Chat | Guest Book | Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

July 07, 2004
Reer Awdalow Sida aad ula dagaalanteen Jahliga ula Dagaalama Nabaadguurka (Fuaad Aaden Cadde)

BORAMA, 6 July 2004--Waxa maalmahan wafti ku joogay Magaalada Borama wasiirka horumarinta reer miyiga iyo Deegaanka Fuaad Aaden Cade, waxa uu wasiirku la wareegay mudadii uu joogay Xafiiskii wasaarada, ee Daaqa Qaranku ay hore u lahaan jireen oo ay dad ku jireen. xafiiskaas oo noqon doona, xafiiska W/H/R/Miyaga ee G/Awdal.

Wasiirku waxa uu shalay soo kormeeray seerihii ay lahaan jirtay Magaalada Borama, oo ay dib u soo celisay Dawlada Hoose ee Borama, waxaana kormeerka ku wehiliyay wasiirka oo soo Tusay Seeraha , Duqa Magaalada Borama C/raxman sh, Cumar, ku xigeenka Gudoomiyaha G/Awdal Maxamed xasan iyo Taliyaha Ciidanka Booliska G/Awdal Daahir.

Waxa war bixin dheer siiyay wasiirka Duqa Borama c/raxmaan oo uga waramay sida ay dib ugu soo celiyeen Seerihii Gacanta Dawlada, wuxu intaas raaciyay in ay rabaan in ay dib u dhireeyaan, isla markaana ay ilaa imika u sameeyeen ciidan ilaaliya si aan dib loogu qodin dhulkaas, waxaan rabnaa in aad wasaarad ahaan nagala wareegtaan ama nagu taageertaan hawsha culus ee aan qabanay ayuu yidhi Duqu, waxa kale oo uu warbixin ka siiyay jiidaha ka baxsan Borama oo ay ka mid tahay, Buurta Libaaxlay ilaa Boon oo dadweynaha jiidaas degaa ay samaysteen gudiyo ilaaliya Deegaanka, 5 sano ka hor, isla markaana ay ganaax u qoondeeyeen cidii geed jarta, ganaaxaas oo dhan 500kun shilin s/land ah una dhiganta 75$.imikana ay dib ugu soo noqonayso jiidahaas dhirtii ay lahaan jirtay

Waxa isna hadal kooban oo iskugu jira mahadnaq iyo talo bixin jeediyay G/xigeenka G/Awdal Maxamed xasan isagoo sheegay in ay Gobol ahaan taageerayaan go'aan kasta oo wax lagaga qabanayo Nabaadguurka. intaas kabacdi waxa hadalka qaatay wasiirka Horumarinta reer miyiga iyo Deegaanka Fuaad Aaden isagaoo ku bilaabay reer Awdalow sida aad ula dagaalateen Jahliga waa in aad ula dagaalantaa Nabaadguurka Deegaanka lagu hayo, ee ay ku hayaan dadka wax magaratada ahi, dhawaana waxaan rabnaa in aan soo saarno sharci lagu joojinayo dhuxulaysiga, dadkana ugu bedelo gaaska la shito, taas oo ay dawladu u samaysay cashuur dhaaf ilaa hal milyan oo xabo, Berigii hore waxa dhuxusha shidanjiray dadka danyarta ah, imikase waxa soo galay ganacsatadii waaweynayd,oo maalin walba shidaya ilaa 3kun oo geed oo qoyan, oo aan siidhkoodana dib loo helayn, ayuu yidhi wasiirku, beri dhowna Jiidaha Bari ee Somaliland waxay noqon doonaan Lama degaan, hadii sidaas lagu sii wado shidista dhirta, dhawaana waxaan u baxayaa seerihii Ceerigaabo si aan dib iyagana ugu soo noolayno ayuu hadalkiisa raacshay wasiirku, waxa uu wasiirku qeexay tamardarada wasaaradiisa iyo sida aanay waxba uga qaban deegaanka iyo reer miyaga, waxana noogu wacan ayuu yidhi anaga oo aan haysan shaqaale nagu filan iyo dhaqaale toona, sababta oo ah Miisaaniyada wasaarada ayaa yar. oo aan noo saamaxayn in aan wax badan oo dayacan wax ka qabano, hadiise dhaqaaleheenu koro waan dabooli doonaa ayuu yidhi wasiirku.

Waxa uu u mahadnaqay duqa iyo G/degaanka ee Degmada Borama iyo maamulka Gobolka dhamaanba sida fiican ee ay u dadaalayaan rabaana in ay joojiyaan xaalufinta deegaan, isla markaana ay dadaalka halkaas ka sii wadaan ayuu ku soo gabagabeeyay hadalkiisii wasiirku. 

Source: ANN

- To Submit Information Click Here -

Home | Somaliland News | Awdalnews.com | Amoud University
Copyright © 2003 Saylac.com