|
July 10, 2005
Tariikh Nololeedkii Marxuum Suldaan Sh. Muuse
Jaamac Goodaad
Taarikh
Nololeedkii Marxuum Suldaan Sh. Muuse Jaamac
Goodaad oo ku geeriyooday Magaalada Djibouti
waaberigii Axadeed 10 July 2005=

Marxuum Sh.
Muuse Jaamac Goodaad waxa uu ku dhashay
Magaalada Boorama 1932, waxa u Quraanka ku
bartay Miyiga & dalka Ethiopia oo uu ku soo
dhamaystay. 1949kii cilmi barasho waxa uu u
tagay Jabuuti ilaa 1956kii.
1956 waxa laga
laga soo qaaday Jabuuti, waxana loo caleemo
saaray Suldaanimo. 1958kii waxa uu ka mid ahaa
ragii ka qayb qaatay Gobonimo doonkii. 1959kiina
wuxu noqday Xoghayihi Xisbigii USP-Borama.
1960 waxa uu
noqday Xoghayihii Xisbiga ee Hanuuninta ee USP
Hargeisa, isla sanadkaas 1960kiina waxa uu
noqday Xoghayihii Guud ee Xisbiga USP ilaa isku
darkii labada xisbi ee SNL & USP oo uu ka noqday
Xoghayaha Hanuuninta.
1967kii waxa uu
noqday Ganacsade.
1968-1971 waxa
uu noqday Shaqaale dowlo, waxaanu noqday
Maamulaha Wakaaladii ONAT ee Gabiley
1972-1973 waxa
uu ka ahaa Isu duwe wakaaladdi Beeraha “ONAT” ee
Gobolada Waqooyi.
1976 Xarunti
dhexe ee ONAT ayuu Mareeye ku xigeen waaxeed ka
noqday.
1978kiina wuxu
noqday Maareeyaha Waaxda Cagaf-cagafta ee
Wakaalada ONAT Xamar. Ilaa laga soo gaadhayay
1991, isaga oo Mas’uuliyadaas maamul haya waxa u
weheliyay Xilka Suldaanimo oo uu mar walba ku
shaqaynayay.
Marxuum Sh.
Muuse Jaamac Goodaad & Duqay kaleba waxay
bilaabeen hawlo nabadeed oo Bulshada dhex marta,
lana gaadhsiyay ilaa hoos, waxanu abaabulay kana
qayb qaatay shirkii Nabadeed ee la baxay Guul
Alla kuna qabsoomay Boorama 28February 1991-
3March 1991, shirkaas oo ah Shir taariikhi ah
marka laga hadlayo Beelaha Reer Somaliland-
Marxuumku wuxu qayb weyn ka ahaa Abaabulkii
Shirweynihii Guurtida Beelaha Somaliland 27April
1991-18May 1991 shirweynahaas oo dib loogula soo
noqday Madax-banaanidii Reer Somaliland, wuxuna
ka mid ahaa Xubnihii Doorka ugu weyn ku lahaa
ama horseedkaba ka ahaa Go’aamadii lagu gaadhay
Burco.
February 1992,
wuxu soo hogaamiyay Ergo Nabadeed oo ka soo
kicitintay Boorama kana qayb qaadatay
Nabadayntii iska hor imaadkii ugu horeeyay ee
Burco ka dhacay, dhex marayna Beelaha wada dagan
halkaasi.
12 April
1992-16April 1992, wuxu hormuud ka ahaa shirkii
wada tashi ka ahaa Beelaha Deegaanka Gobolka
Awdal Gaar ahaana Beelaha Degan Borama, shirkaas
oo lagu gorfeeynayay Mowqifka Beesha ee ku aadan
Somaliland & kaalinta gurmad ahaan laga gali
karo dagaaladii sokeeye ee ka socday Berbera
wakhtigaas.
September 23
1992, waxa uu soo hogaamiyay Ergo Gurmad
Nabadeed ah oo ka soo kicitintay Borama, waxana
ka qayb qaadatay Ergadaasi oo ay Dhamaystirtay
Khilaafkii & Colaadii Lagaga Arinsanayay
Kulankii la baxay Nabadda. Mar la wareeysanayay
Suldaanka oo ay Saxaafadu waydiinaysay Ujeedada
Weftiga uu hogaaminayay Suldaanka waxa
Erayadiisii ka mid ahaa “Waxaan halkan
Hargeysa u nimidnay gurmad nabadeed & baadi-goob
Somaliland”
20 October
1992-15November 1992 waxa uu ka mid ahaa oo uu
hogaaminayay Guurtidii Gobolka Awdal ee ka qayb
qashay Heshiisiintii labada Beelood ee Sheekh
lana Baxay Towfiiq. Shirkaas oo ay ka soo baxeen
Go’aamadii Guud ee Dhinaca Nabad-gelyada, isla
markaasna lagu odorosay Shir-weynihi Boorama.
15 November 1992
- January 1993 waxa uu horumood ka ahaa
Nabadayntii Deegaankii Hargeisa.
24kii January –
25 May 1993 isaga oo ahaa Marxuumku
Guddoomiyihii Guurtida Reer Awdal wuxu ka mid
ahaa Ragii abaabulay Suurto galiyayna in uu
shir-weynihii labaad ee Guurtiyada Beelaha
Somaliland ku qabsoomo Magaalada Boorama,
Shirweynahaasi oo ay ka soo baxeen Axdigii
Nabad-gelyada & Axdigii Qaranka & Xukuumadii uu
Madaxda ka noqday Marxuum Maxamed X. Ibraahim
Cigaal.
1993 Marxuumku
wuxu ka mid noqday Xubnihii Golaha Guurtida JSL.
Wuxuna ku lahaa Door fir-fircoon.
15 October 1994-
October 1996 Wuxu marxuumku ka mid ahaa Xubnihii
Golaha Guurtida ee ku Dadaalayay in la
dhamaystiro Iska hor imaadkii & khilaafaadkii
Siyaasiga ahaa ee sababay Dagaalkii sokeeye ee
ka dhacay Dalka kana Bilowday Madaarka Hargeysa.
1995 Marxuumku
wuxu abaabulay kana qayb qaatay Shirkii Nabadda
ee Geerisa dhex marayna Beelaha Gobolka Awdal.
1995 Marxuumku
wuxu ka qayb galay Ergadii Guurtida ee
Nabadaynta u taagtay Magaalada Xarshin
1996/1997
Marxuumku wuxu ka mid ahaa Xubnihii ka qayb
qaatay Abaabulkii shirweynihii Guurtiyada
Beelaha Somaliland ee ka qabsoomay Hargeysa,
shirkaas oo ahaa kii lagu Guddoonsatay Distoorka
lagu bedelay Calanka, mar labaadna lagu doortay
Xukuumadii Sadexaad ee Madaxda ka ahaa Marxuum
Cigaal.
1997
Aakhirkeedii – 1998 Marxuumku wuxu Guddoominayay
Ergadii Golaha Guurtida ka tirsanayad ee
Nabadaynta loogu diray Gobolka Togdheer, siiba
Magaalo-madaxda Burco. Waxa xusuus mudan doorkii
uu ku lahaa Nabadaynti Magaalada Burco oo
taariikhdu si faah-faahsan u sheegi doonto, kana
midka ah waxyaabaha lagu xusuusan doono ama
dhacdooyinka raadka weyn ku yeelan doonta
Taariikhdiisa.
Marxuumku Hawl
kasta oo ay Guurti qabatay ha ahaato mid yar ama
mid weynba, ha ahaato mid nabadeed & mid xalin
khilaafaad siyaasadeedba wuxu ka mid ahaa
horumuudyada iyo hogaamiyedba, wuxuna ka mid
ahaa hal-abuurayaashi hawl-galadaasi & Xubnihii
doorka fir-fircoon iyo si muddo karnimo leh kaga
qayb qaatay dhidib u taagiddii Somaliland.
Gabagabadii,
Marxuumka oo ilaa maanta ka mid ahaa Golaha
Guurtida, waxa lagu xusuusan doona oo qof kasta
oo Reer Somaliland ah maskaxdiisa ku jiri doonta
Kaalintii Halganka, Nabad-gelyada Iyo dhismihii
Dawladnimo uu ku lahaa & Go’aan qaadashadiisii
geesinimada lahayd ee isku kalsoonaantu ku
jirtay, waxa lagu xusuusan doona aqoontiisi
Dhaqan iyo diineedba ay wehelisay Garashadu iyo
dhaqankiisii hogaamineed, kuna dheehnayd
codkarnimadu, waddaninimo iyo xilkasnimo.
Noloshiisii iyo
Muuqaalkiisiiba waxay Golahani iyo Guud ahaanba
Qarankaba u ahayd wax weyn, ala ha u naxariistee
Naxariistii janana Eebe ha siiye wuxu ifka kaga
tagay Sadex Xaas iyo Laba iyo toban Caruur ah,
marka lagu daro waxay sii dhaleena waxay isku
noqonayaan sodomeeye.
Allaa
Mahad Leh
C/laahi Ibraahim Habane
Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtida JSL.
Fadlan Tacsi ka dir halkan
|