|
|
 |
|
|
Ma haboona in
gobol labaad Awdal lagaga dhawaaqi
(ILa Fikir Akristaha Reer Awdaloow)
(Awdal equal Scotland )
Waxay dad badan oo reer Awdal ahi aamin
sanyihiin in hadii gobol labaad lagaga
dhawaaqqo dagaanadooda, in ay heli
doonaan xaq iyo cad ka maqnaa, laakiin
run ahaanti, marka laga fikirayo in
gobol labaad lagaga dhawaaqo dagaanka uu
Gadabuursigu dago, waxa iyadna meesha ku
jirta in laga fikiro khasaaraha iyo
halista ku iman doonta taariikhda iyo
jiritaanka dadka dagaanku ay hada
kufaanaan.
Mudo hada dhawr bilood laga joogo ayay
dadbadan oo reer awdal ahi soo qori
jireen maqaalo ay ku dhiiri galinayaan
in la helo gobol labaad. Hadaba wakhtiga
figradani dhex socotay reer Awdal waxan
aaminsanaa in ay dadkaasi dag dagayaan,
oo aanay kaba fiirsanayn in gobol labaad
oo Awdal laga dhex sameeyaayi noqon
doono ku wanaag usoo hooya iyo in uu
noqon doono mid jaahwareer labaad
dhaxalsiiya bulshada reer Awdal oo aad
moodo in ay siyaasdu khalkhal kaga jiro
baryahan dambe.
Laakiin kuma aan darsan figradayda
waqtigaa doodu socotay, waxase hada igu
kalifay in aan figradayda dadka
lawadaago kadib markii aan arkay maqaal
lagu qoray wabseteka yar ee jamhuuriya.
Maqaalkaas oo uu ku sexeexnaa nin
magaciisa layidhaa Xassan Abdi Yare.
Wuxuna ciwaan uga dhigay maqaalka
ninkaasi (Reer Awdal Taariikh iyo Dagaan
Ma Reer Borama). Maqaalku wuxu ka
hadlayaa in aanay dadka Gadabuursigu wax
taariikha kulahayn gobolka Awdal isagoo
ninka maqaalka qoray gabi ahaanba u
macneeyay taariikhda Awdal si uu isagu
jecelyahay.
Hadaba Akristoow ujeedadaydu ma,aha in
aan ninkan maqaalkiisa kajawaabo
sobobtoo ah ma aha maqaal nuxur wayn
xabaarsan. Ninka qorayna ma uu adeegsan
wax cadaymo ama tixraac taariikheeda oo
uu ku cadaynayo cida uu taariikhda awdal
siinayo.
Laakiin sobobta aan u goostay in aan
maqaalkan qoro waxa ugu wayn ee igu
dhaliyay waxa weeye dadka reer Awdal oo
aan kafiirsan wax yaalaha ay jecelyihiin
islamarkaana la soo booda jecelna in ay
u hirgasho. Waxase aniga ilawanaagsan in
marka hore waxa qasaaraha iyo
faa,iidadiisa la miisaamo.
ILa Fakir Akristaha Reer Awdaloow
Akristaha reer Awdaloow adigoo, og
maanta in siyaasada reer Awdal ay
daciiftahay iyadoo waliba sidaa lagu
tilmaamo maanta ay joogaato siyaasadoodu
meeshii ugu saraysay marka laga hadlayo
kontonkii sano ee ugu danbeeyay, maadaba
ay madaxwayne kumagacaabanyihiin.
Waxakale oo aad qiyaastaa akristaha reer
Awdaloow hadii lamagacaabo gobol
layidhaa Awdal, oo ay magaala madaxdeedu
noqoto saylac. Gobolka intiisa kalana
layidhaa gobolka Borama.
Hadaba hadaan anu qiyaaso figradaydana
ku cabiro sida ay xaaldu noqonayso hadii
maanta gobol kale lagaga dhawaaqo dhulka
Gdabuursigu dago.
Waxa hubaal ah beri kamaalin xukumad
kasta oo Hargeysa kadhalataayi in ay
bilaabi doonto sidii ay cududa reer
Awdal udhimi lahayd, iyaga oo
kabilaabaya in ay marka hore baa,biyaan
taariikhda iyo wax alla waxa
Gadabuursigu ku faano ee ay gaar
usheegtaan.
Sida ay ku baabin karaana waxa weeye
iyaga oo magaca iyo dhulka uu Awdal ka
koobanyahayba moran galiya.
Waxa kale oo hubaala in hadii gobol kale
la helo reer Awdal ay ku furmi doonto
daaqad aad ugu sahli doonta dadka jecel
dhibta reer Awdal. Daqadaas hadaan
waxoogaa farta ku fiiqo meelaha ay ka
furmi karto.
Waxa iman doonta in dadka dariska aynu
nahay ee Ciisaha Djabuutiya gacmaha laga
galiyo maamulka iyo sheegashada gobolka
(Zaylac Awdal) iyada oo aan soomaliland
ka gu’in.
Halkaasina ay kasoo baxdo in qayb Awdal
kamid ahi ay faraha reer Awdal kabaxdo.
Waxa kale oo iswaydiin mudan sida ay
xaaladu ku danbayni haday sidaasi dhacdo.
Anoo kajawaabaya su’aasha waxan ognahay
maanta in uu Gadabuursi soo ridan kari
laayahay kuraas wuxuu xaq ulahaa iyagoo
waliba madaxtinimada haya, taasaana
su,asha jawaab u ah oo reerka afar kursi
ka soo ridan kariwaayay dal aanay
shuruudihii xoriyadeed wali uba
buuxsamin, dhul soo ridan karimaayaan.
Damacu waa wax cajiiba ninka aan
damaclahayna isgaa la damcaa.
Maqaalka aan ka akhriyay websiteka yar
ee Jamhuuriya waxa ku qornaa erayo marna
iga qoslilayay marna aan layaabay,
erayadaasina waxay ahaayeen kuwan (Magaca
iyo Taariikhda Awdal ka wayn wax reer
kalidiis isku magacaabo. Magaca Awdal
laba ujeeddo ayuu leeyahay: a) Midda
hore, waa magacii taariikhiga ahaa ee
magaalada Zaylac iyo maamulladii dhawrka
qarni ka dhisnaa gobolkaas. b) Ta
labaadna, waa Gobolka Awal ee ku yaal
Galbeedka Jamhuuriyadda Somaliland .
Awdalshii taariikhiga ahayd waxaa ka
talin-jiray Imaarado Islam ah. Dadka
reer awdal amaa reer zaylac waxay
ahaayeen mujtamac Madani ah ee marnaba
ma'ay ahyn Mujtamac Qabali ah by Mr
Yare).
Waxa hadaba kamida waxayaalaha iga
qosliyay ninka maqaalka qoray oo isla
doontay laba magac oo midna qabiilyahay
midna dhulyahay Awadl iyo Awale
erayadaas oo akhriskoodu isku dhawyahay
taasi oo macnaha uu kaleeyayay ay u
muuqato in uu markaati ama cadayn uga
dhigo in ay Awdal tariikdeeda iyo
dhuleedaba reeraha Awal iska leeyihiin.
Ta iga yaabisayna waa isaga oo ninka
maqaalka qoray ku gabagabeeyay in Zaylac
aanay cidba is ulahayn, halkaana waxa ka
soobaxaysa ninka maqaalka qoray in uu
labo is dhexwadao. Midi waa damac oo
reerakale ayuu dhul urabaa midna waa
masaxaad oo markuu leeyahay dhulka cidba
male ee waa dhex dad ayuu rabaa in uu
kasaaro khadka.
Waase figradiisa gaaban umana malaynayo
in hadii loo jawaabo oo loo aqli celiyo
uu wax ku qaadan doono. Laakiin
damaciisu wuxu kutusayaa sida dadka
qaarkii ay ugu fikirayaan in ay guryaha
reer Awdal ay kaba dareershaan taasina
inkasto oo ay damac duqoniimo iyo xaraan
wata ay tahay hadana maanta aduunka gaar
ahaan carliga soomaalida majirto meel
wax la’isku ogolyahay. Qoladaan damac
lahayna allah unaxariisto.
Gabagabdii waaa in laga fiirsado oo aan
lagu degdagin figrada ah in la raadsho
gobol laga dhexsameeyo Awdal wa,yo waxa
lagayaabaa in uu inagu noqdo murugo
labaad oo inagu soo biirta.
Waxan aaminsanahay Awdal in uu noqdo
gobol iskii utaagan mustaqbalkana ay
dadka dagaayi raadshaan in ay ugu yaraan
is maamul buuxa yeeshaan,sida Scotland
oo kale
Salaamu Calaykum
Cabdale Farah Sigad
|
|
|
|
- To Submit Information Click Here -
|
|