|
|
 |
|
|
Ninka iska faanay
yeelkii,laakiin Dacar M.Geelle Raaligalin
haka siiyo dadka reer GASH ee qurbaha ku
nool hadalkii uu ka jeediyey shirka Kulmiye
ee Hargeysa.
Mar-30-2008
Sweden-Halkan waxan maanta ku naqdinayaa
hadallo kasoo yeedhay niman ay siyaasadu ku
daba rogmatay oo jar iska xoornimo darteed
aan waxba ka xishooneyn.Nimankan indhaha iyo
dhegahaba la' ee kasoo jeeda gobolka awdal
waxan usheegayaa in la maqlayo,hadaladoodana
lagula xisaabtamayo,lana waydiinayo waxa ay
ku hadlayaan.
Nimankan aan la hadlayo waxa lagu haystaa
hadallada aanay umeel dayin ee ay ku
hadaaqayaan.Horta labada nin ee meesha ka
hadley ninka iska faanay yeelkii oo faanku
waa xoolo cidina iiddaa ku odhanayn. Laakiin
ninka la yiraahdo Dacar M. Geelle waxa looga
fadhiyaa inuu raalli galin ka siiyo
hadalkiisa dadka reer GASH ee qurbaha ku
nool.
Dacar wuxu hadal ka jeediyey maanta /shalay
shirka huteel ambasador-ka Hargeysa uga
socda xisbiga Kulmiye.Dacar wuxu halkaa ka yidhi
hadallo shaki iyo kala teg ka dhex abuuraya beesha
Samaroon ee ku dhaqan dalka
dibadiisa.Arimaha uu ka hadley waxa weeye
1)-Lacagtii loo ururiyey illaa imikana loo
ururiyo dadkii ku ceydhoobay barafkii ku
habsaday degaano ka mid ah gobolada Awdal
iyo Salal .2)-iyo Lacagtii lagu soo amba
bixiyey meydkii Abwaan Xasan sheekh
Muumin.Dacar wuxu shirkaa ka sheegay in
labadaa hawlood ee cul culusba Kulmiye
qabtay.
Wuxu sheegay in Lacagta ay qurba jooga reer GASH
soo ururiyeen ee lagu caawinayo dadkii
qabowgu ku habsaday iyo lacagtii lagu soo
qaaday Meydkii abwaan Xasan Sh. Muumin-ba
ahaayeen kuwo ay siyaasadda Kulmiye
suuragalisay.Isagoo arintaa ka hadlayana
wuxu yidhi:
A-Gurmadkii duufaanada ee qurba jooga GASH
ay soo gaadhsiiyeen dadkii ku waxyeeloobay
gobolka awdal waxa guusheeda lahaa xisbiga
Kulmiye,waanan ku amaanayaa.B-Kharashkii
lagu soo dhoofiyey maydka marxuum Xasan
sheekh Muumin waxa bixiyey tageerayaasha
xisbiga kulmiye ee dibada ku dhaqan.
Hadaladan foosha xun ee beenta iyo mala
awaalka ah ee isku dirka iyo kala dilka iyo
shakigu ka buuxo ee xubintan kasocotay
gobolka awdal kasoo yeedhay waa kuwo aan
sinaba loogu dulqaadan karin.Hadalada Dacar
kasoo yeedhay waxan u arkaa huf iyo been.
Labada arimood ee uu ka hadlayba ma ahayn
arimo siyaasad ku shaqo leh.Laakiin waxan
filayaa inuu waayey wax kale oo uu shirka ka
sheego.
Labadan dhacdo ee ay qurba jooga reer
Gabiley,Awdal,Salal iyo Harowo (GASH) ay ka
hawlgaleen way kala horeeyeen,ta abwaanku
waxay ahayd bishii Jan-2008.Masiibada dadka
reer GASH ay uga gurmadeen dadkooduna waxay dhacday
bishii 2aad.
Aan ku horeynno ta marxuumka.Marxuumku wuxu
ku dhintay dalka Norwey caasimadiisa oslo 16
Jan-2008.Qoyska marxuumku iyagoo fulinaya
dardaaran hore oo uu marxuumku sii dhigay
waxay go'aansadeen inay fuliyaan.Hadaba si
ay taasi usuura gasho waxay duqeydii iyo
dhalinyaradii beeshii Samaroon ee ku
dhaqnayd dalka Norwey khaasatan caasimada
usoo bandhigeen qorshahooda iyo sida uu
kharashku ugu yaryahay.Ilaahay mahaddi haka
gaadho dadkii hawshaa dhabarka uriteyna haka
jasaa'isiiyee waxay isku raaceen inay reerka
ka caawiyaan meel marinta dardaaranka
abwaanka maadaama uu ahaa qof magac iyo
martababa ku dhex leh guud ahaanba bulshada
soomaliyeed gaar ahaanna beesha uu ka
dhashay.Waa loo hawl galay arintii iyadoon habayaraatee wax raad
ah ku lahayn siyaasad iyo xisbi toona.Waayo
xaalad siyaasad ku shaqo lehba ma ahayn.Waxa
laga hadleyey waxay ahayd meydkan innoo yaal
sideen u gaadhsiinaa qabrigii loogu
talagalay ee Boorama ka qodnaa.Sidaasay
ahayd kharashka lagu soo qaaday marxuumkana
waxa bixisay bulshada Samaroon-ka ee ku
dhaqan dalka Norwey wax siyaasad loo
nisbeeyana ma ahayn,xog-ogaalna waan u ahaa
arintan.Waxa iyaduna qoyska lacag tacsi ah
soo gaadhsiisay Shirkadda Dahabshiil.Markaa
hadalka Dacar ee siyaasadda hunguriyeysan ee
bilaa himilada ahi ku hadoodilantahay waa
huf iyo been.Dadka reer Norweyna ma qabto
hadalkaasi.Raali-galinna haka bixiyo.
Tan labaad waa lacagtii qurba jooga reer
Gabiley,Awdal, Salal iy reer Harowo kusoo
caawiyeen walaalahooda dhibaatadu kasoo
gaadhay roobabkii qabowga watey ee ka da'ay
dhulka buuraleyda ah.Run ahaantii illaa
gunta hoose anigu ma damaanad qaadi karo
waxna kama sheegi karo ujeedada ay leeyihiin
dadkii isku sawirey qaadhaankii qurba joogu
ururiyey,oo waa laga yaabaa inay jiraan dad
geed-ismaris ah oo weger iyo wada ah maashaa
alaah.Balse waxan sheegi karaa oo kali ah in
dadka lacagta bixiyey ayna u bixin arimo
siyaasad ku shaqo leh,Laakiin ay ku
caawiyeen walaalahooda dhibaateysan.Waa
halkii suldaan Saleebaane arintani waa wax
laga kabuubyoodo.Qurba joogu aadbay uga
kabuubyoodeen hadalka kasoo yeedhay mudane
Dacar,raalli gallinna way uga fadhiyaan.
Waa arrin jirta in dadka qurbuhu kala
simanyihiin kuwa gudaha taageerada ay ukala
hayaan xisbiyada ka jira S.land.Inkastoo ay badanyihiin
dad aan midna taageero u hayn.Balse marka
ay arimo ceynkan oo kale ahi la soo darsaan
waxay ku qaabilaan waji kaliya,kaasoo ah is
caawin siyaasad ka madaxbannaan.Tusaale
ahaan imika dalkan aan joogo ee Sweden waxan
ku guda jirnaa ururinta lacag lagu
taakulaynayo dadkaa ku tabaaloobay
duufaanada oo aan filayo in dhawaan lasoo
gaadhsiiyo gudiga gurmadka ee fadhigoodu
yahay Boorama.Arintan waxa isku xilqaamay
duqey ujeedkoodu yahay inay caawimo
gaadhsiiyaan walaalahood.Gar gaarka aan
halkan ka ururinayno bixintiisu maaha mid ku
kooban reer GASH oo kaliya.Waxa wax ka
bixiyey dad kasoo jeeda Hargeysa iyo
Burco.Bulshada wax bixinaysa iyo dadka
arintan udhaq-dhaqaaya intuba ujeedkoodu waa
inay walaalahood wax u taraan.Ma jirto
habayaraatee wax intaa dhaafsan oo laga leeyahay.
Haddii ay
jiraan dad maraboob ah oo wixii kor loo
qaadababa sheegta oo doonaya inay dano
siyaasadeed uga faa'iideystaan arimaha
ceynkan oo kale ah waxan leenahay haka
waantoobeen.Ha ogaadaan kuwa sidaa
udhaqmayaa inayna waligood meel gaadhi
doonin.Ninkii kursi iyo xil doonayaa si kale
ha u raadsado.Xaajadaad falayso cidhibteedaa
la fiirshaa.Waxan idinku dhaafayaa Maansadii
C/fataax Daahir Cige
Ayaa
beeneey kudila
Ayaa
budhcad yahay kuqala
Ayaa bahal
yahay kuhoga
Ayaa
boogeey kudhaya
Ayaa
bararoow kusara
Ayaa beeneey
kunaca
Adaan barashada oqoon
Adaan baydh baydhka dayn
Adaan balan dhigasho garan
Adaa badaw nimo udhaxay
Adaa bisha dhalatay arag
Adaa booraan sitoo
Bashaaqiya daacad nimo
Adaa ruuxii bad qaba
Badwayn kumuquura,oo
Adaa ba,ayeeyda dhala
Baroorta adaa korsada
Xumaanta ubaalal oo
Adaa bari iyo galbeed
Badbaadaba kugu galayn.
Adaa boqolkii kunee
Billaahi wanaag heshiin
Bariidada doorbidana
Adaa barqa kala eryoo
Banaan iyo buur kadhiga
Bartay ku heshiinayaan
Adaa bohol wayn kaqoda
Adaa balfiyoo xumaan
Balaayadu kuutimaad
Aduun baqahaa yarayn
Markaad bi,inayso shay
Aday barqudhaata arag
Indhu ay bogan karayn
Adaa dhalinaaya buuq
Ninkii bilantiisa jecel
Adaa bud udhiiba oday
Balaadhi islaanta odhan
Ubadkana baahi odhan
Midkale guurkeed kubood
Adaa ubadheedh yidhaa
Barina wal wal dhaliya,oo
Adaa beer geesi dila
Adaan boqrantana tixgalin.
Adaan buul xalaala dhisin
Barbaarta isjecel abiid
Bogiyo qalbiga isku hura
Adaa beeneey dhex dhiga
Is maan dhaaf iyo khilaaf
Adaa basharkani intii
Wanaag kubariisataba
Balaa isku dira udhiga
Adaa bixisadaba wada
Adaan bayj diina arag
Ninkii baafiya runtana
Aduun biyo kaahelayn
Badhaadha ninkii rabana
Adaan rajadii bislayn
Anaa beeneey kunacay
Anaa balad kaaga tagay
Anaa buugaaga dhigay
Anaa bunduq kuusitoo
Anaa kubirayni raba
Inaad batadhaa tidhaa
Anaa bayd gabay ku,idhi
Anaa eedaanka baxa
Bilaal addinkii wadoo
Anaa bulshaday kubari
Inaad boqon goyso tahay
Inaad baaruud xuntahay
Inay balantaa sun tahay
Babuurka aad saaran tahay
Inay boorama kutidhi
Nayaa iga baydh mar hore.
Jawhar Qalinle (korwaayeel@hotmail.com)
|
|
|
- To Submit Information Click Here -
|
|