| Jun,13,2007
Saylacnews- London
Gabaygani wuxu soo baxay 31-12-2006 waxanu Gabaygu ummaqdda
Soomaaaliyeed, ugu baaqayaa dubuheshiin iyo horu heshiin buuxada.
''Intooy dhalashood eersadeen dhuunte dabadeede''
dhalashooda ay eersadeen maaha ta qoladooda ee
waa ta garannimadooda, ama Soomaalinimadooda.
waa Fikirkii, Abwaan Daweeye {Axmed Warsame Xasan}
Ku bilow Magaca waaqa guud iyo gaarba naxariista,
Dhismagabay dhawaaqiyo xigmadi, dhalasho weeyaane
lama dhiirigeliye e Allaa, dhiiba oo hura e
Dhehuun maaha ereyaysku dhacay, waad u dhowdahaye
Dhuunfaafsan dhiidhiib higgad, dhumuc ku miisaaman
Waa inu dhanxanagaaga sare, qiiro dhaliyaaye
Marhaddaanu dhiigaagu kicin, wayska dhalanteede
Dhuuniga sidiisaa naxwaha, dheri la saaraaye
Dhexdaa lagu hagaaja murtida, ololka dhaadheere
Dhankaraday haday nogoa waa, dhaawac maansaduye
Dhegtaa diida goortay figrado, dhalan habaabaane
Maarhadaad dhubqaalido ka daran, dhoorey hadalkeede
Dhadhankiisu waa inad macnaha, dhidib u aastaaye
Dhufsashada fudaydka ahna wuu, kaa dhutinayaaye
Dheeldheel mid laysaga dhohoo, loo dhacaa jira'e
Waa la dhirindhireeyaa si'aad, xaqa u dhawrtaaye
Dhoylaawonimo waa jahliye, laysma sii dhige' e
Dhugmo gaaban waa laga durkaa, dhihitinkeediiye
Dhafoortaabashada qaarna waa, dhegedki naareeda
Dhinacaaga waa loo tudhaa, aakhiraa dhimane
Hadaad dharaq ku dhoondoonatana waa dhunkaalgabay-ye
Dhilifdhilifta iyo faanku way, kaa dhabqinayaane
Dhankastaa la eegaa hadaad, tahay nin sii dheere.
Dhayal uma tirshe'e shaacir wuu, dhega adaygaaye
Xilka dhabarka loo saaray buu, qalad ka dhawraaye
Waxa loogu dhiibuu qabaa, gabay dhamaantiiye
Dhursugaada waa lagu yaqaan, dhaqane waayeele
Anna dhuuxa mooye'e wax kale, ii dhadhami waaye
Umaan dhalanin hawraar inaan, dhan u qaloocshaaye
Runtana kama dhabaro oo xaqaan, dhihi aqaanaaye
Dhayalna kuma hodmoo waan nebcahay, dheregga qaarkiiye
Inaan dhuxulo noolnool qabsado, dhimirku ii diidye
Dhexdhexaadin baa lagu yaqaan, maansadaan dhige'e
Intuu shacabku dhiidhida ku jiro, aamus iga dheere
Kolley dhiirigelintaa ma jiro, waxan ku dhaafaaye.
Dhimina maayo jeeruu nasrigu, soo dhalaal boxo'e
Dhafandhaaf dhambaalada an sido, waydin dhiidhiyiye
Hadaad dhimir dareen leedihiin, waydin soo dhiciye
Dhafoor goror dhulkeenuu ku dhacay, dhuganna maysaane
Dhegxumaanta waan wada qabnaa, dheelli sharafeede
Dhalliishana hoggaanka bulshada, looga soo dhacay-ye
Dhab u qaadataa iyo caqliga, dhinac marsiisaaba
Murti baan dhexgelayaa hadaad, dhego u leediine
Bal dhegeysta waxan doonayaa inaydin dhaadaane
Taariikhdu waw dheeh naflaha dhaashigoo kale,e
waxa loo dhitaystaa markale yaanad dhaadhicine
Dhabbihii la eediyo kuwii dheefta lagu gaadhay
Waa si,an dhaleecadi dorraad maantanaw dhicine
Soomaalidu dhibkay soomareen baan la dhaygagaye
Dhawdhawdu uma dhaadhacsana dhegacadduureede
Malaha dhuuf haddii loo jaray wax u dhawaaqaane
Way ku dhegabarjoobaan si kale hadal dhamaantiiye
Balse dhacay sidii wax iga dhumay an iska dhiilaawo
Dhammayn maayo dhiilooyinke,e,dhawr an ka higaadsho
Dharaarii madoobaa haddaan ,dheehashada eegno
Madaxdii dhulkeenoo dhanbaa, dhaaftay xeradiiye
Wax dhaqaajey mooye'e, ajnebi la isu dhaafdhaafye
Siddii dhuuniraacnimo carrada looga dhalandhoolye
Intuu Sanawi dhoorka u fidhay daba dhusleeyeene
Dhanxiirkaa yar baa wada xukumay,nimankan dhaadheere
Iyagoo dhafoora cadcadbay talo ka dhawreene
Darba dhinac intuu ula shirshiray dhururi siisiiye
Dhanjafnoqotay xaajadu markay boqol is dhaafeene
Isku dhidhi intuu kala dhexdhigay dhacama waawayne
Hadba oday dhakadu boos cad tahay sharugu dhaanteeye
Runtana uma dhowaade'e wadani dhiidhiyaan jirine
dhala biira goortuu dhammuu koru dhawaaqaaye
Dhashaaqiyo basbaasiyo loxoox, dhabaqsan oo buuran
dhandhanaan intuu ugu dardaray, dhure ku siisiiye
Goorta ay dhamaystaan hadana, amar u dhiidhiibye
Midba dhinaca reer hebel ka jiro, qunu dhiyaalsiiye
Sirta dhoobakuuska ah runbay, dharabka moodeene
Dharfadloow amxaar baa ku yidhi, guba dhulkiiniiye
way u dheganuglaadeen kufriga dhacay dalkeeniiye
Dar an dhiifba gelinbay rasaas, kaga dhagsiiyeene
Qunyar laga dhaqaaq kaan ka dhalan, Dhicirta waawayne
Nabsi soo dhaxaa laga dhigtoo madi dhibaatawye
Intooy dhalashadood eersadeen, dhuunte dabadeede
Dhafandhaaf dhambaalada an sido, waydin dhiidhiyiye
Haddaad dhimir dareen leedihiin,waydin soo dhiciye
Dhafoorgoror dhulkeenuu ku dhacay, dhuganna maysaane
Dhegxumaanta waan wada qabnaa, dheeli sharafeede
Dhalliishana hogaankaa bulshada, looga soo dhacay-ye
Tukaloo kasii dhiillo kulul, baan dhexgelayaaye
Dhab u qaadataa iyo caqliga, dhinac marsiisaaba
dharaarii madoobaa hadaan, dheehashada eegno
waayeel dhamaaday ableey, kaga dhawaajeendhe
Duqo dhaayabeelay cashuur, dhiibada hayeendhe
Lacagtay ka soo dhocoriyeen, kuma dhaqaalayne
Madaafiic dhammaysiyo hubbay, dubugu dhiibeendhe
wuxu qorigu dhaafay hadana, dhereg u doonteen dhe
Hablo gaajo dhaandhaamisay dhigo yidhaahdeendhe
Dhexyar meehanawday bariis, sunugu dhoobeen dhe
Anaa dhaylo kuuqaadayay, kaga dhammaysteendhe
Jacayl uma dhirbaaxine nafbaa, gaysay dhoobadadhe
Qasabbay kuwada dhaarsadeen inay isdhiibaandhe
Masjidkay dhexdiisii galeen, dhawrta celin waadhe
Miduunbaa la dhuundhuumin jirey dhilanta naagoode
Seddex dirsku dhalay bay mar qudha, dhegaha laaceendhe
Iyagoo ilmadu dhaafaysay , dhagaxku aaseendhe
Toban goor mid ay dhali karaan, dheef u raadsade'e
Dhidigaansho lama doonaynine, waa siqiir dhadhine
Dhimirkiyo dareen kaan lahayn, meel dhaqaaqdabe'e
Intooy dhalashadood eersadeen, dhuunte dabadeede
Dhafandhaaf dhambaalada ansido, waydin dhiidhiyiye
Hadaad dhimir dareen leedihiin, waydin soo dhiciye
Dhafoorgoror dhulkeenuu ku dhacay, dhuganna maysaane
Dhegxumaanta waan wada qabnaa, dheelli dharafeede
Dhalliishana hoggaankaa bulshada, looga soo dhacay-ye
Dhab uqaadataa iyo cagliga, dhinac marsiisaaba
Tukaloo kasii dhiillo kulul, baan dhexgelayaaye
Dharaarii madoobaa hadaan, dheehashada eegno
Keenyaati waakii dhexgalay, kala dhaqaaqiiye
Dhalley uurle bay waawiyeen, meel xadka u dhaw-we
Dhanka kale Itoobiya iyana, wax is ma dhaamayne
Khamra lala dhanyaa iyo xashiis, lagula dhaansyaaba
Waakii Amxaaruhu dharqaday, dheemankii jabay-ye
Intooy dhalashadood eersadeen, dhuunte dabadeede
Dhab u qaadataa iyo cagliga, dhinac marsiisaaba
Tu kaloo kasii dhiilo kulul, baan dhexgelayaaye
Dharaarii madoobaa haddaan, dheehashada eegno
Dhabihii adoonsigu ka dhalay, Cadan dhexdeediiye
Aqlada dhexdooday haween, dheri ku maydheene
Dhudi oo silsilad dheer ku xidhan, dhidibka loo taagye
Sida xoolahaa loo dhaqdaa, lana dhukaasaaye
Iyagoo isdhaafay hadana, naag ka dhigayaane
Dhabtiina waa lakala iibsadaa, tii dhegta lahayde
Habla wada dhalaalay heleen, oon cidnaw dhalane
Dhulkasoobax baa lagu matalay, sida Dhalooshiiye
Dhankastaba caadaawuhu ka dhereg, Dheeha iyo Luule
Intooy dhalashadood eersadeen, dhuunte dabadeede
Dhab u qaadataa iyo caqliga, dhinac marsiisaaba
Tu kaloo kasii dhiillo kulul, baan dhexgelayaaye
Dharaarii madoobaa hadaan, dheehashada eegno
Dhakaarada Cadmeed tay dhigeen, dhaaxa la ogaaye
Xeryo dhooban baa lagu afrogey, dhamac rasaaseede
Dhaqaal baa dhex maray yamanahay, ugula dhuunteene
Afar boqol wax baa dhaafsanaa, dhimashadeeniiye
Madaafiicda waxa loola dhacay, haba dhammaadaane
Muslinnimo haday dhawrayaan, uu dhab yahay xaalku
Dhagar iyo hubbay soo direen, dhabar jabkeeniiye
Maxay dhuxusha noo siinayeen, sow ku dhimo maaha
Waxaasoo dhibaatooyinnaa, jira dhulkeeniiye
Ragna dhimay haweenkiina dhacan, dhixirka loo gooye
Dhugta ereyadaydoo kakaca, dhaladki ceebowye
Boqolkaa waxlayskuma dhafe'e, dhiillo werinteed dhe
Hadaad hoos u sii dhaadhacdana, dhagar xasuusteed dhe
Dhirbaaxooyinkii ugu xumaa, soo bandhigiddood dhe
Dhakhso taajir dhuungoysmo gacal, dheelmashiyo hoog dhe
Dhextaal gabay dhammaad iyo bilaw, dhidibadiisii dhe
Dhigta udubka miisaanka dhexe, dheellitiristii dhe
Dhiigmaydhe rooob oo onkoday, dhagagacdiisii dhe
Dhafandhaaf dhambaalada ansido, waydin dhiidhiyiye
Hadaad dhimir dareen leedihiin, waydin soo dhiciye
Dhafoorgoror dhulkeenuu ku dhacay, dhuganna maysaane
Dhegxumaanta waan wada qaabna, dheelli sharafeede
Dhalliishana hoggaanka bulshada, looga soo dhacay-ye
Dhab uqaadataa iyo caqliga, dhinac marsiisaaba
Murti baan dhexgelayaa hadaad, dhego u leediine
Bal dhegaysta waxan doonayaa, inaydin dhaadaane
Umushuba dharaaray xanuun, dhinac u jiiftaaye
Dhakhsana way illowdaa halkii, dhaawacu ahaaye
Wax u dhow masaladaa haddaan, dheeha ka afuufo
Dadkeenana dhigaasay caqliga, dherer wadaagaane
Gumaystuhu intuu dhaansaday, talo u dhibtaane
Dhakhsana way ilaawaan wixii, dhiillo soo maray-ye
Hadba kii dhashuunbaa yidhaa, dhuunta nagu jiide
Waa ciriq dhammaanteen ku jira, dhinac duul saare
Inaan geed isugu soo dhacnay, talo ku dhaabnayde
Waa lakala dhabarayaa horjoog, laysku dhici waaye
Dhexfadhiiste Keenyaati iyo, dhawr daloo kale'e
Waxba nama dhexaadshaane way, sii dhambalayaane
Waala kala dhantaalaa midnimo, tii dhabta ahayde
Hadba dawladay noo dhisaan, dhicisay uurkii dhe
Wax dhashaaqsha mooye'e xabbay, dhali taqaanaa dhe
Markaan dhoof idhaahdaba dubbay, sugu dhalaashe dhe
Intaan dhaxanta joogu wakhtigu, sii dhakhsanayaa dhe
Dhamaanteedba soo maaliwayn, laga dhug roonaaye
Badh diyaarad lagu dheelmiyoo, tigidho loo dhiibo
Iyo qaar hub lagu dhiibiyo dhimasha doondoon ah
Labadaa dhibcood baa heshiis, laysku dhaafsaday dhe
Waa si an dhankeenaba hadeed, uga dhammaanaa dhe
Waa si ay dhulkeenaba, dadkale dhaxal u qaataan dhe
Waa si an maryaa ugu dhaqnaa, qoom dhiggeena'a dhe
Markab dhacay dad wada saaranoo, dheelintaan nahay dhe
Dhengadaanu wada haysanaa, laysla dhacaynaa dhe
Dhaxaltooyo qoysbaan rabnaa, dhaadashiyo faan dhe
Kubad baynu wada dheelaynaa, goolku dhalanayn dhe
Waxa laysku dhaarsaday anaa, dhuunigaw hadhi dhe
Dhexdaa laysqabsaday meel cidla ah, dhooqo iyo ceeb dhe
Intuu Dhugadba kii kale ku dhegey, dhoolahays dare dhe
Goortuu Dhurduhu laag yidhaa, Dhoocil kala tuur dhe
Dhudhumada intoo lagu qabsaday, dhumiye xeerkii dhe
Wuxu dhuiidha Siidhigu hayoon, dhidika tiixnaaba
Dhexduun baa la keenaa markale, koobki dhagareed dhe
U dhowaanta Eebuu khalqigu, wax isku dhaamaaye
Wax kalooy is dheerdheeryihiin, diintu may dhigine
Habkuu dhuuni qaybsigu u dhacay, dhaciyo xaaraan dhe
Dhibanaha intoo loo tashaday, Dhebiga loo fiiq dhe
La dhaqaaji Dhawrsane qarsoon, iyo Dhiblaawii dhe
Nin dhaniyo nin dhiman baynu nahay, dheef wax lagu sii dhe
Dhalwash lagaga sii maarta kulul kii runta u dhow dhe
Intooy dhalashadood eersadeen, dhuunte dabadeed dhe
Kontonkaa waxlayskuma dhafe'e, dhiillo werinteed dhe
Hadaad hoos u sii dhaadhacdana, dawlad dhicisow dhe
Siday Dhirindhir dhay uga liseen, dhaarashada been dhe
Qaran dhawrto lagu raadsadoon, dhab u shaqaynayn dhe
Magac kiish dhexdii lagu ridooy dhabarka saarteen dhe
Dhextaal gabay dhammaad iyo bilaw, dhidibadiisii dhe
Dhigta udubka miisaanka dhexe, dheellitiristii dhe
Dhiigmaydheroob oo onkoday, dhagagacdiisii dhe
Dhafandhaaf dhambaalada ansido, waydin dhiidhiyiye
Hadaad dhimir dareen leedihiin, waydin soo dhiciye
Dhafoorgoror dhulkeenu ku dhacay, dhuganna maysaane
Dhegxumaanta waan wada qabnaa, dheelli sharafeede
Dhalliishana hoggaankaa bulshada, looga soo dhacay-ye
Dhab uqaadataa iyo caqliga,dhinac marsiisaaba
Murti baan dhexgelayaa hadaad, dhego u leediine
Bal dhegaysta waxan doonayaa, inaydin dhaadaane
Wadankana dhardhaaraa ku xidhan, kamarad dhuun dheere
Goortaan Dharreeyada gallay, inagu dhuunteene
Intaan Walasaqada dheeleyneey, khayrka dhurayeene
Dhudda Saylac dhaabadaha bari, taniyo Awdheegle
Inay dheeman ciidii rarteen, lagu dhig joornaale
Ka dhammeeye xeebaha wixii, dhoorsanaan jiray-y
Ceebaad hubkii lagu dhuftaad, dhab u ogaydeene
Dhawr baac dhulkuu hoos u galay, dherer daraadiiye
Waa uun laynoo qarshoon, cidina dhaadayne.
Tukaloo ka sii dhiillo badan, baan dhexgelayaaye
Sunta waxay ka soo dhaamiyaan, dhiillo farawayne
Dheecaan ku jira booyad bay, nagu dhex tuuraane
Waa waxa caqliga dhuuqay-yee, laysu dhibayaaye
Tukaloo ka sii dhiillo kulul, baan dhexgelayaaye
Dhiddig xooleheenii la dhaqay, dhoof-ma-geydada'e
Tukaloo ka sii dhiillo kulul, baan dhexgelayaaye
Dhirta iyo ugaadhii badnayd, Dhooli lagu qaadye
Dhafaruur macaaniyo Quwaax, malabka dhiiqaaya
Iyo Dhebidhanaan midha dhaloo, dhuguc ku joogjoogo
Dhigridii udgoonayd Cillaan, dhiincaska abuura
Kol ay dheenta buuraha ku tahay, way dhakhtariyeene
Tu kaloo ka sii dhiilo kulul, baan dhex gelayaaye
Dhanka kale Yaxaaskiina dhacan, madaxa dhuubnaaye
Intoo gacanka lagu dhaadhacuu, wiish ku soo shegay-ye
La dhidhiibi Jeertii dhextiil, dhoobo webiyeede
Tukaloo ladoo dhiillo kulul, baan dhexgelayaaye
La dhaqaaji haadii fadhiday, dhiraha waawayne
Dhugdhugtii rasaastay carada, dhan uga yaaceene
Dhuugiyo Qaniin baa hadhiyo kii Dhilqa ahaaye
Iyaguna dhankooday jaqaan, dhiigga maytida'e
Daweeye2000@yahoo.co.uk
Daaweeye waa Abwaan daadaheeya tafatira
bogga Suugaanta ee Saylacnews. |