|
|
 |
Taageerid dib u dhiska
garoonka kubada cagta iyo dhisida jidka laamiga ah
ee gobolka Awdal
Jul-20-2007
Waxaa malmahan isa soo taraysa baaqyo isdaba socoda
oo lagu taageerayo dib u dhiska garoonka kubada
cagta Boorame.Taas oo macano wayn ugu fadhida kana
mida waxqabad an yaran loona bahan yahay in maal iyo
muruqba la galiyo, waayo garoomada waxay ka mid
yihin meelaha ay ka soo baxaan MASKAX CAFIMAD QABTA..
Hadii
aan dib u jaleeco sportiga gobolka awdal, gobolku
wuxuu ka mid ahaa ama u hormuud u ahaa gobolada
somaliland, waana gobolka ay ka soo bixi karan
ciyartooy la jan qaadi karta ciyaryahanada calamka.
Hadaba dib u dhiska garoonku wuxuu ka qayb qadanayaa
bilicada magalada iyo dhalinta soo kacaysa oo
helaysa niyad ay ku sii wadaan qaybaha ciyaaraha ee
kala duwan iyo garoonka oo ka badbadaya jagooyinka
hada laga qadanayo iyo waliba qashiinka hada
hareeraha ka buxiyay.
Abdi wali Abdilaahi Ahmed
Hadaba dadyowga ku nool gudaha iyo dibada waxaan u
soo jeedinaynaa inay ka qayb qatan dib u dhiska
garoonka taas oo suuro galinaysa mudo aad u gaban in
lagu dhiso lagu. hadii aynu tusaale u soo qaadano
waxaa jira meelo badan oo lagu dhisay ISKA WAX U
QABSO. Ka gobol ahaan Awdal wuxuu ahaa gobolkii ugu
horeeyay ee nasiib u yeesha in umada la tuso in ay
gacanteeda wax ku dhisan karto, lagana aasaasay waxa
soomaalidu ugu yeedho " Islaa wax u qabso"
Waxaan hadaba talo u soo jeedinayaaa Aqoonyahanada
gobolka Awdal, Bayacmushtarka quraba joog in ay ka
qayb qaatan Barnaamijkan ey wado shabakada
saylacnews ee dib u dhiska garoonka iyo waliba
Laamiga hada iyana la hadal hayo sidii ay bilicada
magalada u qurux badnaato waayo umadi iyada
gacanteeda wax ku qabsata ROOM WAS NOT BUILT A DAY..
Rooma laguma dhisin maalin gudaheed"
Waxaan jeclahay inaan soo jeediyo talo ku wajahan
hogaanka (leaders) inay soo bandhigan isaga oo
qoraal ah labadan barnamij ee ku sabsan hor u marka
gobolka ee kala ah dhisida garoonka iyo samaynta
lamiga iyo maliyada ku baxaysa (input) iyo qiimayn
lagu sameeyo (evalution) Taasi waxay wax wayn ka
taraysaa marka hore in ay ogadaan halka ay martay
lacagtii ay ku deeqeen dadka lacagta ku deeqay
(DONORS) Iyo in barnanmijku u soo galay sidii loogu
talagay si dib loo saxo wixii khaldama ama dhinada
....
Abdi wali Abdilaahi Ahmed
Cairo Egypt
|
|
|
|
- To Submit Information
Click
here--
|
|