| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

Hadal-lagawadatagi maayee lacagtii dadka loo ururiyey halkay martey?
April,06,2008

London(Saylac.com) Maalmahan ayaa magaalada Boorama iyo guud ahaan wadamada dibadaha labada waxa ka socda sheekadii ugu weynayd qarnigan 21 aad oo ah ( Faaraxoow hadal laga wadatagi maayee xabadii xubustii halkay martey? Waa sheeko horey usoo jirtey oo ka dhex dhacday laba nin oo safar dheerna wada galay ka dib ninkamida labada nini uu kii kale weydiiyey imisa khubusa ayaad haysataa si aan sahayda iskugu darsano ka dibna aan u ogaano intey ina haynayso? kii labaad ayaa yidhi anigu hal xabo oo khubus ah ayaan hayaa adiguna sheekh imisaad haysaa? Markaasuu kii sheekha ahaana yidhi aniguna laba ayaan hayaa ee iskugukeen dar kolba markaan in mudo ah socono ayaan jeex ukala qaadanaynaaye.

Waxay socdaanba Maalintii danbe ayaa waxa dhacday inuu sheekhii ku yidhi kii kale imisaa inoo hadhay khubustii ? waxba ma hadhin sheekh waan ku kala tegney intii ugu danbaysey shalay waanagii kala goosanay ayuu ugu jawaabay kii khaayinka ahaa intuu xabadii khubusta ee siyaadada ahayd hoosta gashaday.

Markay gaadheen tuulo yar ayaa waxa tuulada ku xanuunsanaayey gabadha uu dhalay boqorka tuuladu oo la ildarnayd xanuunka barasta loo yaqaano. Ninkii sheekha ahaa ayaa yidhi aniga ayaa daweeya barasta ee dadka adigu codkaaga sarey intaad u qaadid ku dhawaaq (Saxiibkay waa sheekh xanuunka barasta ahna wuu daweeyaa ee ayaa u baahan dabiib) Markaasuu kii khaayinka ahaa baqay oo uu sheekhii ku yidhi , bilaw ay tani inagu noqotaa mushkilo aan nafteeno halaagno hadii aad sheekh waxba daweyn kari waydo? Sheekhii ayaa yidhi ; adigu ka bax aniga qoorta ha igooyaane ku dhawaaq waayo gaajada ayaa inagaga daran Ilaahayna waan kaashanaynaa inuu inagu asturo.

Dadkii suuqa tubnaa ayaa kusoo xoomay labadan nin ee faqiirnimadu ka muuqato ee sheeganaya awood ay ku daweeyaan barasta dadkii horeba daawo u waayey. Markiiba askartii joogtey suuqa ayaa la booday oo geysey qasrigii boqorka kuna amartey inuu ninkan sheekha sheeganayi ama daweeyo gabadhan Boqorku dhalay hadii akle qoortiisu maqan tahay.!!

Sheekhii Ilaahaybuu kaashadey barastiina wuu ka daweeyey gabadhii, sidaa ayeyna ina qobor ku caafimaaday markaa maxaad u malayn in loogu abaal gudayo labadan nin??? Waxa loo keenay dahab, dhar, iyo cunto malab iyo subag ka buuxo.. markay cuntadii ka dhergeen ayuu hadana sheekhii ku yidhi kii khaayinka ahaa ( Waadigaa arkaya inuu ilaahay inoo sikhiray ducadii ee aan ku daweynay barastii gabadha boqorku dhalay ee faaraxoow xabadii khubustii halkeed geysey?? Intuu hoos u foorarsadey ayuu kii khaayinka ahaa i yidhi ; Walaahi anigu ma arag khubus siyaado ah isagoo been cad sheegaya.

Qisadan oo ah qiso aad u dheer hadaan soo gaabsho ujeedada ka danbaysana aan sheego waxa weeyi in bani aadamku khalad galo waa wax soo jiray ee isgiijin iyo dafiraada ayaa balo wax loo dhigo aanay jirin ah . Markaa waxaan leehay gudigii khaayinimada kula kacay Maaliyadii dadka masaakiinta ah loo ururiyey ee lacagtii dhanayd $83,000 siday yidhaahdeen ilaa hada dadka aan u sheegini maxay u jeedaan ? Ma waxay aaminsan yihiin in sidaa lagu dhaafayo ? Waa inay maskaxda galiyaan inuu dadku ku talo jiro inay keenaan ama lacagtii ama siday yidhaahdeen oo been la soo dhoodhoobayi aanay ku jirin .

Intaa hadii la waayo maxaa dhici doona?? Dadka ayaa taa la weydiin lakiin waxa maqaalkan aan sida cadhadu kudheehan tahay aan u qoray maanta dadkii lacagahaa bixiyey u sheegayaa inay laba jeerba khalad weyn iyagu gacmahooda ku sameeyeeen.

1- Waa marka horee kamayna fiirsan gudigani kalsooni intee leeg ayaa laga qabaa inay fuliyaan waxa lagu aaminay.

2- Waa marka labaade xubno gaar ah oo la xisaabtama lama samayn si qoto dheerna ula socda lacagaha laga saarayo khasnada jiirku u dhacay ee dahabshiil.

Markaa si mustaqbalka danbe dadku ay kalsooni u helaan waa in nimankan la aamusay maaliyada dadka loo ururiyey la weydiiyaa jawaab kaamil ah inay soo bandhigaan hadii kale guryahooda la xaraasho si dadkii tabaaloobay xoolihii loogu tala galay loogu iibiyo.



Maxamaed Xaji
Saylac.com
London
UK
email; Maxamedxaji@yahoo.com



 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com