| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

Ninka iska faanay yeelkii,laakiin Dacar M.Geelle Raaligalin haka siiyo dadka reer GASH ee qurbaha ku nool hadalkii uu ka jeediyey shirka Kulmiye ee Hargeysa.
 
 Mar-30-2008

Sweden-Halkan waxan maanta ku naqdinayaa hadallo kasoo yeedhay niman ay siyaasadu ku daba rogmatay oo jar iska xoornimo darteed aan waxba ka xishooneyn.Nimankan indhaha iyo dhegahaba la' ee kasoo jeeda gobolka awdal waxan usheegayaa in la maqlayo,hadaladoodana lagula xisaabtamayo,lana waydiinayo waxa ay ku hadlayaan.
 
Nimankan aan la hadlayo waxa lagu haystaa hadallada aanay umeel dayin ee ay ku hadaaqayaan.Horta labada nin ee meesha ka hadley ninka iska faanay yeelkii oo faanku waa xoolo cidina iiddaa ku odhanayn. Laakiin ninka la yiraahdo Dacar M. Geelle waxa looga fadhiyaa inuu raalli galin ka siiyo hadalkiisa dadka reer GASH ee qurbaha ku nool.
 
Dacar wuxu hadal ka jeediyey maanta /shalay shirka huteel ambasador-ka Hargeysa uga socda xisbiga Kulmiye.Dacar wuxu halkaa ka yidhi hadallo shaki iyo kala teg ka dhex abuuraya beesha Samaroon ee ku dhaqan dalka dibadiisa.Arimaha uu ka hadley waxa weeye 1)-Lacagtii loo ururiyey illaa imikana loo ururiyo dadkii ku ceydhoobay barafkii ku habsaday degaano ka mid ah gobolada Awdal iyo Salal .2)-iyo Lacagtii lagu soo amba bixiyey meydkii Abwaan Xasan sheekh Muumin.Dacar wuxu shirkaa ka sheegay in labadaa hawlood ee cul culusba Kulmiye qabtay.
 
Wuxu sheegay in Lacagta ay qurba jooga reer GASH soo ururiyeen ee lagu caawinayo dadkii qabowgu ku habsaday iyo lacagtii lagu soo qaaday Meydkii abwaan Xasan Sh. Muumin-ba ahaayeen kuwo ay  siyaasadda Kulmiye suuragalisay.Isagoo arintaa ka hadlayana wuxu yidhi:
 
A-Gurmadkii duufaanada ee qurba jooga GASH ay soo gaadhsiiyeen dadkii ku waxyeeloobay gobolka awdal waxa guusheeda lahaa xisbiga Kulmiye,waanan ku amaanayaa.B-Kharashkii lagu soo dhoofiyey maydka marxuum Xasan sheekh Muumin waxa bixiyey tageerayaasha xisbiga kulmiye ee dibada ku dhaqan.
 
Hadaladan foosha xun ee beenta iyo mala awaalka ah ee isku dirka iyo kala dilka iyo shakigu ka buuxo ee xubintan kasocotay gobolka awdal kasoo yeedhay waa kuwo aan sinaba loogu dulqaadan karin.Hadalada Dacar kasoo yeedhay waxan u arkaa huf iyo been.
Labada arimood ee uu ka hadlayba ma ahayn arimo siyaasad ku shaqo leh.Laakiin waxan filayaa inuu waayey wax kale oo uu shirka ka sheego.
 
Labadan dhacdo ee ay qurba jooga reer Gabiley,Awdal,Salal iyo Harowo (GASH) ay ka hawlgaleen way kala horeeyeen,ta abwaanku waxay ahayd bishii Jan-2008.Masiibada dadka reer GASH ay uga gurmadeen dadkooduna waxay dhacday bishii 2aad.
 
Aan ku horeynno ta marxuumka.Marxuumku wuxu ku dhintay dalka Norwey caasimadiisa oslo 16 Jan-2008.Qoyska marxuumku iyagoo fulinaya dardaaran hore oo uu marxuumku sii dhigay waxay go'aansadeen inay fuliyaan.Hadaba si ay taasi usuura gasho waxay duqeydii iyo dhalinyaradii beeshii Samaroon ee ku dhaqnayd dalka Norwey khaasatan caasimada usoo bandhigeen qorshahooda iyo sida uu kharashku ugu yaryahay.Ilaahay mahaddi haka gaadho dadkii hawshaa dhabarka uriteyna haka jasaa'isiiyee waxay isku raaceen inay reerka ka caawiyaan meel marinta dardaaranka abwaanka maadaama uu ahaa qof magac iyo martababa ku dhex leh guud ahaanba bulshada soomaliyeed gaar ahaanna beesha uu ka dhashay.Waa loo hawl galay arintii iyadoon habayaraatee wax raad ah ku lahayn siyaasad iyo xisbi toona.Waayo xaalad siyaasad ku shaqo lehba ma ahayn.Waxa laga hadleyey waxay ahayd meydkan innoo yaal sideen u gaadhsiinaa qabrigii loogu talagalay ee Boorama ka qodnaa.Sidaasay ahayd kharashka lagu soo qaaday marxuumkana waxa bixisay bulshada Samaroon-ka ee ku dhaqan dalka Norwey wax siyaasad loo nisbeeyana ma ahayn,xog-ogaalna waan u ahaa arintan.Waxa iyaduna qoyska lacag tacsi ah soo gaadhsiisay Shirkadda Dahabshiil.Markaa hadalka Dacar ee siyaasadda hunguriyeysan ee bilaa himilada ahi ku hadoodilantahay waa huf iyo been.Dadka reer Norweyna ma qabto hadalkaasi.Raali-galinna haka bixiyo.
 
Tan labaad waa lacagtii qurba jooga reer Gabiley,Awdal, Salal iy reer Harowo kusoo caawiyeen walaalahooda dhibaatadu kasoo gaadhay roobabkii qabowga watey ee ka da'ay dhulka buuraleyda ah.Run ahaantii illaa gunta hoose anigu ma damaanad qaadi karo waxna kama sheegi karo ujeedada ay leeyihiin dadkii isku sawirey qaadhaankii qurba joogu ururiyey,oo waa laga yaabaa inay jiraan dad geed-ismaris ah oo weger iyo wada ah maashaa alaah.Balse waxan sheegi karaa oo kali ah in dadka lacagta bixiyey ayna u bixin arimo siyaasad ku shaqo leh,Laakiin ay ku caawiyeen walaalahooda dhibaateysan.Waa halkii suldaan Saleebaane arintani waa wax laga kabuubyoodo.Qurba joogu aadbay uga kabuubyoodeen hadalka kasoo yeedhay mudane Dacar,raalli gallinna way uga fadhiyaan.

Waa arrin jirta in dadka qurbuhu kala simanyihiin kuwa gudaha taageerada ay ukala hayaan xisbiyada ka jira S.land.Inkastoo ay badanyihiin dad aan midna taageero u hayn.Balse marka ay arimo ceynkan oo kale ahi la soo darsaan waxay ku qaabilaan waji kaliya,kaasoo ah is caawin siyaasad ka madaxbannaan.Tusaale ahaan imika dalkan aan joogo ee Sweden waxan ku guda jirnaa ururinta lacag lagu taakulaynayo dadkaa ku tabaaloobay duufaanada oo aan filayo in dhawaan lasoo gaadhsiiyo gudiga gurmadka ee fadhigoodu yahay Boorama.Arintan waxa isku xilqaamay duqey ujeedkoodu yahay inay caawimo gaadhsiiyaan walaalahood.Gar gaarka aan halkan ka ururinayno bixintiisu maaha mid ku kooban reer GASH oo kaliya.Waxa wax ka bixiyey dad kasoo jeeda Hargeysa iyo Burco.Bulshada wax bixinaysa iyo dadka arintan udhaq-dhaqaaya intuba ujeedkoodu waa inay walaalahood wax u taraan.Ma jirto habayaraatee wax intaa dhaafsan oo laga leeyahay.
 
Haddii ay jiraan dad maraboob ah oo wixii kor loo qaadababa sheegta oo doonaya inay dano siyaasadeed uga faa'iideystaan arimaha ceynkan oo kale ah waxan leenahay haka waantoobeen.Ha ogaadaan kuwa sidaa udhaqmayaa inayna waligood meel gaadhi doonin.Ninkii kursi iyo xil doonayaa si kale ha u raadsado.Xaajadaad falayso cidhibteedaa la fiirshaa.Waxan idinku dhaafayaa Maansadii C/fataax Daahir Cige
 
                                  Ayaa beeneey  kudila
                                  Ayaa budhcad yahay kuqala
                                  Ayaa bahal yahay kuhoga
                                 Ayaa boogeey kudhaya
                                 Ayaa bararoow kusara
                                Ayaa beeneey kunaca


 
Adaan barashada oqoon
Adaan baydh baydhka dayn
Adaan balan dhigasho garan
Adaa badaw nimo udhaxay
Adaa bisha dhalatay arag
Adaa booraan sitoo
Bashaaqiya daacad nimo
Adaa ruuxii bad qaba
Badwayn kumuquura,oo
Adaa ba,ayeeyda dhala
Baroorta adaa korsada
Xumaanta ubaalal oo
Adaa bari iyo galbeed
Badbaadaba kugu galayn.

 
Adaa boqolkii kunee
Billaahi wanaag heshiin
Bariidada doorbidana
Adaa barqa kala eryoo
Banaan iyo buur kadhiga
Bartay ku heshiinayaan
Adaa bohol wayn kaqoda
 
Adaa balfiyoo xumaan
Balaayadu kuutimaad
Aduun baqahaa yarayn
Markaad bi,inayso shay
Aday barqudhaata arag
Indhu ay bogan karayn
Adaa dhalinaaya buuq
Ninkii bilantiisa jecel
Adaa bud udhiiba oday
Balaadhi islaanta odhan
Ubadkana baahi odhan
Midkale guurkeed kubood
Adaa ubadheedh yidhaa
Barina wal wal dhaliya,oo
Adaa beer geesi dila
Adaan boqrantana tixgalin.
 
Adaan buul xalaala dhisin
Barbaarta isjecel abiid
Bogiyo qalbiga isku hura
Adaa beeneey dhex dhiga
Is maan dhaaf iyo khilaaf
 
Adaa basharkani intii
Wanaag kubariisataba
Balaa isku dira udhiga
Adaa bixisadaba wada
Adaan bayj diina arag
Ninkii baafiya runtana
Aduun biyo kaahelayn
Badhaadha ninkii rabana
Adaan rajadii bislayn
 
Anaa beeneey kunacay
Anaa balad kaaga tagay
Anaa buugaaga dhigay
Anaa bunduq kuusitoo
Anaa kubirayni raba
Inaad batadhaa tidhaa
Anaa bayd gabay ku,idhi
 
Anaa eedaanka baxa
Bilaal addinkii wadoo
Anaa bulshaday kubari
Inaad boqon goyso tahay
Inaad baaruud xuntahay
Inay balantaa sun tahay
Babuurka aad saaran tahay
Inay boorama kutidhi
Nayaa iga baydh mar hore.
 
Jawhar Qalinle (
korwaayeel@hotmail.com)
 
 
                             
 
 
 
 

- To Submit Information Click Here -

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com