Gabadhyar
oo aabaheed iyo hooyadeed su'aal isku mida
weydiisey kana heshay laba jawaab oo kala duwan!
April,06,2008 Kuwait(
Saylac.com) Muna dadeedu waxay ahayd 13 jir
dugsiga markay ka soo laabatey waxa ugu horeeya
ee maskaxdeeda ku jiray wuxuu ahaa su'aal weyn
oo ay rabtey inay weydiiso waalidkeeda.
Su'aashan ayaa waxa Muna ku dhaliyey saakay mar
ay isku dayday inay ka jawaabto dugsiga maray
joogtey su'aal uu macalinku ka weydiiyey
tariikhda dhalashada Jamuuriyada Soomaaliland.
Su'aasha uu macalinku weydiiyey muusan weydiin
kaligeed ee waxa kale oo uu wadajir u weydiiyey
Ardada ay Muna Dugsiga wada dhigtaan - Ayaa ii
sheegi kara dhalashadii Jamuuriyada soomaaliland
cidii sababta kobaad isla lahayd? Arday ka mida
ardada galaaska ay wada dhigtaan Muna ayaa
gacanta sarey u taagey kuna jawaabay: Aniga
Macalin, Waxa lahaa xisbiga kulmiye waayo isagaa
usoo halgamay wadanka . Ku kale ayaa gacanta
taagay : Walaahi anigu waxaan qabaa dadka
soomaaliland oo dhan inayna u kala hadhin
dhamaana ay amaan wada mudan yihiin......
Markay sadex ardaydii galaaska Muna ka tirsani
midba si uga jawaabay su'aashii macalinka ayaa
macalinkii yidhi: Su'aashaa u qaata shaqo guri
arday walowba soo waydii waalidkaaga siday la
tahay barina jawaabta soo celiya. Muna waxay
dhalatey ka dib dhalashadii Somaliland runtiina
sheeko inyar ay ku maqashay mooyaane inta badan
tariikhda somaliland waxba kalama socoto ama
kama taqaano.
Muna waxay hordhigtey su'aashii Hooyadeed oo
madbakha cunto ku karinaysey - hooyo sideebay ku
dhalatey somaliland? hooyadeed ayaa intey
joojisey mulaaqadii ay cuntada ku laaqaysey
hoosna u eegtey gabadheedii ugu jawaabtey: Waa
maxay hooyo waxaad i weydiinaysaa sawnigii dhawr
jeer kuu sheegay in Somaliland ay jirtey aniga
hooyadaa ah oo aan dhalan.!! hadiise aan u eego
su'aasha inaad u jeedo sideebay mar labaad u
dhalatey somaliland? Waxay u dhalatey ka dib
markii Dagaal qadhaadh oo lagu hoobtey loo lala
galay dawladii markaa ka talin jirtey wadankii
la odhan jirey soomaaliya oo dhibaato culus ku
haysey dadkeena, Waxaana dhaliyey xisbigan
maanta aan ku jiro ee Kulmiye oo dhiig badan u
daadiyey xornimada aan maanta hadhsanayno.
Muna ayaa madaxa lushay ; haa !! gartey hooyo
bari ayuu macalinku naga sugayaa ee mahadsanid
sidaa ayaan u sheegi doonaa e.
Muna markay inyar ka socotey hooyadeed ee ay
garab marayso aabaheed oo qolkiisa fadhiya, ayey
salaantey aabaheed markaasuu yidhi waa maxay
waxaad hooyadaa weydiinaysey aabo? Muna ayaa ugu
jawaabtey Aabo hooyo ayaa iiga jawaabtey ee
adiguna maxaad ku dari kartaa waa ayo dadka
soomaaliland dhalashadeedii isla lahaayi aabo? .
Aabo ma waalidoodii ayey kula soo galeen !!!
Maxaa kaaga shaqo ah wadankan cidii dhalisey ...
Aabo ha dhagaysen hadalkooda Ilaahaybaa dhaliyey
inagana inagu dhex abuuray aabo ee siyaasada
dheg hawdhigin waad yartahaye... Aabo macalinkaa
naga sugaya bari ee ii sheeg hadaad haysid mid
tii hooyo ka duwan ayey ku celisey Muna. Oo
hooyo maxay ku tidhi? ayuu ku celiyey .. Waxay i
tidhi Xisbiga kulmiye ayaa dhaliyey somaliland !
saw sidaa maaha aabo?! .
Intuu yara gunuunucay naftiisana la yara shawray
isagoo uurkiisa iyo qalbigiisu wada hadlayaan
ayuu yidhi: oo kaaley kolka Islaantani
caruurtiina kulmiyey doonaysaa inay ka dhigto!!
Intey aniga uun ila mormayseyna danbay ahayd ..
Aabo runta ma kuu sheegaa cidii sababta
dhalashada soomaaliland isla lahayd ? Haa Aabo
haa! ayey Muna tidhi iyadoo u hanqal taagaysa
jawaabta dhiiraraantu weheliso ee ay ka filayso
afka aabaheed inay ka soobaxdo. " Aabo oday
dhaqameedno uu adeerkaa ku jiro hadayna wadankan
u bixin oo ayna ku shirin Burco wadankani
galgalin ayuu noqon lahaa anaguna maanta wadamo
shisheeye kamanaan sokayneen!! markaa odayaal
qabiil walba leh oo ka kala yimid gobolada
soomaaliland oo dhan ayaa isku qaylo dirsadey
wufuudna iskugu tagay burco sidaa ayaa lagu
sameeyey soomaaliland odayaashaasina waa kuwa
ilaa maanta wada hogaanka wadanka Ilaahay ha
inoo xafidee" ayuu hadalkiisa raaciyey isagoo
gacanta sarey u taagaya.
Muna ayaa aabaheed ku tidhi - Aabo jawaabtee sax
ah ilayn bari ayaa la iga sugayaaye? Aabo ta
danbe qaado tan hooyadaa kuu sheegtey runtii way
jirtaa lakiin waa bari hore tanaa ka danbaysey
ee tan usheeg macalinka. Maalintii danbe ayey
Muna tegtey Dugsigii markaasey u dhiibtey
macalinkii labadii jawaab oo meel ku wada qoran
tii hooyadeed siisey iyo tii aabaheed siiyey oo
isku daba qoran. Macalinkii ayaa intuu sarey u
akhriyey jawaabihii Muna korna u qaaday
waraaqdii ay kusoo qortey galaaskii ku yidhi :
Waatan jawaabtii aan dhamaantiin idinka sugayey
oo ah 1+1= Somaliland isagoo uga jeeda in Marka la isku
geeyo labada jawaab ay soo baxayso jawaabta
dhabta ah ee uu rabay oo ah ( In Dadna soo
halgamey oo ay abaalkooda mudan yihiin Dadna
taladii danbe ee lagu degay ay lahaayeen iyaguna
ay abaal labaad mudan yihiin wadankana
Jamuuriyada Soomaaliland na loo wada siman yahay
ee aanu cidna cidkale uga dhaweyn)
Akhristayaasha Saylac.com waxaan qodabkan ugu
soo xulay inay dadka walaalaha ah ee Jamuuriyada
Somaliland ay ogaadaan in wadajirku waxkasta ka
horeeyo midnimaduna ay tahay wadada kaliya ee
dadka iyo wadankuba uu ku horumari karo
caruurteenuna ay inaga dhaxli doonaan niyad
furan iyo qalbi saliim ah oo wadajir ay ugu
wadanoolaadaan Ciida Hooyo .
Saylac.com
Ismahan Nuur
Saylac.com Editor
Kuwait city, Kuwait
ismahannuur@yahoo.com
hadii aad hayso faalo ku saabsan qormadan kusoo
hagaaji emailka ah saylacnews@yahoo.com ama
emailka wariyaha midkood.