|
|
 |
|
|
'Hawacaafimaad
iyo Himiloqaran' Gabay
By/Abwaan Axmed Warsame Hassan 'Daweeye'
May,30,2007
Waxa hal abuuray Abwaan Axmed Warsame Hassan 'Daweeye'
huguf kama duwana maansadaan haabka lagu hayne
hore waxan u sheegaad markale igu hanqaartaane
hadba qaar an helin bay yidhaa soohor maantana e
intood dhegaha oogaamisaan hoos u wada eega
haddaan himilo gabaygii ahaa dubu hanaan raaco
ha'da maanso heerkiisa Gabay haybaddiyo luuqda
ma higsado nimaan aabihii soo hogaan barine
hiddaa lagu abuuraa naxwaha hibo ilaahay-ye
waa haniye kaan garan ilkaha inu ku hoolaaye
Raggii shaarubaha hiigi jirey ciidda hoos mare e
Habaniyo xuseeniyo Warsame mawdki baa helay-ye
Qalinlaa siddii roob hanqadhay hoori jirey miide
hal-adayg ugaasNuur lahaa horeba loo waaye
Hammi Dhacan maasala uu ka tehey heeso lagu qaadye
Gacmadheere hoodada murtida hibo Allow siiye
in Idiris halyey culus ahaa, hebel ma waydiine
Tadhasaa hubaashii yiqiin, gabay haldoorkiiye
Qaasin nimu horjoogsaday hallee haramo geeraare
ha iloobin Nuur buculna waa lama halmaamaane
hooskii fardawsaad rabigu haw hadoodilo`e
nina heeso uma soo fikiro mana haleelaane
anuunbaw hilooboo xasuus huri' an waayeyne
caku hoda adduunyooy maxaa hula banaanaatay
caku hanad maxaa soo badalay harag wax jiidjiida
caku ina habaarqabe maxaa hore u soo taagan
hal-abuurki wuxu taagan yahay goor habeenimo e
waa lawada hareer maray intooy hilinki seegeene
aniguna markaasaan hinqaday hawshi keligey-ye
hinjintii culayskii xilkaan hoos u dhaadhacaye
ka hakaday hirkaan gaadh lahaa, kii hammi ahaaye
maantana hillaac baan arkaye uma hanwaynayne
wax i haga ma waaye e bal aan habugu luuqeeyo
an haaneedo waataan murtida hoodo ku lahaaye
bal an hogatusaalooyin culus, idin haleelsiiyo
war qoomki an hoggaan adag lahayn waw hungiyo ciile
markay kala halaabaanna cadaw halis u weeyaane
hororiyo waraabaa dhexgala, hooge dabadeede
ood-haydhay bahalkeedu wuu soo hinqanayaaye
hidda-raaca nebi Aadanee dunida heehaaba
waxa qaarba hayb looga dhigay ha isu hiishaane
Hillaacaan arkaayiyo jawiga waynu hurudnaaye
ninkii hogol xaggaa mooday roob waa habawsane e
hadh arooryo kii seexday bay habar wadaagaane
inaguna habkaasaan nehee hooya taladayda
haddaan hogatusaalooyin culus idin haleelsiiyo
Halyeygii inoo kacaba waan ka hornimaadnaaye
hadduu weli horyaalihi tashaan qolo ku hiifnaaye
si haweeney lala guursadaan, wada hinaasnaaye
isagoo hanaan toosan baan hororku sheegnaaye
hirkaloo tusaala ah haddaan idin haleelsiiyo
hanjabaada iyo faanka waad hurin taqaanaane
mid hadduu haraatiyo kakale wuu higsanayaaye
markaasaa huroow haashim dhaaf lagu harraadaaye
waryaynaan sidii qoom haligan wada hulaabnaane
inaad hurin walaala ah tihiin, geliya haabkiina
hadimadii walaalkii nin jecel waa hallawsane'e
kanaa hodana, kaasaa waxhelay, ina Cabdaa hoosa,
kanaa Habar xoseeniyo, kanaa hebel saleebaana,
war isku wada habsaanaye kocoo, himila dheer qaata
hareertiina bidix tiina midig horukac soo gaadha
afartaa hanaankii abwaan hadaladiisii dheh
hindisaha sidaan doonayiyo horumarkeenii dheh
ha`da kalana waa maansadaan soo haloosiyey-ye
horusocodka iyo guurtidaan soo hor dhigayaaye
an haaneedo waataan murtida hoodo ku lahaaye
bal an hogatusaalooyin culus idin haleelsiiyo
haddii hibo laguu yeelo oo hanad laguu doorto
war seddexbaa habsaan lagu noqdaa heedhe ka ogaada:
1. gacmo hoos u jeedoon aqoon hooda bixinteeda
2. hebed inu gudoonkaagu yahay amase hiihraac ah
3. eex lagu harraatiyo xaqoo hibasha dheer keenta
war seddexdaa hungaa laga dhaxlaa heedhe ka ogaada;
hirkaloo danteena ah haddaan idin haleelsiiyo
nin horseede culus kaa dhigtoo hibo ku guud saaray
oo ku yidhi adduunnyay heshaye huuno iga toosi
hiilaan u baahnee walaal ila hareerjoogso
haddaan cidiba "hee" odhan amaba hadal xun loo
dhiibo
horilaahay sow kii labaday haybta jari maayo
inkastuu halyay-yahay shaqsigu sow hammiyi maayo
sow xumaanta taa loo horkacay, hoos u deyi maayo
hawshuu dadkaw qaban lahaa soow ka hadhi maayo
kuwa kale intuu heli karana soow haligi maayo
hideheenu soow aano iyo hoojis noqon maayo
hiirtaanyo raagtiyo xanuun soow hantiyi mayno
horukaca adduunyada la galay soow ka hadhi mayno
afartaa hanaankii abwaan hadaladiisii dheh
hindisaha sidaan doonayiyo horumarkeenii dheh
ha`da kalana waa maansadaan soo haloosiyey-ye
horusocodka iyo guurtidaan soo hor dhigayaaye
an haaneedo waataan murtida hoodo ku lahaaye
bal an hogatusaalooyin culus idin haleelsiiyo
hubka culus isgaadhsiintu waa haybad lacageede
rag an hadal wadaagaynin waa laga horeeyaaye
haasaaweheeniyo tashiga heerka nolosheena
kuwa hawdka joogiyo Jigjiga Harawo guudkeeda
Hangagaare iyo Jeedaldheer hogobyadii xeebta
hayiin iyo dayiin meelkastaba haatuf ugu baaqa
Holan iyo Niyuuyook ka jira heel isugu keena
hindisaha Siyaasiga ku dara hubanti weeyaane
waxan sida hagagbadan u dhigay maanta ka hortow-we
kuwuu hadalku dhaafaan markale, haamadawgeline
halka lagu xafiiltamo badhkeen kala hadh yay moodin
habkay qaarba qaar ula hadlaan ,yay hurgimo reebin
horaad qudha inaad wada jaqdeen geliya haabkiina
afartaa hanaankii abwaan hadaladiisii dheh
hindisaha sidaan doonayiyo horumarkeenii dheh
ha`da kalana waa maansadaan soo haloosiyey-ye
horusocodka iyo guurtidaan soo hor dhigayaaye
an haaneedo waataan murtida hoodo ku lahaaye
bal an hogatusaalooyin culus idin haleelsiiyo
Hirkaloo danteena ah,Hadaan idin haleelsiiyo
Idinkoon ukala hadhin midnimo ,Himiladheer qaata
Nin walboow waxaad heli kartiyo ,Hura aqoontiina
Haweeniyo caruuriyo ninweyn ,Hidiya maalkiina
Hadba heeribay taagantee ,Himila dheer qaata
Dekedda an haraadka u qabne`e ,Hadaftay doon-doona
Hoosada galbeediyo ta bari,Hab uga kaaftooma
haraheena noo qoda ,Shacbigu wuu hadhgelayaaye
Hirkaloo danteena ah hadaan ,Idin haleelsiiyo
Hirkaloo danteena ah hadaan, Idin haleelsiiyo
Hanti lagugu aaminay ninoow, Haw hunguriyoonin
U hubsada halkay mari kartiyo, Hadafka loo dhiibay
hadduu shillin hareerkale ka maro, hadimo qoondaysta
hir kaloo danteena ah haddaan idin haleelsiiyo
Baddan soo haraaciday kaluun ,Shabag ku soo hoysta
Doonyaha itood halabsataan ,Soo hirqada khayrka
Markaad gaajo kala haajirtaan ,Hadhayna sii dhoofsha
Hayaan baa adduunyada jire`e, Himila dheer qaata
,Afartaa hanaankii abwaan, Hadaladiisiidhe ,
Hindisaha sidaan doonayiyo , Horumarkeenii dheh
,Hada kalena waa maansadaan , Soo haloosiyey-ye
Horusocodka iyo guurtidaan ,Soo hor dhogayaaye
An haaneedo waataan murtida ,Hoodo ku lahaaye
Hareeraha adduunyada ,dab baa la`isku haystaaye
Naftu heegan bay aamintoo , Haakah laga waaye
Waxba lama heshiiye`e, Sirbaa laysku hodayaaye
Habeen iyo dharaar, Shiishka waa lays hor dhigayaaye
Hootadu nin kay debecsantahay, Haadku ku casheeye
Kii an Hawsar sidan , Xaajo way ka hanfariirtaaye
intay nabadu heeryada sidaa, dhidid la hoorshaaye
heenfaadhku waa si an hadhow, dhiig u haw odhanee
marka lagu hujuumuun had-hadal, waa hacoo nimo e
hangool hawsha uun lama tebee, noloshu waa heegan
hubsamaysi bay doonay saa, hadiyojeerkeede
Hamigana ku dara, Ina ragbaad la hirdamaysaane;
Afartaa hanaankii abwaan, Hadaladiisiidheh
Hindisaha sidaan doonayiyo , Horu markeenii dheh
Hada kalena waa maansadaan, Soo haloosiyey-ye
Horusocodka iyo guurtidaan, Soo hordhigayaaye
An haaneedo waataan murtida, Hoodo ku lahaaye
Kii horseeday kii soo halgamay , Kii hurdada seexday
Iyo ka`an habeen qudha dan guud , Faras u heensaynin
Ka hungurigu leexshee waxkale, U hanqal taagaaya
War taariikh hadhaysaa jirte`e Himilo dheer qaata.,
Hirkaloo danteena ah haddaan , Idin haleel siiyo,
Ubadkeenu yey haydal noqon, Laga horeeyaaye,
Higaaddii quraankiyo u dira , Macalimiin haysa
Hagar li`i agoomaha wax-qabad, Hooda ugu deeqa
Hooygii tacliintaan nehee , Huriya baaruudda;
Shirkuna wuu hubqaadiye u dhiga , Hadaf cad oo
muuqda
Kuwii soo haloosiyey abaal , ula han waynaada
Hangool lagu cadaadshiyo , Ma geyo inad hantaaqdaaye
Halbawlaha nin-doorka ah mar qudha Hibo ku taageera
Hambalyeeya kii hawl-gal-qaran, Soo holada xaajo
Mid hadduu hawaawiyo mar kale, Hoos wax ugu sheega
horana looma boode`e wakhtina hidiya oo siiya
Hoggaan wacan inaad yeelataan , Geliya haab kiina
Hilib qudha inaad wada tihiin, Geliya haabkiina
Hooyo mida inaad wada jaqdeen , Geliya haabkiina
Hadhuub culan inaad wada dhanteen , Geliya haabkiina
Inad hurin walaala ah tihiin, Geliya haabkiina;
Hada kalena waa duco Allaan , Hiil ka sugayaaye
Ilaahaw shirkii lagu hodmee , Noo hirgala kaa dhig [Aamiin]
Habaqlaan ku noolee Alloow , Hilinka noo toosi [Aamiin]
ILaahoow hanuun gaara sii , Kaayaga habawsan [Aamiin]
Hawo caafimaad guul Alloow, Hogol darrooraysa [Aamiin]
Heshiis horumar baan sugi fadhigan, hadlna waa yeela!
E-mail: daweeye2000@yahoo.co.uk
|
- To Submit Information
Click
here--
|
|