|
|
 |
|
| |
FAALLO:Ma dhabaa in gudigii
isku xilqaantay gurmadka masiibadii ka dhacday
gobolka Awdal ay la'yihiin wax ay la horyimaadaan
qurba joogii lacagaha ku hagaajiyey?Q-1aad
April,23,2008
Sida aan la wada socono waxa gobolka Awdal ka
dhacday bilihii inna dhaafay qabow daran oo dad iyo
duunyaba galaaftay,isla markaana ay dadbadan oo
xoolo dhaqato ahi ku ceydhoobeen.
Waxa masiibadan baaxadeeda iyo burburka ay geysatay
markii ugu horeysay ka warbixiyey badhasaabka
gobolka awdal isagoo qeyla dhaan udirey xukuumadda
uu wakiilka uga yahay gobolka,kana codsaday inay
gurmad deg deg ah lasoo gaadhaan degaanadii ay
masiibadu ka dhacday.Wuxu badhasaabku sidoo kale
qeylo dhaan udirey dadka qurba jooga ah inay walaalahooda dabeecaddu waxyeelaysay ay gacan
ufidiyaan.Run ahaantii xukuumada gurmadkii qaran ee
laga filayey kama iman,laakiin waxa laba todobaad ka
dib gobolka soo gaadhay dhawr wasiir oo wada afar
gaadhi oo raashin ah,halka wasiirka xanaanada
xooluhuna uu ka dhawaajay inuu wado dawo fiican oo
iib ah.
Dhacdadan waxa si wayn ugu gacan qaaday qurba jooga
ku abtirsada gobolka awdal iyagoo gaadhsiiyey lacag
dhan 83000 dollar.Hadaba waxa jirey gudi ka kooban
shan xubnood oo arintaa ka hawlgashay,gargaarkii
dibadaha lagasoo direyna gacanta laga saaray.

Waxay maamulka gobolka iyo xubno ka tirsan dawlada
hoose ee Boorama kormeer kusoo sameeyeen meelihii ay
mashaqadu ku habsatay baaxadda masiibadu leedahayna
way soo qiimeeyeen.Waxay iyagna Xubnahan shanta ahi
socod kusoo mareen meelihii ay dhibtu ka dhacday
iyagoo indhahooda kusoo arkey miisaanka ay leedahay
waxyeelada dadka iyo duunyadaba soo gaadhay,kadibna
waxay qabteen shir jar'id oo ay ku dalbanayaan in
lacagta iyaga lagu soo hagaajo si dib u xooleyn
loogu sameeyo dadkii ku musalafey qabowgii darnaa ee
ku dhuftay.
Wuxu gudigani ku hawlgalayey magaca urur la baxay
ACCNA oo dhawaan lagaga dhawaaqay gobolka MN ee
dalka mareykanka.Run ahaantii ururkan laga lahaa
dhanka marykanka ee lagu shaabadeeyey duqeyda iyo
culimo udiinka hawsha isku xilqaantay, oo la sheego
inuu yahay urur siyaasadeed waxan odhankarnaa wax
weynbuu udhimay soo dhiraarinta dhaqaalihii laga
sugayey dhanka qurbaha iyo sumcadii ay xubnahani
bulshada ku dhexlahaayeenba.Sababtoo ah waxa dareen
iyo tuhun baaxad lihi ka dhashay magaca hoosta loo
galiyey odayaasha,oo runtii aanu markii hore si cad
ugu muuqan wajigiisa dhabta ahi iyo ujeedada laga
lahaa toona iyaguna aanay iska hubsan waxa ku
hoosjira.Balse markii danbe waxa soo shaacbaxay,in
qaar badan oo xubno ka ah ururkani ay sidoo kale
xubno ka yihiin xisbi siyaasadeedka lagu hungoobay
ee Kulmiye.Waana kuwii lahaa fikirka ah, in gudigani
ay ku hawlgalaan magaca ururka ACCNA si ay ugu suura
gasho danta ay lahaayeen oo ahayd inay si qaldan u
isticmaalaan lacagta qurba joogu soo diro,account-kana
iyagaa dahabshiil uga furay. Isla markaana waxay
xubnahan kulmiseysani culimada iyo dhakhtarka aan
aadka ujeclahay ee A.J.Hadi ay isaga dhigeen in
qurba joogta gobolka oo dhami iyaga usoo wakiisheen
arinta.
Dadku waxay filayeen in xubnahan gobolka ka
hawlgalayey ay la baxaan magac iyaga ugaar ah,sida "Gudiga
gurmadka masiibada gobolka Awdal ee 2008" oo
kale.Laakiin taasi ma suuragalin sababtuna waxay
ahayd "hawsha lafteeda oo aanay odayaashu ugacan
banaaneyn oo ahayd mid banaanka laga maamulayey,isla
markaana loo yeedhinayey hadba talaabada ay
qaadayaan.Waana ta keentay in xubnaha Kulmiyeysani
ay lacagta ku dul isticmaalaan Diktoorka iyo culima
udiinka masaakiinta ah".
Run ahaantii xubnahani waa kuwo bulshada dhexdeeda
qadarin ku leh,balse waxa karaamada ka qaaday
hawshii ay gacanta ku hayeena wasakheeyey rag dano
siyaasadeed meesha ka dhexwatay.Nimankaasi waa kuwa
ilaa imika ka hortaagan diktoorka iyo culimadu inay
saxaafada horyimaadaan oo ay iska baraxaan eedaha
loo soo jeediyey hadii aanay jirin."Waxay dhegta ugu
rideen koox dano gaar ah leh ayaa idin
eedaynaysa,afar casho uunbaa la idin hadal heyn
dabadeedna way iska joogsan markaa ha xaaleynina ee
u aamusa cidlo ha idin moodaane".
Arintani Culimadii iyo diktoorkii hawsha ku jirey
waxay ku noqotay "laba kuu daran mid dooro".Haddii
ay aamusaan waa uceeb oo waxa la yidhi:aamus waa
ogolaansho badhkii.Haddii ay hadlaana waxay
sheegayaan wixii dhacay oo iyadna waa ceeb
kale.Waayo "rag waaweyn oo lagu dul sharaabay ceebi
udhinna oo masuuliyadii ay dadka ka qaadeen iyo
wixiibaa lanagu dul cunay ayey kala
ilaalinayaan".Isku soo wada xooriyoo xubnihii hawsha
gacanta ku hayey waxa haysta gabaygii Gaariye."Nin
dawee la leeyahay, xalka doon la leeyahay,danbi uu
badhleeyahay,isagey udarantahoo inuu daaro ma ogola
daaraanta miridhka leh"Waayo mar haday qarinayaan
wixii meesha ka dhacay meel ay Eedda uga fakadaani
ma jirto,waa dhakadooda.Xubnaha Kulmiseysan ee ACCNA
iyo odayaashii masaakiinta ahaa maxaa kala
qabsaday!!La soco qeybaha kale...............
Ha samaato
Jawhar Qalinle korwaayeel@hotmail.com
|
|
|