April,19.2005:
Gudoomiyihii Gobolka Awdal oo Geeriyoday.
INALILAHU WA-INA ILAYHU RAJUCUN!!
Dhamaan bahda saylacnews waxa ay Tacsi u
diraysaa qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday
marxuum Mohamed Ahmed Yabaal oo ku geeriyooday
Magaalada Borama ee Gobolka Awdal, Somalia.
Marxuumku waxa uu ku geeriyooday habeenimadii
04/12/05 Hospitaalka guud ee Gobolka .
Marxuum Mohamed Ahmed Yabaal waxa uu ahaa
gudoomiyaha Waxbarashada ee Gobolka Awdal, Intii
uu Godoomiyaha waxbaradhada gobolka hayay
waxa uu gaadhsiiyey heerkii ugu sareysay ee
taariikhda . Ardayda Gobolka ee wax kabarata
Jaamacada Cammuud ayaa iyana saylacnews
usoo gudbiyey Tacsi aadna u muujiyey inay aad
uga murugaysan yihiin geerida Marxuumka oo ay ku
tilmaameed Aabaha waxbarashada Gobolka Awdal.
Marxumku waxa
uu ku dhashay magaalada Jijiga ee daalka
Itooboya sanadkii 1949. waxa uu dhalay 10 caruur
ah.
Waxbarashadiisa
heer dugsi sare waxa uu ku qaatay dugsiga sare
ee camuud sanadkii 1972-1976 Waxa uu galay
Jaamacada Lafoole qaybta Tacliinta ama facult of
Education sanadihii 1976-1979 halkaas oo uu ku
qaatey BS ah chemistry/Maths:
Mudo badan ayuu
u adeegay Bulshada somaliyeed isagoo kasoo
shaqeeyey 1979-1982 Macadka Tababarka
Macalimiinta ee Muqdishu.
Samir iyo imaan
Alaha ka siiyo Qoyskii iyo Eheladii uu ka tagay
Marxuumku Isagana Rafiiqii Rasuulka Alaha ka
dhigo ( Amiin Amiin)
Source:Maxamuud
Cismaan Kaahin
Borama, Awdal,
Somalia |