|
|
 |
|
|
Wadaad Kaatoli ah oo
sheegay inay diinta Islaamku tahay mid aan la
horjoogsan karin si xawli ahna ugu fidaysa
wadamada reer yurub...April-04-2008
London( Saylac.com) Barnaamij dood ah oo ka baxa
BBC qaybta diimaha iyo dhaqanka bulshada aduunka
ku nool ayaa maanta waxa ka hadlay wadaad
kaatoli ah oo Ingiriis ah. Wadaadkan ayaa
gaalada uga digay inay diinta islaamku tahay mid
aan sinaba loo horjoogsan karin ahna Diinta ugu
faafitaan badan caalamka.
Ninkan ayaa waxa uu sheegay in magaalada london
kaliya ay shan laabantey dadka dhalashoodu tahay
Ingiriiska ee akhrista ama ka qayb gala daruurta
diinta Islaamka ee Internetka lagaga qayb qaato,
Waxa kale oo uu wadaadka Kaatoliga ahi sheegay
in dhalinyarta iyo dadka waxgaradka ahi ay
yihiin kuwa ugu badan ee diinta Islaamka gala
maalin walba.
Isaga oo ka hadlaaya doodan laga siidaayey BBC
qaybta af-ingiriiska ee diimaha iyo dhaqanka
bulshada aduunku waxa uu yidhi" Dadka
Muslimiinta ah waxa ka go'an inay diintooda u
dhintaan naftoodada u huraan iyagoo dhimashada
aan ka qabin , waxayna ka siman yihiin inay
meeshay joogaanba diintooda ka hormariyaan
waxwalba halka dadka ree galbeedku 5% ay diinta
kiristaanka daneeyaan." Waxa kale oo uu
wadaadkani sheegay inuu ka cabsi qabo labaatanka
sano ee soo socda in magaalada london dadka ku
nool badankiisu ay Muslim noqon doonaan. (Insha
Allah).
Wadaadkan ayaa sheegay in dadka Ingiriisku marka
cabsidu ka badato ay ee laga baqayo argagixisada
ay badanaa raadsadaan kitaabka quraanka si ay
wax uga ogaadaan diinta Islaamka ka dibna ay ku
talax tagaan .
Inkastoo dadka gaaladu ay badanaa guulo waaweyn
ka sheegaan fidida diinta Islaamka hadana dadka
Muslimiinta ahi waxaad moodaa inayna laba socon
mar kasta oo cadaadis gaaladu saarto ama la
dhibaateeyo inay diinta Islaamku horey u marayso
guushuna ay tahay dhinacooda .
Dadka soomaaliyeed ee Yurub ku nool ayaa badanaa
cadaadis weyn la kulma gaar ahaan dhawaan
filimkiii waxshiga ahaa ee ninka reer holand uu
ku aflagaadeeyey Nabigeenii suubanaa SCW ayey
dadka degan yurub intooda badani ay niyad jab
iyo cadho ka muujiyeen sida ayna dawladaha reer
yurub xil iskaga saarin inay xakameeyaan
filimada waxshiga ah ee nuucaas oo kale ah.
Hadaba waxa haboon inay dadkaasi ogaadaan guusha
ninkan Kaatoliga ahi ku sheegay diinta Islaamka
oo shay jira ah in marwalba oo ay diinta
farageliyaan ay dadkoodu soo galidoono diinta
Islaamka taasina ay Muslimiinta u tahay Guul
qarsoon oo dadka intiisa garaadkal lehi uuni ay
garan karaan . "Walam yajcalil kaafuruuna calal
muuminiina Sabiila. Sadaqa laahu kariim.
Maxamed Haji maxamedxaji@yahoo.com
Saylac.com
London
UK |
|
|