|
Sheekh Cabdillaahi Sheekh
Cali Jawhar oo ku Dhawaaqay inuu iska casilay
UDUB kuna Biiray KULMIYE
Sunday, 21 August 2005
Sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Jawhar oo ka mid
ah culimada'udiinka caanka ah ee Somaliland,
ahna Sheekhul beledka gobolka Awdal, isla
markaana ka tirsan golaha Guurtida Somaliland
ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay hawshii,
xubinimadii iyo taageeradii uu siin jiray
xisbiga UDUB ee talada dalka haya.
Waxaanu sidaa ku sheegay qoraal uu u gudbiyey
Hoggaanka sare ee Xisbiga UDUB iyo xukuumadda
sareba, kaa soo uu nuqul ka mid ah qoraalkaasi
uuu gudbiyey Hoggaanka sare ee Xisbiga UDUB kuna
ogeysiinayo xukuumadda, oo soo gaadhay Weriyaha
Haatuf ee Boorama, isagoo ku qoran afka carabiga
Qoraalkaasi nuxurkiisa ayaa waxa uu u qornaa
sidan:
Bismilaaahi Raxmaani Raxiim.
Ku: Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB
Og: Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo
guddoomiyaha Golaha Guurtida
Ujeedo: Iscasilaad
Ka dib markii aan ogadaay isla markaan aan si
aad ah u daalacday waxaan ogaaday in .. daamka
xisbiga UDUB uu ku salay sanyahay qaddarin
la'aan aanu qaddarinayn ragii hormoodka ahaa ee
aasaasay xisbiga, isla markaana uu tixgelin
waayey fikirkoodii uu iftiimin lahaa sidii
xisbigaasi ugu guuleysan lahaa doorashooyinka
baarlamaanka ee soo socda, anigoo dareensan
daciifnimo maamul oo xisbiga ku keeni karta
guuldarro.
Waxaasoo dhan anigoo eegeya waxaan go'aansaday
iscasilaadaydan u gudbiyo hoggaanka sare ee
xisbiga iyo dawladda-ba , Waxaan iska casilay
xubnnimadaydii laga bilaabo 14 August oo ku
beegan 9-ka Rajab 142 Aayad quraanka kariimka ah
ka mid ah ayaa Illaahay ku yidhi "Haddii aad
ogaato qoom ku shaqaynaya khiyaamo, tuur
ballankii idinka dhexeeyey, illahayna ma jecla
khaayimiinta"
Salaamu Calaykum
Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jawhar, Sheekha
Gobolka Awdal, ahna xubin ka tirsan golaha
guurtida
Intaa ka dib ayuu weriyaha Haatuf ee Booram
Sheekha weydiiyey bal inay jiraan arirmo kale o
ku kelifay iscasilaaddan waxana sheekhu ku yidhi
"Xisbiga UDUB muddo ayaan ku soo jiray waxanan
ka mid ahaa odayadii abaabulay ee aasaasay,
Somalilandna waxa badan baan kula taliyey.
Mawqifkaygii Somalland waa sidiisi waxa keliya
oo aan iska casilay waa Xisbiga UDUB, haddii aad
aqal ku jirto oo aad aragto in aqalkaasi
tiirarkiisii xar galay, dhigta dhexena ay
nuglaato haddan nin weyn tahay in taanu
aqalkaasi kugu dulaamin ayaa dhinaca looga baxaa,
sida aqal kaa ayaan u arkaa Xisbiga UDUB.
Midda kale anigoon ku dheeranayn hadalka,
beribaa nin dhalinyaro ahi uu yimi nin oday ah
wuxuu yidhi adeer bal warran, odaygiiba yidhi
iga daa, haddana ninkii dhalinyarada ahaa ayaa
ku celiyey oo yidhi adeer warran odaygiibaa
yidhi sawtaan ku idhi iga daa een weliba deelka
sheedey. Nin weyn weyn iyo umulisana siday wax u
ogyihin uma sheegaan waxaan ka baxay UDUB,
anigoo ku biiray KULMIYE maadaama aan u arko rag
dalka u shaqaynaya balse aan ka shaqaysanayn.
Waxaan UDUB kula dardaarayaa haddaad guuleystaan
oo aad doorashada aqlabiyadda yeelataan dalka
iyo dadkaba sidan u dhaama, haddii aad guuleysan
weydaanna aan mina dalkiina wax la idinku xantaa
inaad dalka ka baxsanaysaan hadddii la idinkaga
adkaado doorashada baarlamaanka ee Waa bilaahi
Taw Fiiq."
Haddaba iscasilaada sheekh Cabdillaahi Sheekh
Cali Jawhar oo ka mid ahaa odayadii iyo
culimadii reer Somaliland ee u hawlgalay dib u
heshiisiinta beelaha Somaliland iyo dhismaha
xukuumadda maanta dalka xukunta ee ka dhalatay
shirkii Boorama ee 1993-kii ayaa ah mid lama
filaan ah, waxaanay dad badan oo reer Boorama
ahi aaminsanyihin in iscasilaadda Sheekh
Cabdillaahi Sheekh Cali ay dhirbaaxo ku
noqonayso mustaqbalka Xisbiga UDUB ee talada
haya.
- Haatuf
|