Garoowe (AllPuntland)-
Madaxweynaha DGSPL Md. Max’ud Muuse Xirsi (Cadde)
ayaa maanta Magacaabay Agaasimaha guud ee
Dekedaha iyo Gaadiidka Badda kaasoo loo
magacaabay inuu buuxiyo Jagadaasi Md. Max’ed
Axmed Nuur.
Wareegtadan Madaxwyne ayaa waxaa ku cadaa in
xil magacaabidani ku timi ka dib talo soo
jeedin uu u soo gudbiyay Madaxweynaha
Wasiirka Kallluumaysiga iyo Dekedaha
Ismaaciil Shire Jaamac (Buraale).
Dhanka kale Waxaa maanta sidii caadiga ahayd
u socday Kulankii Golaha wakiilada DGSPL
kaasoo maamihii la soo dhaafay ay
mudanayaasha Baarlamaanku kaga doodayeen Xeer
hoosaadka Golaha.
Golaha baarlamaanka ayaa doodad golaha
intiisi badnayd soo ka soo gudbay iyadoo uu
guddoomiyaha Goluhu qodob qodob ugu
akhrinayay ayna mudanayaashu ka dhiibanayeen
afkaarohooda, kadibna loo codaynayay.
kalFadhigan oo ah kii 13-aad ee golaha
wakiilada ayaa waxaa uu hadana yahay kii ugu
horreeyey ee ay fariistaan tan iyo intii ay
dhacday doorashooyinkii guud ee golayaasha
DGSPL, kaasoo u bilaabmay 1/1/2005-ta ayna
qabteen hawlo badan oo ay ka mid yihiin
Doorashooyinkii Guddoonka Golaha Baarlamaanka,
Madaxweynaha iyo ku xigeenka Madaxweynaha
Puntland, iyo Xeer hoosaadka golaha oo ay ku
guda jiraan.
Si kastaba ha ahaatee waxaa weli horyaal
Baarlamaanka Puntland hawlo badan oo ay tahay
inay fuliyaan isla fadhigaan kaasoo ay ugu
soo horreyn doonto doorashada guddiyada
Joogtada ah ee golaha.
Faarax Yusuf Nuur (KK)
|