Chat | Guest Book | Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

Faalo: Qaybtii Labaad ee Dulqaadka Mujaahidka, Damaca Haddaan Kooynay iyo Dayacyaanta Xisbiga Kulmiye..Oct-18-07

Guddiga doorashooyinka Soomaaliland, ayaa Taariikhdu markay ahayd Oktoobar 7 deedii, 2007. ku dhawaaqay maalinta doorashooyinka madaxtooyada iyo dawladaha hoose ay ka dhici doonaan dalka. Arrintan ku dhawaaqista doorashooyinka, ayaa waxay soo afjartay shakigii asxaabta mucaaradku ka qabeen dhicitaanka doorashooyinka. 

Maqaalkan oo hordhac u ah maqaalo taxane ah oo aan si guud ugu qaadaa dhigo doono taageerada musharixiinta hada la hadal hayo ee la filayo inay asxaabta qaranku u soo bandhigi doonan tartanka madaxweynaha Somaliland iyo ku-xigeenkiisa, kaas oo heshiis ay u wada dhan yihiin asxaabta qaranku ku gaadheen inuu dhaco dabayaaqada sanadka dambe. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee aan kaga hadli doono faaloyinkan soo soo socda waxa ugu horeeya ahmiyada ay leedahay in musharaxiinta asxaabtu ay soo bandhigayaan noqdaan kuwo taageero ka heli kara dhamaan goboladada uu ka koobanyahay dalka Somaliland.

Ugu horeyn haddii aan soo qaadano Xisbiga Kulmiye oo dhawaan la filaayo inuu shirweynihii labaad ee xisbigu ka qabsoomo caasimada Somaliland ee Hareysa, ayaa lagu dooran doonaa golaha dhexe ee xisbiga, kuwaas oo sida filayo kala saari doona raga u tartamaya jagooyin kala duwan ee xisbiga Kulmiye, sida Musharaxa Madaxweynaha, Madaxweyna-Ku-Xigeenka, Gudoomiyaha iyo laba gudoomiye ku xigeen.

Iyada oo ay tageerayaasha Kulmiye in mudo ahba ka dhursugayeen shirweynaha xisbiga, ayaa sida wararku ay sheegayaan maalmahii u dambeeyay la soo gabagabeeyay qaybsiga ergooyinka iyo dhamaan waxa kasta oo uu u xisbigu u baahanyahay in uu si habsami ah u dhaco shirweynaha labaad ee xisbiga Kulmiye.

Maqaalkan hordhaca ah, waxan rabaa in aan ku falanqeeyo musharixiinta ka soo jeeda Gobolka Awdal ee sida la sheegay u tartamaya jagada madaweyne ku-xigeenka ee xisbiga Kulmiye. Hadaba qormadan, ayaan kaga hadalayaa dhawrka nin ee ka mid ah siyaasinta gobolka Awdal ee hirdanka iyo loolanka ugu jira musharaxa ku-xigeenka ee xisbiga Kulmiye, kuwaas oo qaar ka mid ahi yihiin ruug cadaa siyaasada Somaliland mudo dheer ku soo jiray, halka kuwo kalina yihiin rag ku cusub saaxada siyaadada ee Somaliland. Waxanan si kooban uga warami doonaa taariikh nololeedkoodii iyo baaxada taageerada ay ku soo kordhin karaan Xisbiga Kulmiye.

Waxa ugu horayn xusud mudan raga aadka loo hadal hayo ee damacu kaga jiraa jagadan Madaxweyne ku-Xigeenkii hore Somaliland Mujaahid Abdirahman Aw Ali Farah. Waxaa kale oo dhawanahan isaguna cadeeyay inuu tartanka ka qayb galidoono Prof. Ismail Mumin Aare, iyada oo dacaladana ay hoos hoos tartanka kaga jiraan labo nin oo ka soo jeeda beelaha waqooyi bari ee G/Awdal(Eng. Cabdiraxmaan Saylici iyo Adan Jaamac Hoori), laakiinse ayna weli shaaca si toos ah uga qaadin.

Aan ka Bilowno Abdirahmaan Aw Ali Farah.

Mujaahidku waxa uu ka mid ahaa saraakiishii sarsare ee hogaankii ciidankii cirka ee Jamhuuriyadii la odhan jiray Soomaaliya. Mujaahid Abdrahmaan waxa uu wax ku bartay Dudiga sare ee Sheikh, ka dibna wuxuu shahaadooyinka sare ku qaatay culuunta ciidamada iyo diyaaradaha dalalka Midawgii Soofiyeed, Masar, Iraaq iyo Jarmalka Bari. Abdirahmaan wax yar markuu ka shaqeeyay Soomaaliya, waxaa u cuntamiweyday dawladii uu hogaanka u hayay kalidii taliyihii Maxamed Siyaad Bare. Abdiraxmaan Aw Ali, waxa uu ka mid noqday ururkii Somali National Movement (SNM). Mujaahidku waxa uu ka soo qabtay xilal kala duwan, isaga oo ka mid ahaa golaha dhex iyo gudigii fulinta ee ururka SNM ilaa xorayntii dalka Somaliland. Mujaahidku waxa uu ka soo ciyaaray door aan qofna ilaawi Karin nabadayntii beelaha Soomaaliland, gaar ahaanna dhamaystirkii colaadii ka dhaxeeyay beelaha bariga Awdal iyo gabeedka hargeysa, isaga oo waliba door fiican ka qaatay nabadayntii beelaha Somaliland oo dhan, walina ku hawlan sidii loo adkayn lahaa isafgaradka beelaha iyo xasiloonaanta Somaliland.

Cabdiraxmaan Aw cali wuxuuu ka mid ahaa ragii dhidibada u taagay jititaanka Soomaaliland, isaga oo ka qayb libaax ka qaatay shirarkii mijaha loogu taagay Soomaaliland, laga bilaabo Shirkii Berbera, Burco, Sheekh iyo Boorama. Shirkan Boorama oo xukuumadii SNM ay ku wareejisay xukuumadii u horaysay ee rayid ah ayuu Mudane Abdirahmaan noqday Madaxweyne-Ku-Xigeenka Somaliland. Xukuumadii Cabdiraxmaan Aw Cali ku-xigeenka ka ahaa waxa u suurta gashay inay dhidibada u taagto dawladan maanta aynu hadhsanayno iyo nabadan Soomaaliland ku seexato. Sanndku markuu ahaa 1997 waxa uu Mudane Abdirahmaan Aw ali Faarah mansabkii xafiiska madaxweyne ku-xgeenka ku wareejiyay Madaxweynaha hada jooga Mudane Daahir Rayaale Kaahin.

Muj. Aw Cali oo ka soo jeeda beesha ugu muhiimsan beelaha dega G/Awdal, beeshaas oo degan dhamaanba degmooyinka gobalku ka kooban yahay marka laga reebo degaanka Lughaya, ayaa sida la ogyahay ka heli kara taageero balaadhan gobolka oo dhan, isaga oo lagu tilmaamo hogaamiyaha mucaaradka ee gobolka Awdal, dadaal xooglena u soo galay sidii xisbiga Kumiye looga hirgelin lahaa Awdal, isla markaana u dhuun daloola siyaasadaha xisbiga Kulmiye.
 
Haddaba, taageerada uu Mudane Abdirahmaan Aw Ali Farah u soo kordhin karo xisbiga Kulmiye haddii golaha dhexe ee xisbigu u doorto Jagada Musharaxa Madaxweyna Ku-Xigeenka xisbiga, ayaa u baahan in gobol-gobol loo eego si loo qiimayn karo taageerada uu xisbiga u soo jiidi karo. Waxa dadka indho indheeya siyaasada Somaliland shaki maanta kaga jirin taagerada Cabdiraxmaan Aw Cali ku leeyahay gobolada bariga (Sanaag, Togdheer iyo Sool), gobolka dhexe ee Hageysa iyo gobolka uu ka soo jeedo ee Awdal. Taageerada balaadhan iyo qadarinta uu cabdiraxmaan Aw Cali ku leeyahay dadweynaha Somaliland, ayaa loo aanayn karaa saboba soo socda awgeed:

 Waxay Muj. Aw Cali isku fakir ka yhiin siyaasiyan iyo macnaawiyanba taageerayaasha xisiga Kulmiye xaalada dalka, gooni isu taaga Somaliland, iyada oo Mudani Abdirahmaan yahay Siyaasiyiinta Soomaaliland ee faro ku tiriska ah ee ay ka go’an tahay madax banaanida dalku.

•  Isaga oo Abdirahmaan ku Xigeen ka ahaa ururkii Asad oo isna taageero badan ka haystay degaanada Togdheer.

 Isagoo uu Abdirahmaan hore u soo qabtay xilkan oo kale, dhamaan beelaha soomaaliland oo dhanna ay ka midaysan yihiin fahamka Waxqabadkiisa, shaqsiyaddiisa, daacadnimdiisa, geesinimadiisa, iyo hogaamintii hufnayd ee uu muujiyey wakhtigii uu xilka hayay.

 Isagoo Mudane Abdirahmaan xilka ka tagay isaga oo haba yaraateen aan hanti qaran lunsanin gaadhigii uu watayna ku wareejiyay Madaxweyne-Ku-Xigeenkii Wakhtigaas la doortay.

 Isagoo hore uga tirsanaa ururkii SNM dhamaana beesha dhexe ay arrintaana Mujaahidka ugu hayso abaal aan la ilaawi Karin. Kula baxay Labo Tole, markaa way adag tahay nin Laba iyo dhamaan beelaha Soomaaliland haysta taageeradooda uu xisbigu doorto nin aan la hubin taageeradada uu ku soo kordhin karo xisbiga.

Musharaxiinta Jagadan kula tartamaysa Mujaahidka ayaa Hargeysa iyo Xisbiga Kulmiye gudihiisa looga yaqaan “HADDAAN KOOYAY” Taas oo macnaheedu tahay hadduun baan imi. Eng. Abdirahmaan Saylici, ayaa isagu ah siyaasi da yar, kana soo jeeda beel ka tirsan beelaha dega tuulada Abdiqaadir iyo buuraha loo yaqaan "Libaaxlay" oo ka tirsan degmada Saylac. Eng Saylici ayey aad u koobantahay khibrada iyo waaya aragyimadiisa dhinaca siyaasada.

Marka loo eego mudadii uu Mujaahid Abdiraxmaan Aw cali ku soo jiray arimaha siyaasada iyo nabadaynta beelaha Somaliland. Engneerku malaha saaxiib xagga siyaasadeed sare, laakiin wax uu taageero hadda ka helaa beel ka mid ah beelaha waqooyi bari ee gobolka Awdal. Beeshan oo u ka la qaybsan Udub iyo Kulmiye. Waxan odhan karnaa Engneerka way koobantahay amaba ma jirto taageerada uu ka heli karo gobolada kale ee dalka, laakiinse Engneerku waxa uu ka mid noqon karaa dawlada isaga oo u qalma wasiirada dawlada xisbiga Kulmiye dhisi doono marka ay ku guulaystaan hogaanka dalka. 

Dhinaca kale, Wasiirkii Ku Xigeenkii hore ee Wasaarada Xannaanada Xoolaha Aadan Jaamac Hoori, ayaa waxa uu ka mid yahay musharixiinta loo yaqaan HADDAAN KOOYAY, isagana sida aanu ka helnay ilo xogogaal ah oo u dhaw dhaw taagerayaashiisa, ayaa waxay tibaaxayaan inuu hunguri ka hayo jagadaas, balse aanu wali soo qadimin musharaxnimadiisa. Muadane Aadan, ayaa waxay dhalin yaranimadoodii saaxiib ahaayeen Mudane Daahir Rayaale Kaahin, isaga ayaana ku soo biiriyey masraxyada siyaasada ee Soomaaliland. Aadan waxa uu ka bilaabay golayaasha siyaasada Soomaalilland Wasiir ku Xigeen mudo haatan laga joogo afar sannadood. Aadan taageerayaashiisu waxay ku wareegsan yahiin degmada Lughaya, iyada halkaa ay ku wada tartamaayaan siyaasiga caanka ah ee Abdi Mohamud (Gaagaale). Taasina Waxay Aadan ku noqon kartaa carqalad ku adkaata sida uu uga gubo.

Prof. Ismail Muumin Aare waa aqoonyahan ku xeel dheer dhinaca waxbarashada, Waxa uu shaqooyin badan oo xagga maaulka iyo maaraynta iskugu jira ka soo qabtay hay’adaha samo falka ee dalka Somaliland. Prof. Ismail hore looguma arag saaxada siyaasada ee Soomaaliland, balse hada waxay taageerayaashiisa ku nool waqooyiga America ku booriyeen inuu u tartamao musharaxnimada jajooyinka sare ee dawlada. Inta waxa uu taageero ka helaa beelaha dega Koonfur Barri Degmada Boorama iyo Koonfurta Degmada Baki.

Ugu dambayn, musharixiinta reer Awdal ee uu hungurigu kaga jiro tartanka musharaxnimada jagada Madaxweyne-ku-Xigeenka xisbiga Kulmiye kama duwan raggii hore u hungureeyay. Waayo Mudane Abdirahmaan Aw Ali Faarax waa siyaasiga reer Awdal iyo Soomaaliland ahaanba ugu khibrada dheer xagga siyaasada. Abdirahman waxa uu ka soo kordhin karaa guulo la mid ah guulihii uu labadii doorasho ee u dambaysay uu xisbiga Kulmiye uga soo hooyay Gobolka Awdal iyo gobolada kale ee Somaliland. Sidaa darteedna waa inay gudida fulinta ee la dooran doono iyo taageerayaasha xisbiguba u daymo la’aanin halganka iyo waxqabadka Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali u soo maray dhismaha Somalilanta maanta aynu ku faano.

Wabilaahi Towfiiq

Mustafe Jaamac Dharaar

SOUTH AFRICA

Email: dharaar@hotmail.com 

Aragtida maqaalkani waa mid gaar u ah qoraaga  mana aha aragtida saylacnews . hadii ay jiraan dad dhibsanayaa waxay toos ula xidhiidhi karaan qoraaga soo tabiyey maqaalkan.

- To Submit Information Click here--

 

Home | Somaliland News | Awdalnews.com | Amoud University
Copyright © 2003 Saylac.com