Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 Ciisuhu Ciisaha Miyuu Dilayaa.by Sigad

(Reer Awdaloow Kubad dhagaxaa idin dhextaala ee kaalaya nagala soo qaybgala kubada dhabta ah)
Mar-13-2008

 Waqtigii Ugaas Nuur Allaha unaxariistee uu katalinayay jiida Gadabuursigu dago iyo nawaaxigeeda ayaa waxa dhacaday in sanad waqtiyadaa ka mid ahaa u dagaal dhexmaray dadka dariska iyo walaalaha ah ee ku kala abtirsada Ciise iyo Gadabuursiga.


Hadaba aniga oo ayna ujeedaddaydu ahayn in aan aflagaadeeyo Ciise oo ah dad aan aad ujecelahay qaraabo badan iyo ehelbadana aan ku leehay ayaan hadana jeclahay in aan ciwaanka maqaalkan macneeyo intaanan ugalin ujeedada iyo murtida uu xambaarsanyahay.

Kaartadii Dagaalkii Ciisaha iyo Gadabuursiga

Waqtiyadii uu ugaas nuur talada Gadabuursiga hayay waqti kamida ayaa waxa dhacday in uu Ciise goostay in uu gadabuursi weerar ku qaado iyada oo ay waqtiyadaa aad udhib yarayd in si dhayal ah la iskugu duulo iyada oo aanay jirin wax wayn ama arin laysku hayaayi.

Hadaba waqtigan isaga ah ee uu Ciisuhu goostay in uu ku duulo Gadabuursi ayaa ahayd waqti Gadabuursiga ay abaaro ba,ani aad u naafeeyeen, sidaa daraadeedna aanay is difaaci karayn. Hadaba markii uu Gadabuursigii ogaaday in maanta ciise warmihiisii iyo fardihiisii oo kooraysan uu ku soo jiheeyay cara gadabuursi, ayuu ugaas Nuur ergo udiray dhigiisii oo ahaa ugaaskii Ciise oo ay waliba habra wadaag ahayeen. Laakiin nasiibdaro ugaaska Ciise oo cadho hore iyo miidhooyin hore tirsanayay ayaa wuxu ugu soo jawaabay habrawadaagii diidmo qayaxan iyo waliba erayo cadho ka muuqato.

Dabadeeed sidiibuu Ciidankii ciise ku soo duulay.

Gadabuusi isku yaac yaac inba dhan u carartay rag talo raadi qaar caarare oo cagta wax kadaye, baxsad iyo baqe la kala yaac.

Hadaba iyada oo ay xaaladu ku ciirsantahay reerihii Gadabuursi ayuu nin reerhii gadabuursi ka mid ihi iskii isku xilqaamay, dabadeedna isga oo naftiisii huray ayuu sahan ubaxay.

Kadibna markuu indha indheeyay colkii ee uu sheedaha ka eeg eegay ayaa wax usoo baxday meesha uu colku goldoloolo ku leeyahay taasina waxay noqotay iyada oo uu colku badi awgeed anu isba garanayn iskuna dhex laaqan yahy.

Ninkii naftii huraha ahaa wuxu goostay in uu colkaba dhexgalo, waanu ku guulaystay afar caana maal ayuuna xoolihii gadabuursiga ee ay iska guranayeen lacunayay.

Dabadeed soo laabay waana lawaraystay wuxuna ku taliyay sidan

Wuxuyidhi ninkii naftii hure colka waa in kaarto loo dago kaartadiina anaa haya ee 40 nin oo hubaysan ha la isiiyo. Kaartada noo sheeg ayaa lagu yidhi ilayn 40 nin oo iska kaa raacya iyagoon ogayn meesha ay usocdaan majiraane.

Ninkii naftii hure wuxu u sheegay in aan colka soo duulay cudud la iskaga celin karayn ee kaarto iyo iyaga oo la siyaasadeeyo uun la iskaga dhicin karo.

Wuxuna usheegay in colku badi awadeed anu isba wada garanayn oo waliba uu isku dhex laaqanyahay, iyadoo waliba qolaba mar duurka galayso si ay xoolo usoo dhacaan dabadeedna ay ku soo dhex noqonayaan colka iyagoon cidba ufiirsan.

Hadaba maadaabay sidaa tahay buu yidhi ninkii Naftii hure waa in la helaa afartan nin oo naftood hurayaal ah oo colka ka dhex toosta si uu colka laftiisu iskugu jeesto.

Afartankii nin oo warmahoodii wata ayaa sidii colkii ku dhexgalay dabadeed saqdiidhexe siday balantu ahayd ayuu ninba ninkii ku xigay waranka ka taagay, dadbadeed colkii Ciise oo jaahwareersan ayaa isku jeestay oo ninba ninkii ku xigay ayuu waranka la beegsaday waxana ka dhacday CIISHU CIISAHA MUUDILAYAA. Iyagoo sidii isku haysta ayuu Gadabuursi wuxii uu ciidan heli karayay isna dusha kaga keenay sidiibuuna Ciise ku jabay maalintaa, kaartadii naftii hurana sidaasay ku shaqaysay.

Anigoon hadalka sii badin ujeedada maqaalka hadaan udhaadhoco soona koobo Gadabuursi maanta waa lagu dhexjiraa dadkan wax soo qoraya ee maanta Gadabuursi kala saaray kuwii u horeeyay ee bilaabay waxan aaminsanahay in aanay Gadabuursiba ahayn laakiin maanta dhamaanteen inagoon hubsanba kubadan la inoo laagay in ay dhagax tahay iyo in ay caag tahay ayaan dhamaanteen garoonka isku daadinay waxana run ahaantii wada ciyaaraynaa kubad dhagax ah.


Waxa kuu cadaynaya in la inagu dhex jiro, iyada oo Gadbuursi oo dhanba minority lagu tilmaamo, ayaad arkaysaa dadka qaar reer awdal sheeganaya oo leh ninka WARAQA ama dixda Harowo dagani reer awdal manoqonkaro. Iyo qaar ku doodaya oo aaminsan in Gadabuursi waligoodba iyagu u talin jireen xaqna uleeyihiin in ay utaliyaan.

waxa jirtay barya dhawayd in ay dadka reer awdal baraarugeen oo dadka wax qoraayi isku mawqif ka ahaayeen arimaha ay ka midka yihiin sad qaybsiga xaqdarada ku dhisan ee soomaliland ka jira iyo arimaha SNM iyo sida anay ururkaasi uga mid noqon karin qaranka. Laakiin nasiibdaro cadawga reer Awdal wuxu inoo dagay kaartadii CIISUHU CIISAHA MUU DILAYAA iyaga oo inoo adeegsaday aladaha internetka oo u sahlay in ay kubad dhaga in dhexdhigaan.

hadaba dhamaanteen inaga oo aanan iskaba hubsan ayaa waxa dhacday in ay beel walba meel difaac ka gasho iyaga oo qaarna weerar udiraya. Hadaba anigan idinla hadlaya oo bari dhexdiiya ku sikaday in aan lambar 9 qaato midigta ka ciyaaro layaa waxa dhacday markii u horaysay ee aan laaday kubada garoonka dhextaala in aan ogaaday inay dhaxtahay.

Laakiin dadka qaar baanan ogaanin oo wali laadaya kubadii dagaxii ee la dhexdhigay.

Hadaba waxan ku soo gaba gabaynayaa walaalyaal Awdal waa dalkeenii dhamaanteena waan dhcanayahy goolalna iskagama dhalin karno kubad dhaxa ee inaga uunbaa ku jajabayna markaan jajabnana waxaba iska celinkarimayno markaa intiina wali laf laf iyo meelo hoose ku wareersanoow kubad dhaxaad isku lag lagaysaane kaalaya oo nagala qaybgala kubada dhabta ah, ee aan la ciyaarayno kooxaha shisheeye.

Waxana cadaymo inoogu filan in la inagu dhexjiro iyo in dadka qaar labadalay inaanay dadka ka hadla sadqaybsiga AWDAL kajirayi aanay ka hadal sadqaybsiga xaaraanta iyo dhaca kudhisan ee hargeiysa kajira.

Kaba sii darane qaar reer awdalaa ku odhanaya waxii laga soo dagaalamay, kalmadaa lafteeduna meesha ay katimid waan wada ognahay.

Gabagabadii iyo gunaanadkiina walaalkaa waxa wanaagsan baa lala jecladaaye anigoon duudsiyayn wanaagna ka wada ninkii naftiihure ee kaartada dagay wuxu ahaa nin ABRAYN SICIIDA ah.

Ciisana uma aan jeedin ee waasheeko guud oo aan yaraantii maqli jiray run iyo been mid aytahayna ma ogi ee yaan la iqoonsan

Cabdale Farah Sigad





 

- To Submit Information Click Here -

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com