Chat | Guest Book | Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

Gobolka Harawo niyada iyo uurkaan ka tageersanahay
Mar-24-2008

Wararka aan maqlay ee sheegaya in gobol Harawo la siinayo ayaan akhriyey aadna waan ula dhacay runtii gobolkaas in mudo ah ayay dadkeenu sugayeen waana guul aan filayo in Ilaahay inoo suurto galin doono Insha Allah .

Waxaan ku rajo weynahay in dhulka baaxada balaadhan ee gobolkani xukumi doona ay helaan horumar iyo badhaadhe .waxaan jecelahay in dadka xasuusiyo inay gartaan dadka dhulkan ku nooli inay soo mareen marxalado kala duwan oo cadaadis gumaysi uu si walba cagta u saaray waa dad adkaysi badan dadka Samaroonka ah ee degan Itoobiya waayo waxaan aaminsanay hadii Dadka samaroonka ah ee Somalia degan dhib intaa leeki ay soo mari lahayd oo 13 bogor oo Itoobiyaani ay isku bedbedali ay gumaysi iskugu bedbedeli lahaayeen inaanu qofna kulka ku hadheen ee ay gobolada kale kala gali lahaayeen . Daliil waxa taa u ah sida Samaroonka Jabuuti looga soo saaray maantana ay marti ku yihiin.

Dadkan Itoobiya dega ee Soomaalida ahi waa dad wadaninimada ka doorbiday dhibkasta oo boqor mililik ilaa minkiste ay ku hayeen maantana inay u dabaal degaan xoriyad ay gobol ku hantaan waa mid ay u samreen in lagu taageerona ay wanaagsan tahay. Waligay waxaan maqlaa lacagooyin ayaa la ururiyaa loona diraa Boorama iyo meelo kale oo dhibaatooyin iyo mashaariic kaleba laga soo sheegay intaan noolaa waxaan isweydiiyaa wali ma la arkay ama la arki doonaa in maalin maalmaha ka mida ay dadka samaroonku iswediiyaan waar dadkiina Itoobiya dega ee maanta u baahan tageeradiina sida qabiilka Ogaadeenka oo dhamaan dadkii dibadaha joogay ay maaliyad la garab joogaan idinkuna halmar oo kaliya taariikhda aduunka bal wax la qabta oo gobolkan ay dadaalka ugu jiraan tageera.

Malaha intaanan dhiman maruunbaan arki doonaa . waxaanse aad uga xumahay Madaxweynaha somaliland oo maanta awooda inuu Malasanawi si toosa ugala hadlo inuu gobolkan Harawo soo magacaabo aan habayaraatee aan laga hayn eray uu ku taageerayo dadka Samaroon ee Itoobiya dega.

Waxaan halkan maanta qalinkan ugu qaatey inaad iskaashataan dhinacwalba aad gacmaha isqabsataan idinkoo haweenkana xoogooda ka faaiidaysanaya aad talo wadaag yeelataan Gobolkaa Harawana aad tageertaan oo aad iska daysaan fikrada ah Boorama .. boorama...Boorama.

Waanan idin salaamay

Shamis Cabdilahi

UK
 

- To Submit Information Click Here -

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com