weeye waxa lagu alkumay aadmi sharaftiise
Ruxaad aqoonteeda helin wuu agmarayaaye
Noloshuba adeygbay ku tahay omos abaareede
Afrikada waxaa soo afjaray ee ood iskugu geeyey
Waa aradka lagu noolyahoon umal ka yeedhayne
Waa aqoonta laga seexday een ubad la geynayne
Iqra weeyi waxa looga bixi oomaskaa jira e
Iqra weeyi waxa lagu hayaa adari guudkeede
Iqra weeyi odayadu waxay eega filayaane
waa abaqa guudkiisa iyo unun diraac taale
Waa oogta waabariga iyo idan Ilaahaye
Aleelada ku taal baan arkaa aragsamaanteede
Waxa adhaxda kaga yaali waa ayaatiin wacane
Uhda laga abuuraan ogoo waa udgoon taniye
Aw-aadan garabkiisa iyo eelo garabkeeda
waxa laga arkaa meelsaroo uunku wada eegye
Ayaankeeda ruuxii helaa aada oo taga e
onkod weeyi lagu diirsadiyo oori khayr badane
Ilwaad weeyi arageedu iyo ilo butaacweyne
Ishaarada Ilaah keenay iyo Waa ijaab taniye
Afartaa afkeenii la qoray amase suugaanta
ma amaahdo erayda amiir soo jiraan ahaye
anshaxeeda maansada ma helo ruux aqoonyariye
arday erayo gaagaabanina wuu isdhibayaaye
asraar lagu sifeeyey rabtaa hadal asluub weyne
anagaa ilaah nagu galaday oo amaan mudane
Awrqaad ninkii raadiyaa waa itaal xumo e
afarkale hadaankuu alkumo amase kuu sheego
Iqra weeyi waxa aynigeen lagu agaadhaaye
Iqra weeyi hadal lays faraa alif la yeedhshaaye
Icraabtiyo waxa lagu bartaa erayo waaweyne
Iftiinkaa dadkuba eegayaan eena garab yaala
Ninka iibsan waayaa ilayn oonku hadhayaaye
Ilays weeye lagu diirsadiyo ilin aqooneede
Ilxumada waxa laga baxaa iilka loo galayo
Markaad eegtid waanada iqree aradka noo joogta
Odayadu waxay noo dhigeen idinka oo eegi
Aafada faqrigu uu wadaa waa aqoon xuma e
Oomaarka nagu raagay waad wada arkaysaane
Intaad ubadka geysaan dugsiga halaha iibgeeya
Ula jeedo weynbaa jirtee olole sii qaada
Isjeclaansho baa laga helaa aqalo waaweyne
Ogsoonaada waa lagu dhergaa lagu adkaadaaye
Ogaysiis ka sii bixiya oo ood kastaba geeya
Isjeclaansho baa laga helaa aqalo waaweyne
Oomaarka nagu raagay waad wada arkaysaane
Intaad ubadka geysaan dugsiga halaha iibgeeya
Ula jeedo weynbaa jirtee olole sii qaada
Ogsoonaada waa lagu dhergaa lagu adkaadaaye
Ogaalkana kusii qora ilayn iibkalaa jira e (saylacnews,
Awdalnews,Boramanews,lughayanews, harowonews etc)
Mohamoud Abdilahi Rooble
saylacnews
email: admin@saylac.com
|
- To Submit Information
Click
here--
|
|