|
|
 |
Waxan Taageersanahay Mashruuca dhismaha Garoonka
kubadda Cagta ee Biroole.Jul-17-2007
Waxan soo dhawaynayaa Hindisaha Duqa degmada Boorama
Cabdi shide bile,waxan sidoo kale hambalyeynayaa
dhalinyarada qurba jooga ah oo durba si diiran uga
jawaabtay codsiga dhalinyarada sportiga ee gobolka
iyo dhalinta iyaguna iskuna dubba riday mashruucan
dib loogu dhisayo Garoonkii kubadda cagta ee borama.
Garoonka kubbada cagta ee boorama oo la dhisaa wuxuu
wax wayn ka bedeli doonaa hanaanka sportiga,wuxu
dhisi doonaa hiyiga dhalinyarada soo koraysa.
Dhalinyarada Sportiga ee gobolku ma haystaan Garoon
ay ku dheelaan kubadda cagta iyo ciyaaraha kala
duwan ee sportigaba.
Ma haystaan Garoon ay ku marti galiyaan ciyaartoyda
gobolada ama degmooyinka kale ee dalka uga yimaad
wakhtiyada la qabanayo ciyaaraha saxiibtinimada.
Dhalinyarada reer borama marka ay maqlaan koox
ciyaartoy ahbaa imanaysa waxa markaaba qalbiyadooda
ku soo dhaca Garoonka Biroole ee dhanka waqooyi kaga
yaal magaalada,Garoonkaas oo ah meel banaan oo aan
haba yaraatee lahayn astaan garoonkubadeed,marka
laga reebo labada birood ee garoonka loogu
magacdaray (Biraha goolasha).Xilli roobaadka waxa ka
dilaaca boholo,biyo qabatin.
Imikana waxa ku socda boob,waxa jira dad aan
danaynayn,oo aan garanayn qiimaha garoonkani
uleeyahay mujtamaca iyo magaaladaba oo garanaya
kaliya guri la dhiso.Sidaas awgeed dhalinyaradu
waxay ubaahantahay in garoonkaa loo badbaadiyo oo
loogu xidho dayr.
Dhanka kale Garoonka kubadda cagta ee magaalada
boorama oo la dhisaa wuxu qayb wayn ka qaadan doonaa
bilicda magaalda.
Sidaas darteed waxan ku boorinayaa bulshada Reer
Awdal meelkasta oo ay joogaan inay ka qayb qaataan
dhismaha garoonka kubadda cagta ee Biroole gaar
ahaan qurba jooga."Gacmo wada jirbay wax ku gooyaan".
Afeef
Anigu ma gabyo mana heeso mana haweysto,oo hal abuur
ma ihi laakiin bal dhawr hal oon holladay aan
hadalkeyga kusoo xidho.
Garoonkaa la dhacayaan lahaa maanta sees dhiga e
Inaan jabiyo dhagaxiyo inaan biyaha soo dhaansho
Kolba dhinac ha joogtee haddaan dhoobo gadayaaye
Ninkastaa dhankiisaa la sugi inuu dhaqaajaaye
Dhudhun wada jiraa lagu dhisaa lagu dhameeyaaye
Ninkastow dhantaalaha ka dhawr dhagaxdhig weeyaane.
Jowhar Cabdisamad Qalinle(korwaayeel)
|
| |
|
Nala soo xidhiidh emailka ah saylacnews@yahoo.com |
- To Submit Information
Click
here--
|
|