
Guddiga doorashooyinka Soomaaliland, ayaa Taariikhdu markay ahayd Oktoobar 7 deedii, 2007. ku dhawaaqay maalinta doorashooyinka madaxtooyada iyo dawladaha hoose ay ka dhici doonaan dalka. Arrintan ku dhawaaqista doorashooyinka, ayaa waxay soo afjartay shakigii asxaabta mucaaradku ka qabeen dhicitaanka doorashooyinka.
Maqaalkan oo hordhac u ah maqaalo taxane ah oo aan si guud ugu qaadaa dhigo doono taageerada musharixiinta hada la hadal hayo ee la filayo inay asxaabta qaranku u soo bandhigi doonan tartanka madaxweynaha Somaliland iyo ku-xigeenkiisa, kaas oo heshiis ay u wada dhan yihiin asxaabta qaranku ku gaadheen inuu dhaco dabayaaqada sanadka dambe. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee aan kaga hadli doono faaloyinkan soo soo socda waxa ugu horeeya ahmiyada ay leedahay in musharaxiinta asxaabtu ay soo bandhigayaan noqdaan kuwo taageero ka heli kara dhamaan goboladada uu ka koobanyahay dalka Somaliland.
Ugu horeyn haddii aan soo qaadano Xisbiga Kulmiye oo dhawaan la filaayo inuu shirweynihii labaad ee xisbigu ka qabsoomo caasimada Somaliland ee Hareysa, ayaa lagu dooran doonaa golaha dhexe ee xisbiga, kuwaas oo sida filayo kala saari doona raga u tartamaya jagooyin kala duwan ee xisbiga Kulmiye, sida Musharaxa Madaxweynaha, Madaxweyna-Ku-Xigeenka, Gudoomiyaha iyo laba gudoomiye ku xigeen.
Iyada oo ay tageerayaasha Kulmiye in mudo ahba ka dhursugayeen shirweynaha xisbiga, ayaa sida wararku ay sheegayaan maalmahii u dambeeyay la soo gabagabeeyay qaybsiga ergooyinka iyo dhamaan waxa kasta oo uu u xisbigu u baahanyahay in uu si habsami ah u dhaco shirweynaha labaad ee xisbiga Kulmiye.
Maqaalkan hordhaca ah, waxan rabaa in aan ku falanqeeyo musharixiinta ka soo jeeda Gobolka Awdal ee sida la sheegay u tartamaya jagada madaweyne ku-xigeenka ee xisbiga Kulmiye. Hadaba qormadan, ayaan kaga hadalayaa dhawrka nin ee ka mid ah siyaasinta gobolka Awdal ee hirdanka iyo loolanka ugu jira musharaxa ku-xigeenka ee xisbiga Kulmiye, kuwaas oo qaar ka mid ahi yihiin ruug cadaa siyaasada Somaliland mudo dheer ku soo jiray, halka kuwo kalina yihiin rag ku cusub saaxada siyaadada ee Somaliland. Waxanan si kooban uga warami doonaa taariikh nololeedkoodii iyo baaxada taageerada ay ku soo kordhin karaan Xisbiga Kulmiye.
Waxa ugu horayn xusud mudan raga aadka loo hadal hayo ee damacu kaga jiraa jagadan Madaxweyne ku-Xigeenkii hore Somaliland Mujaahid Abdirahman Aw Ali Farah. Waxaa kale oo dhawanahan isaguna cadeeyay inuu tartanka ka qayb galidoono Prof. Ismail Mumin Aare, iyada oo dacaladana ay hoos hoos tartanka kaga jiraan labo nin oo ka soo jeeda beelaha waqooyi bari ee G/Awdal(Eng. Cabdiraxmaan Saylici iyo Adan Jaamac Hoori), laakiinse ayna weli shaaca si toos ah uga qaadin.

Aan ka Bilowno Abdirahmaan Aw Ali Farah.
Mujaahidku waxa uu ka mid ahaa saraakiishii sarsare ee hogaankii ciidankii cirka ee Jamhuuriyadii la odhan jiray Soomaaliya. Mujaahid Abdrahmaan waxa uu wax ku bartay Dudiga sare ee Sheikh, ka dibna wuxuu shahaadooyinka sare ku qaatay culuunta ciidamada iyo diyaaradaha dalalka Midawgii Soofiyeed, Masar, Iraaq iyo Jarmalka Bari. Abdirahmaan wax yar markuu ka shaqeeyay Soomaaliya, waxaa u cuntamiweyday dawladii uu hogaanka u hayay kalidii taliyihii Maxamed Siyaad Bare. Abdiraxmaan Aw Ali, waxa uu ka mid noqday ururkii Somali National Movement (SNM). Mujaahidku waxa uu ka soo qabtay xilal kala duwan, isaga oo ka mid ahaa golaha dhex iyo gudigii fulinta ee ururka SNM ilaa xorayntii dalka Somaliland. Mujaahidku waxa uu ka soo ciyaaray door aan qofna ilaawi Karin nabadayntii beelaha Soomaaliland, gaar ahaanna dhamaystirkii colaadii ka dhaxeeyay beelaha bariga Awdal iyo gabeedka hargeysa, isaga oo waliba door fiican ka qaatay nabadayntii beelaha Somaliland oo dhan, walina ku hawlan sidii loo adkayn lahaa isafgaradka beelaha iyo xasiloonaanta Somaliland.
Cabdiraxmaan Aw cali wuxuuu ka mid ahaa ragii dhidibada u taagay jititaanka Soomaaliland, isaga oo ka qayb libaax ka qaatay shirarkii mijaha loogu taagay Soomaaliland, laga bilaabo Shirkii Berbera, Burco, Sheekh iyo Boorama. Shirkan Boorama oo xukuumadii SNM ay ku wareejisay xukuumadii u horaysay ee rayid ah ayuu Mudane Abdirahmaan noqday Madaxweyne-Ku-Xigeenka Somaliland. Xukuumadii Cabdiraxmaan Aw Cali ku-xigeenka ka ahaa waxa u suurta gashay inay dhidibada u taagto dawladan maanta aynu hadhsanayno iyo nabadan Soomaaliland ku seexato. Sanndku markuu ahaa 1997 waxa uu Mudane Abdirahmaan Aw ali Faarah mansabkii xafiiska madaxweyne ku-xgeenka ku wareejiyay Madaxweynaha hada jooga Mudane Daahir Rayaale Kaahin.
Muj. Aw Cali
oo ka soo
jeeda beesha
ugu
muhiimsan
beelaha dega
G/Awdal,
beeshaas oo
degan
dhamaanba
degmooyinka
gobalku ka
kooban yahay
marka laga
reebo
degaanka
Lughaya,
ayaa sida la
ogyahay ka
heli kara
taageero
balaadhan
gobolka oo
dhan, isaga
oo lagu
tilmaamo
hogaamiyaha
mucaaradka
ee gobolka
Awdal,
dadaal
xooglena u
soo galay
sidii
xisbiga
Kumiye looga
hirgelin
lahaa Awdal,
isla
markaana u
dhuun
daloola
siyaasadaha
xisbiga
Kulmiye.
Haddaba,
taageerada
uu Mudane
Abdirahmaan
Aw Ali Farah
u soo
kordhin karo
xisbiga
Kulmiye
haddii
golaha dhexe
ee xisbigu u
doorto
Jagada
Musharaxa
Madaxweyna
Ku-Xigeenka
xisbiga,
ayaa u
baahan in
gobol-gobol
loo eego si
loo qiimayn
karo
taageerada
uu xisbiga u
soo jiidi
karo. Waxa
dadka indho
indheeya
siyaasada
Somaliland
shaki maanta
kaga jirin
taagerada
Cabdiraxmaan
Aw Cali ku
leeyahay
gobolada
bariga (Sanaag,
Togdheer iyo
Sool),
gobolka
dhexe ee
Hageysa iyo
gobolka uu
ka soo jeedo
ee Awdal.
Taageerada
balaadhan
iyo
qadarinta uu
cabdiraxmaan
Aw Cali ku
leeyahay
dadweynaha
Somaliland,
ayaa loo
aanayn karaa
saboba soo
socda awgeed:
• Waxay Muj. Aw Cali isku fakir ka yhiin siyaasiyan iyo macnaawiyanba taageerayaasha xisiga Kulmiye xaalada dalka, gooni isu taaga Somaliland, iyada oo Mudani Abdirahmaan yahay Siyaasiyiinta Soomaaliland ee faro ku tiriska ah ee ay ka go’an tahay madax banaanida dalku.
• Isaga oo Abdirahmaan ku Xigeen ka ahaa ururkii Asad oo isna taageero badan ka haystay degaanada Togdheer.
• Isagoo uu Abdirahmaan hore u soo qabtay xilkan oo kale, dhamaan beelaha soomaaliland oo dhanna ay ka midaysan yihiin fahamka Waxqabadkiisa, shaqsiyaddiisa, daacadnimdiisa, geesinimadiisa, iyo hogaamintii hufnayd ee uu muujiyey wakhtigii uu xilka hayay.
• Isagoo Mudane Abdirahmaan xilka ka tagay isaga oo haba yaraateen aan hanti qaran lunsanin gaadhigii uu watayna ku wareejiyay Madaxweyne-Ku-Xigeenkii Wakhtigaas la doortay.
• Isagoo hore uga tirsanaa ururkii SNM dhamaana beesha dhexe ay arrintaana Mujaahidka ugu hayso abaal aan la ilaawi Karin. Kula baxay Labo Tole, markaa way adag tahay nin Laba iyo dhamaan beelaha Soomaaliland haysta taageeradooda uu xisbigu doorto nin aan la hubin taageeradada uu ku soo kordhin karo xisbiga.
Musharaxiinta Jagadan kula tartamaysa Mujaahidka ayaa Hargeysa iyo Xisbiga Kulmiye gudihiisa looga yaqaan “HADDAAN KOOYAY” Taas oo macnaheedu tahay hadduun baan imi. Eng. Abdirahmaan Saylici, ayaa isagu ah siyaasi da yar, kana soo jeeda beel ka tirsan beelaha dega tuulada Abdiqaadir iyo buuraha loo yaqaan "Libaaxlay" oo ka tirsan degmada Saylac. Eng Saylici ayey aad u koobantahay khibrada iyo waaya aragyimadiisa dhinaca siyaasada.
Marka loo eego mudadii uu Mujaahid Abdiraxmaan Aw cali ku soo jiray arimaha siyaasada iyo nabadaynta beelaha Somaliland. Engneerku malaha saaxiib xagga siyaasadeed sare, laakiin wax uu taageero hadda ka helaa beel ka mid ah beelaha waqooyi bari ee gobolka Awdal. Beeshan oo u ka la qaybsan Udub iyo Kulmiye. Waxan odhan karnaa Engneerka way koobantahay amaba ma jirto taageerada uu ka heli karo gobolada kale ee dalka, laakiinse Engneerku waxa uu ka mid noqon karaa dawlada isaga oo u qalma wasiirada dawlada xisbiga Kulmiye dhisi doono marka ay ku guulaystaan hogaanka dalka.
Dhinaca
kale,
Wasiirkii Ku
Xigeenkii
hore ee
Wasaarada
Xannaanada
Xoolaha
Aadan Jaamac
Hoori, ayaa
waxa uu ka
mid yahay
musharixiinta
loo yaqaan
HADDAAN
KOOYAY,
isagana sida
aanu ka
helnay ilo
xogogaal ah
oo u dhaw
dhaw
taagerayaashiisa,
ayaa waxay
tibaaxayaan
inuu hunguri
ka hayo
jagadaas,
balse aanu
wali soo
qadimin
musharaxnimadiisa.
Muadane
Aadan, ayaa
waxay dhalin
yaranimadoodii
saaxiib
ahaayeen
Mudane
Daahir
Rayaale
Kaahin,
isaga ayaana
ku soo
biiriyey
masraxyada
siyaasada ee
Soomaaliland.
Aadan waxa
uu ka
bilaabay
golayaasha
siyaasada
Soomaalilland
Wasiir ku
Xigeen mudo
haatan laga
joogo afar
sannadood.
Aadan
taageerayaashiisu
waxay ku
wareegsan
yahiin
degmada
Lughaya,
iyada halkaa
ay ku wada
tartamaayaan
siyaasiga
caanka ah ee
Abdi Mohamud
(Gaagaale).
Taasina
Waxay Aadan
ku noqon
kartaa
carqalad ku
adkaata sida
uu uga gubo.

Prof. Ismail Muumin Aare waa aqoonyahan ku xeel dheer dhinaca waxbarashada, Waxa uu shaqooyin badan oo xagga maaulka iyo maaraynta iskugu jira ka soo qabtay hay’adaha samo falka ee dalka Somaliland. Prof. Ismail hore looguma arag saaxada siyaasada ee Soomaaliland, balse hada waxay taageerayaashiisa ku nool waqooyiga America ku booriyeen inuu u tartamao musharaxnimada jajooyinka sare ee dawlada. Inta waxa uu taageero ka helaa beelaha dega Koonfur Barri Degmada Boorama iyo Koonfurta Degmada Baki.
Ugu dambayn, musharixiinta reer Awdal ee uu hungurigu kaga jiro tartanka musharaxnimada jagada Madaxweyne-ku-Xigeenka xisbiga Kulmiye kama duwan raggii hore u hungureeyay. Waayo Mudane Abdirahmaan Aw Ali Faarax waa siyaasiga reer Awdal iyo Soomaaliland ahaanba ugu khibrada dheer xagga siyaasada. Abdirahman waxa uu ka soo kordhin karaa guulo la mid ah guulihii uu labadii doorasho ee u dambaysay uu xisbiga Kulmiye uga soo hooyay Gobolka Awdal iyo gobolada kale ee Somaliland. Sidaa darteedna waa inay gudida fulinta ee la dooran doono iyo taageerayaasha xisbiguba u daymo la’aanin halganka iyo waxqabadka Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali u soo maray dhismaha Somalilanta maanta aynu ku faano.
Wabilaahi Towfiiq
Mustafe Jaamac Dharaar
SOUTH AFRICA
Email: dharaar@hotmail.com
Aragtida maqaalkani waa mid gaar u ah qoraaga mana aha aragtida saylacnews . hadii ay jiraan dad dhibsanayaa waxay toos ula xidhiidhi karaan qoraaga soo tabiyey maqaalkan.
