Chat | Guest Book | Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

Deeq lacageed oo jaaliyadda reer Nugaal ee Uk ay gaarsiiyeen dhismaha garoonka Garoowe.
  07/17/2003

London:- ka dib markii in mudo ah laga wada hadlayey wax ka qabadka garoon diyaaradeed oo uu yeesho gobalka Nugaal, ayaa ugu danbeytii waxaa dadka gudaha ku nool oo aan u kala harin ay gacanta saareen dhulkii loo qoondeeyey in laga dhigo halka ay diyaaraduhu ka haadaan soona caga dhigtaan, markiiba waxa ay ka soo hooyeen guul la taaban karo iyaga oo u dhan dhinacyada bulshada iyo maamulkuba.

Hadaba iyada oo laga duulayo arintaas ayaa waxaa la soo gaarsiiyey jaaliyadaha dibada in ay ka soo qeyb galaan howsha samo-falka iyo waxqabadka isugu jirta ee ay bilaabeen dadka guduhu, waxayna jaliyada gobalka Nugaal ee U.K ay bilowdey in ay ka qaadato doorka kaga aadan wax qabadka garoonka, ayna ka jawaabto codsiga gudaha ee ay amaantiisa leeyihiin dhamaan dadka deegaanka oo muujiyey isku duubnaan, kalsooni, iyo wax qabad dhab ah kaas oo ay qeyb ka qaateen maamulka puntland.

Waxaayna markii ugu horeysey jaaliyadu gaarsiisey gudiga lacag ururinta gobolka Nugaal lacag dhan 10.000$ si loogu biiriyo howlaha garoonka taas oo ku timid go,aan wada jir ah oo ay qaateen jahliyada gobolku.

"Waxaanu aad u soo dhaweyneynaa wada shaqeynta gudaha iyo xog is dhaafsiga si loo daboolo baahida joogtada ah ee gobolka waxaanuna jeclaan lahayn in aanu hello meesha wax marayaan mar kasta" sidaa waxaa yiri mid ka mida dadka reer Nugaaled oo diiday in magaciisa la shaaciyo.

Waxaan iyana amaan mudan abaabulka dadka gudaha kuwaas oo muujiyey sida ay uga go-antahay sidii ay iskood wax ugu qabsan lahaayeen, waxaana taasi dhiiri gelin siisay dadka dibada oo iyaga laftoodu ku dhiiraday sidii arinta ay qayb uga qaadan lahaayeen.

A/Rizak Yassin Caanogeel.
Puntlandpost, Lodon,

- To Submit Information Click Here -

Home | Somaliland News | Awdalnews.com | Amoud University
Copyright © 2003 Saylac.com