| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
 Shiki kuma jiro inuu Madaxweyne Ismaciil Cumar Geele yahay Shakhsiga sanadka 2008 ee Geeska Afrika

Jan-01-2008
Seattle(Saylac.com) Shabakada saylac.com waxay taageero weyn uhaysaa magacaabida shakhsiga sanadkan 2008 oo ay soo diyaariyeen Masuuliyiin dhawr ah oo shabakada dhambaalnews, Hadhwanaagnews. magacaabida shakhsiga sanadkan ee uu mutaystey Madaxwynaha Dalka Jabuuti Mudane Ismaciil Cumar Geele ayaa ah marag ma doonto inuu yahay shakhsiga sanadkan 2008 ee geeska Afrika , Mudane Ismaciil Cumar Geele waxa uu tusay aduunka in wadatashi iyo wada shaqayn buuxda ay la samayn karaan Dalka yar ee uu madaxda ka yahay isagoo kalsooni buuxda siiyey aduunka in Dawlada Jabuuti tahay wadan Jecel nabada iyo Horumarka Guud ahaan Geeska Afrika .


Mudane Ismaciil Cumar Geele waxa uu wadankiisa ka qaaday xaalad qalafsan oo dhaqaale maantana wadanka Jabuuti waxa uu ku socdaa tabta toosan ee dhaqaale iyo horumarineed ee wadamada khaliijka qaarkood ku taabo galeen . Mudane Ismaciil Cumar Geele  waxa uu isku xidhay shirikadaha waaweyn ee Wadanka Abudabi iyo wadankiisa waxana uu horseeday inuu jabuuti ka dhigo Abudabayda Geeska Africa waanu ku guulaystey.

Dadka reer Jabuuti oo ay ku adkayd inay Mishaaharadooda u helaan sadexdii biloodba mar, ayuu madaxtinimada qabtey maantana wadanka Jabuuti dadku miishaarka waxay si joogta ah u helaan bilwalba dhamaadkeeda , Inkastuuna wadanka Jabuuti lahayn wax khayraad ah oo uu ku kabi karo dhaqaalihiisa iyo mushaaharada dadka dawlada u shaqeeya , hadana Mudane Ismaciil wuxuu ku maanta gaadhsiiyey dadweynaha reer Jabuuti inay si lama filaana dhaqaalahoodu sarey ugu kaco dhawrkii sanadoon ee ina soo dhaafay .


Dhinaca Mashaariicda Horumarinta Buslashada : Mudane Geele wuxuu suurto galiyey inuu xaga biyaha ka haqab tiro bulshada reer jabuuti, isagoo tuulo walba ka qoday ceelasha Riiga Casriga ah isagoo la kaashanaya ciimamada xoogaga midoobey ee Ameerikaanka ah ee fadhigoodu yahay wadanka Jabuuti.


Dhinaca Amaanka Maanta Jabuuti waxa lagu sheegi karaa wadanka ugu degan Geeska Afrika , awood iyo cudud milateri kuma uusan keenin lakiin maskax caafimaad qabta iyo wadaninimo ayaa lagu tilmaami karaa iyo daacadnimo uu wadankiisa u qabo.


Maamulka Shabakada Saylac.com oo fadhigiisu yahay Magaalada Seattle ee cariga Maraykanku waxa uu tahniyad weyn usoo jeedinayaa Mudane Ismaciil Cumar Geele iyo shacabka Reer Jabuuti .. (Aqligii wanaagsani Itaal inuu ka roonyahay bal eegoo ufiirsadaay) abwaan Hassan Sh. Mumin .

Maamulka Saylac.com
Abwaan: Maxamuud Cabdilahi Rooble

Seattle Washington USA


Hoos ka akhri warsaxaafadeedka shabakada dhambaal ay qortey .

Shebekada Warbaahinta Dhambaal

Date:31.12.07
Hargeisa


War-saxafadeed


Shebekeda Warbaahinta Dhambaalnews waxa sharaf u ah inay halkan ku soo bandhigto abaalmarinta Shakhsiyada Sanadka 2007 taas oo ay u aqoonsatay Mudane Ismaaciil Cumar Geele Madaxweynaha Jamhuuriyada Djibouti.

Sababta aan ku xulanay:

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele waa nin maanta ay ku faani karaan dhamaan umada ku hadasha afka somaliga marka laga eego dhinacayo badan oo ay ugu muhiimsan yihiin qodobadan hoos ku qoran.

1-Wuxuu Dalkiisa iyo Dadkiisa u horseeday horuumar la taaban karo oo dhinac kastaba ah
2- Wuxuu gabood u noqday cid kasta oo ka mida hal abuurka iyo aqoonyahanka somalida
3- Wuxuu hirgeliyay aaminaad dhinaca maalgashiga ee mandaqada Geeska Afrika


Mudane Ismaaciil Cumar waa ka qiimo badan yahay nin keliya af laga yidhaahdo shaqsiyada sanadkan ugu mudan balse waxay naga noqotay inay tahay lagama maar-maan in qofka lagu baraarujiyo sida umadiisu ugu xisaabtamayso wixii wanaag uu sameeyo.

Alaa Mahad Leh

Max’ed Cabdalle

Gudoomiyaha Dhambaal Media

 

 

- To Submit Information Click here--

 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com