| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

Oogsigii madaxweynaha jamuuriyada Somaliland Mudane Dahir Rayale Kahin subax hore oo jawigu aad u qurux badan yahay iyo wixii ka qabsadey April-03-2008
Kuwait(Saylac.com)Subax jawigu aad u fiican yahay oo Roobkii Dayrtu uu qaaday intaanu waagu soo ifbixin ayuu madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland Mudane Dahir Rayale Kaahin uu ka soo kacay hurdo daaqada gurigiisa ayuu daaha ka qaaday si ay indhihiisu u qabtaan milicda jawiga ishu ka yar dhex aragtey daaha ee dibada Qasriga uu kujiro .

Intuu Daahii daaqada dhinac gacanta iskaga yara duway ayuu yidhi: Allahayow Dhulkani quruxda badan dadkiisuna quruxbadanaa wanaagsanaan lahaydaa Inaan aqoonsi u helo inta ruuxu igu jiro wanaagsanaan lahaydaa oo kale in dadku ila gartaan sidaan wadankan u jecelahay uguna daacad ahay wanaagsanaan lahaydaa inta yar ee jahawareerka bulshada ku dhex abuuraysi inay subaxan arkaan quruxda dhulkoodu leeyahay ee ay ka indho saaban yihiiin. Marka dadku isagu is aqoonsado ayuu aduunkuna aqoonsadaa ee wanaagsanaan lahaydaa in shacabku gacanta isqabsado dimoqraadiyad waartana laguwada noolaado wadankan haybada leh.

Intaa markuu marayo ee ay la tegtey muraaqo iyo muhasho uu dalka u qabo ayaa waxa uu maqlay rasaas boolis iyo tuug is eryanaya ay isku ridayaan ! Markaasuu Telefoon u diray qaybtii Booliska si uu u weydiiyo rasaasta dhacaysa. cidiba way ka qaban waydey telefoonkuna maanta oo dhan wuu iska dhacaa ....

Subaxii meelahaa barqadii marka la joogo ayey markale ku dhalatey Madaxweynaha bal inuu ogaado wixii rasaasta la iskugu ridayey saakay salaadii. fariintii Madaxweynaha waxa helay taliyaha booliska ee Hargeysa . Taliyihii oo yaaban kana baqaya canaan ilayn madaxtooyadii ayaa lagala soo hadlee ayaa is yidhi" Tolow maragii kugu kacsanaa ayaa wax ka dhaadhiciyey madaxweynaha? oo maxaan sameeyey ee ay igu sheegi doonan hadaba? iyo su'aalo kale oo madaxiisa ka dhex guuxaya isagoo isweydiinaya ayuu la hadlay madaxweynaha - hello Madaxweyne maxaa daran maanta ? ayuu yidhi isagoo aad moodo wixii ka soo baxa Madaxweynahaba inuu diyaar u yahay kolay tahay casilaad!!

Madaxweyne Rayale ayaa yidhi: telefoonku saakay muu idinka go'naa ? Maya-maya Madaxweyne telefoonku sideebuu nooga go'naa waxwalba waa caadiye maxaa dhacay bal ii jilci adoo mahadsan.

Madaxweyne: Haa kolay ninbaa saakay idinla soo hadlay dhawr jeer wuuna idin waayey!!
Taliyaha Booliska: Waxaan umalaynayaa telefoonkaa mashquul ahaa waayo dadka nasoo waca ayaa aad u tiro badan waana sidaan horeyba kuugu sheegay inaan u baahanahay shaqaale kale iyo xafiisyo kale !!

Madaxweyne Rayale: Gartey waa laga yaabaa!! ayuu yidhi isagoo qaadan la' been lama odhan karee isfaham la'aanta ka dhex taagan labada masuul.


Sheekadii ayaa maalintii danbe gashay suuqa siyaasada xisbiyada mucaaradka ee Kulmiye . waxana saxaafadu soo qortey inuu madaxweynaha Jamuuriyada Somaaliland uu hadal hayo inuu xafiisyo iyo shaqaale badan ukordhin doono laanta Booliska.

Waa kala maane maalintii danbe ayaa qasriga madaxtooyada waxa yimid ergo dhawra oo kakala socota Gobolada Dalka qaarkood oo iyaguna raba in shaqaalaha Booliska Goboladooda loo kordhiyo xafiisyana loo dhiso .kkkkkk

Madaxweyne Rayale oo yaaban lana yaaban sheekadani halkay ka timi ayaa naftiisa intuu la hadlay kuyidhi: Walee aroor danbaanan hurdo ka kicin-- hadaan kacana aanan Telefoon u dirin wax isbaacsanaya ciday doonaan ha ahaadeene kkkk


Qormadan  ayaan waxaan akhristayaasha saylac.com u sheegayaa in dhawaanan saxaafada somaliland qaar ka mid ahi ay soo daabaceen in Madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland uu lix wasiir oo cusub magacaabi doono halka qaar kalena ay sheegeen in sadex uu ku talo jiro inuu magacaabo , markaa arimahaasi waa kuwa dhici kara inuu magacaabo lagana yaabo inuusan magacaabin lakiin ujeedadu waxay tahay qisadan ku dhacday madaxweynaha ee aan ka soo sheekayney waxay la mid tahay qisooyinkan keenay in la hadal hayo wasiiro badan inuu magacaabo oo ah jeebka kuwa lagala soo baxay oo lagaba yaabo inay carqalad ku noqoto hal wasiir oo uu madaxweynuhu magacaabi lahaa qorshe hore oo uu isagu gaadhayna ahayd inuu hal wasiir magacaabo lakiin horcararka la horcararayo madaxweynaha awgeed keeni karta inuu madaxweynuhu arinkaa dib u dhigto halkaasna wasiirkaa cusub ee laga yaabo inuu mudo sugayey in la magacaabina daadku ku xidhmo waxna u suurto gali weydo.

Saylac.com

smahan Nuur
Saylac.com Editor

Kuwait city, Kuwait
ismahannuur@yahoo.com

hadii aad hayso  faalo ku saabsan qormadan kusoo hagaaji emailka ah saylacnews@yahoo.com  ama  emailka wariyaha midkood.
 



Home |
Copyright © 2003 Saylac.com
o