Chat | Guest Book | Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

Dugsiga Sare ee Shiekh Bashiir oo ka soo kabtay khasaarihii ama dhaawicii waynaa ee la gaadhsiiyey - Warbixin khaas ah Abdurahman Ibrahim Hadhigle [News Category - Posted by Libaaxyare on Wednesday, 9 March 2005,
 

Dugsigan oo muddo aad u dheer ahaan jirey Sekandariga keliya ee ku yaalla magaaladan Burco isla markaana ay ka aflaxeen ama ka qelin jebiyeen kumaanaan arday oo soomaali ahi. waxaa kaloo dugsigaa intaa u dheerayd isagoo ahaan jirey muddo dheer dugsi boodhin ah oo ardaydu hurdo, cunto iyo waxbarashoba ka wada hesho, taasina waxay u sahashay arday badan oo dan yar ahayd oo reerahoodu reer miyi ama reer tuulood ahayd amaba aan magaalada qaraabo dhaw ku lahayni ay waxbarashadooda halkaa ku dhamaystaan oo dabadeedna halkaa jaamacadaha uga sii gudbaan. Haddii aan taariikhda dugsigan dib ugu noqonno waxaa dugsiga la aasaasay kontanadii waxaanu markii hore ahaan jirey dugsi hablahoo keliyi wax ku bartaan iyadoo aad uu weli ku yaallo boodhkii (plaque) lagu xusay shaqadii ay u qabteen horumarinta waxbarashada dumarka ee Somaliland Maamulihii iskuulka ee u horeeyey oo ahayd gabadh u dhalatay dalka ingiriiska oo lagu magacaabi jirey Jane Bell iyo Haji Ismail Farah oo sidaan filayo kaaliyaheedii ahaa.



Haddaba sidaynu wada maqalay ee ka wada naxnay waxaa dugsiga la baabiiyey 01-09-03 oo waxa gubay dad denbiilayaal ah oo dugsiga deganaa qaybo ka mid ah ilaa sidii loogu soo laabtay magaalada 1997 kii, kadib markii la is yidhi ka saara si iskuulka dib loogu wada dhiso. Haddaba siduu ii sheegay Maamulaha dugsiga Shiikh Bashiir Mr Mohamed Jama Muuse, dugsiga gubitaankiisu aad bay u saamaysay mooraalka macalimiinta, ardayda, waalidiinta iyo dhamaan gobolkaba, waxaanu ii sheegay in nin kiiniyaati ah oo laabka iskuulka wax ka dhisey oo qalabeeyey inuu ooyay ka dib markii uu arkay iskuulkii oo danbaska laga dhigay. Wuxuu intaa ku daray maamuluhu in maamulka waxbarashada ee dugsiga iyo gobolkuba ay goosteen inaanay falkan xun ee ay ku kaceen dadkan tirada yari aanay baabiin danta guud ee umadda, oo ah waxbarashada jiilka soo kacaya. Waxaanay markiiba fasallo ardayda wax loogu dhigo oo ku meel gaadh ah ka heleen oo si ku meel gaadh ah ugu guureen dugsigii kilaabka dumarka (Women’s Club) ee u dhawaa garoonka kubadda kolayga.

Nasiib wanaag waxaa bilowgii sanadkii 2004 dib-u-dhiska dugsiga maal galiey midowga yurub (European Union) iyo koonsilka qaxootiga ee dalka dheenmaark (Danish Refugee Council), waxaana la dhamays tiray 16 qol oo isugu jira fasallo waxbarasho, maktabad, xafiisyo, qolka kombuyuutarka iyo laab, iyadoo fasalada waxbarashada la qalabeeyey laakiin laabka iyo maktabadduba ay madhan yihiin oo aan la qalabayn. Waxaanay ardaydii iyo maclimiintiiba dugsiga ku soo noqdeen oo waxbarashadii ka bilaabeen sanad dugsiyeeydkan soconaya ee bilowday 08/04-05/05, haddana waxaa dugsiga wax ka barta 473 arday oo ka kooban 10 fasal oo kala ah:

• 4 Fasal oo ah Form 1
• 3 fasal oo ah Form 2
• 2 fasal oo ah form 3
• 1 fasal oo ah form 4



Waxaana dugsiga ka qalin jebiyey hal-hal fasal sanadkii hore iyo kii ka soo horeeyey, waxaa kaloo dugsiga lagu qabtaa fasalada waxbarashada ee jaamacadda Burco.
Qaybihii dugsiga ee boodhinku wali way dunsan yihiin iyadoo la filayo in qaybahaa la dhiso oo fasallo laga dhigo.

Macalimiinta dugsigu waa 16 iyo maamulaha, iyagoo qaar ka mid ahi ay dugsiga wax ka bari jireen iyagoo jaamiciyiin ah sanadkii aan dugsiga ka baxay oo ahayd 1984 kii, oo ay markaa khibrad badan u leeyihiin waxbarashada. Macalimiintu waxa mushaharaka siisa dawladda Somaliland, iyadoo sida la ii sheegay aanay mararka qaarkood aan la helin saddex bilood, iyadoo aanay isla markaana yar tahay oo aanay la kordhin sicir bararka (inflation) ba,an ee dhaqaalaha dalkeenna curyaamiyey. Iyadoo xagga kalena macalimiinta guryahoodii ay dad iskaga jiraan oo aanay haysanin guryo ay galaan.
Waxaanu maamulaha dugsigu Mr Mohamed Jama, ii sheegay inaanay buugaag oolin Library oo ay ardaydu aad ugu baahan tahay. Sidoo kalena ay u baahan yihiin Generator ama mishiin dabka dhaliya oo dugsigu leeyahay.

Xagga kalena (on the positive side) waxaan dugsiga ku arkay ubaxyo iyo beero qurux badan, garoon baaskidka lagu cayaaro iyo maqaaxi (café) cusub oo leh sattelite television oo aad ka helayso sharaab qabow iyo mid kululba, iyadoo aanu midna lahayn dugsigu xiligii aan ardayga ka ahaa.

Markaa gebogebadii akhristayaasha qiimaha lahow, khaasatan kuwa dugsigan shiikh bashiir wax ka bartay ee ka aflaxayow, fadlan haddaad Burco tagtaan booqda dugsiga oo arka fasaladii aad idinkoo yar yar fadhiisan jirteen ee wax ku baran jirteen sidaan yeelay, oo runtii aad ii farxad gelisay; sidoo kale soo arka siday ardayda hadda wax ugu baranayso ee macalimiintuna ugu dadaalayso iyadoo wax badanina ka dhiman yihiin.


Abdurahman Ibrahim Hadhigle
Togdheer Online
Burco, Somaliland
Abduyusuf2@hotmail.com
 

 

- To Submit Information Click Here -

Home | Somaliland News | Awdalnews.com | Amoud University
Copyright © 2003 Saylac.com