Gobolka Jubbada Dhexe October
31-2003.
Waxaa uu dhaca ama uu ku yaal dhanka
Waqooyi, waxaa uu xad kala leeyahay Gobollada Bay iyo
Shabeellada Hoose,dganka Bari waxaa ka xiga Badda Hindiya,
Jahada Koofureed waxaa uu deris kala yahay Gobolka Jubbada Hoose,
Dhanka Galbeedna waxaa ka xiga Gobolka Gedo.
Sameyska
Dhulka :-
Waa dhul hoosaad siman oo ka kooban cadduun,
dhoobay iyo dhulka looyaan wayaan. waxaa uu gobolku leeyahay
goobo badan oo uu ku faafiyo biyaha wabiga Jubba, waqtiyada qaar
wolow uu yahay Wabiga Jubba mid sidiisa aan waxa looga beeran
ama looga intifaacsan hab loo yaqaan (by grafity), sida wabi
Shabeelle uu u badan yahay.
Degmooyinka Gobolka:-
Waxa uu gobolka ka kooban yahay saddex (3)
degmo oo kala ah, Bu'aale oo ah magaalo madaxda gobolka, Degmada
Sakow iyo Degmada Jilib. Dhammaan 3da degmo ee gobolkaba waxaa
wada mara Wabiga Jubba.
Dhaqaalaha:-
Waxaa uu si buuxda ugu tiirsan yahay sida
dalka Soomaaliya oo dhan ay degaamadadiisu u badan yihiin
xoolaha nool iyo waxa ka soo baxa, waxaase u dheer dhanka
beeraha. Waxaa ka baxa gobolka bariiska Degmada Jilib, Galeyda,
Masagada, mooska iyo Qasabka. Waxaa ku yaal Mashruuca Biyo
Xireenka Fanoole, waxaana ku ooli jirtay warshaddii weyneyd ee
sonkorta ee Mareerey. Waxaase warshaddaas iyo mashaariic kale oo
fara badnaa oo hanti fara badan la gashay oo ay ka mid ahaayeen
sida Mashruucii Muggaanbo la tagay dagaalada Sokeeye.
Nabadgalyada:-
Degaanka gobolku waxaa uu caan ku ahaa
nabadgalyo iyo degganaan, waxaana dhowrkii sano ee u denbaysay
ka jirtay xassilooni buuxda, waxaase mar walba sameyn weyn ku
leh, dagaalada ka dhaca ama loola jeedo Gobolka deriska la ah
Jubbada Hoose. Waxaana jirta xaaladda nabadgalyo ee gobolku in
ay faraha ka baxday tan iyo horaantii bishii Agosto 2001, oo ay
ku hardamayeen malishiyada SRRC oo taagyeerto Dawladda Xabashidu
iyo malishiyada Dooxada Jubba oo ay taagyeerto Dawladda
Soomaaliyeed ee KMG ahi.
Siyaadadda:-
Waxaa talada gobolka muddo ku loolamayey
ururada kala ah SPM, SNF iyo SNA, waxaana inta badan ka talin
jiray labada urur ee hore, basle hadda waxaa si buuxda uga
talisa Malishiyada Dooxada Jubba oo garab ka haysata Dawladda
KMG. Waxaase hujjuun joogta ah oo aan la saadaalin karin meesha
uu ku dhammaan doona ku haysa malishiyada SRRC.
Bulshada:-
Sidii dhammaan adeegyadii bulsho ee ka jiri
jiray gobolka ay ugu baaba'een dagaaladii Sokeeye ee halakeeyey
Dalka Soomaaliya, wali degaanka gobolku kama soo kaban, mana
jiraan wax macno ama qiimo leh oo lagu naaloon kara adeeg bulsho
ah oo hadda ka jira gobolka.