Chat | Guest Book | Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

Degmadii Dila ee dawladii Cigaal bixisay ma Daahir baa kursiga ku darsaday mise Hudaa diiqo loo siiyey? By Jawhar Qalinle ... Mar-14-2008

Gadabuursi Booramuu isku wada dhex bakhtiiyey sidii kaaraha.Reerkii intuu horumar higsanlahaa isagiibaa isku mashquulay.Intii ay horey u talaabsanlahaayeen iyagiibaa iswada taakeynaya.Aqoontii lagu tuhmayeybaa cadow ku noqotay. Caqliga lama barto waa intuu ilaah ku siiyo, aqoonbaa la bartaa."aqoontu caqligay kabtaa".

Waxad arkeysaa rag waaweyn oo aqoon isbidaya oo leh reer hebel inta ka shaqaysaan liisteeyey,oo halkii horumar looga fadhiyey kanaa reer hebela dhaafi la'.Waxan xasuustaa mar ay laba nin oo aqoonyahanyahanada ugu miisaanka culus gobolka ka mid ah oo meel ka wada shaqayn jirey ay maamul isku qabteen.Arintu waxay taagnayd laba qof, waxay ahayd inay wax walba sharafta ka raacaan oo haddii ay iyagu iskhilaafeen aanay bulshada kale sumayn.

Bulshadii waa la sumeeyey khilaafkii laba qof dhexmaray qabiilbaa lagu dabaqay, dadkiina dariiqii ay ragaa aqoonta sheeganayaa ujeexeenbay socdaan. Casharkii uu dadka udhigay aqoonyahanku (halkaa reer hebelbaa haysta) (anagu gobolka waxba kama nihin ) ee uu inoogu macalinka ahaa waydinkaa arkaya halkuu marayo.Emailkaa la iskugu gudbiyaa(Forward) imikana website-yadaa lagu soo xardhaa.Waxaaban umalaynayaa dadka waxan qor qorayaa inay uhaystaan inay bulshada wax akhrida ufaa'iideeyeen!!.Waxa la marayaa masaajid hebel waxa tujiya nin reer hebel ah!! Imisa masaajidbaan inagu tujinnaa horta!!!Layaab male bulshadu oo dadkii ay indhaha iyo aqoonta bidadyeenbaa aafeeyey."hasha wayni markay durduriso qaalmaha maxaad ka filaysaa"

Dadkan waxaa qorqoraya waxan odhanlahaa haddii xukuumadda la dhaliilayo luqad la adeegsadaa jirta.Haddii wax siyaasadda ka baxsan ay tahayna wadooyin loo maro iyo meel ku haboon oo lagaga hadlaa jirta.hadiise ay dadka qaar sidanba ku nafisayaan gobolku degmooyin badanbuu leeyahay ee ha inoo soo wada qor-qoraan.Wixii siyaasad ah waan soo dhawaynayaa,waayo siyaasadu waa tii horumar leh,haddii kale waxay noqonaysaa tii uu Prof.Axmed I.Samatar sheegay ee uu yiri.Siyaasada somalidu waa siyaasadda bullaacadda.

Anigoo hadalka usii dhaafi doona dulucdiisa,inta hoos la isku eegayo aniga waxa ila wanaagsan in danta guud laga midoobo oo waxa maqan la raadsado,wixii tolku dhexdiisa kala tabanayana, haddii uu jiro dariiq kale oo ka qodxo yar kan imika la socdo loo maro.Waa iga su'aale "Gayigii Gadabuursi lahaa iyo gobolkii Awdal ma Boorama uunbuu noqday,aaway degaanadii kale iyo degmooyinkii kale ee gobolku?.Saylac horeybaa looga soo guurey,Wajaale waan ogeyn,Gabilaybaa ugu danbeysay oo waa la soo cidleeyey.Degaanadii Lughaya qaarkood wataa moranka la galiyey.Dila waanagaa maanta doon doonayna.

Dulucda hadalkeyga iyo danta aan maqaalkan ka lahaa"Degmadii Dilaan doon doonayaa"

Hadalka waxa dhameeyey walaalkey Maxamed oo runtii si qoto dheer ugaga hadlay maqaalkiisii ahaa "Mudane Madaxweyne aaway degmadii Dila".Aniguna waxan jeclaystay inaan ta'kiidiyo hadalkiisa.Waayo markaad aragto qof ka hadlaya waaqici dhab ah in lagu taageero waa waajib.

Arinta ku saabsan degmada Dila marar badan baan isku dayey inaan wax ka ogaado halka ay ku danbeysay.Laakiin iima suura galin,hadaan laga tegin waxa isoo gaadhay in doorashada soo socota ee dawlahada hoose 2008-da laga qaban doono Dila.Laakiin hadda waxa ii cadaatay in degmadii Dila dib loo cunay.Yaa cunay,sideese loo cunay?Su'aashaa anigu ka jawaabi maayo waxan udhaafayaa inta garashada u saaxiib ah.

Dhib iyo dheef, halka ay dhacdo Dila iyo dharaara soo maray intaba waxa qeexay oo arinta qalay walaakey maxamed Cali aniguna haraggaan ka saarayaa,ciddii lafaha rigaaxi lahaydna waa la sugayaa.Aadbaan lafteydu udhibsaday in Sul.Saleebaan yiraahdo Boorama reer Nuur loo sheegan maayo.Anigoo Suldaanka ixtiraam uhaya waxan leehay Boorama cidna lagama laha mid ku dhashay iyo mid udhashayba wuu dhexjoogaa.Laakiin taa waxa ka haboonayd inaad degmadii Dila keento.

Sul.Saleebaanow halkii aad kalahayd anagu waan qaadacnay diwaangalinta haddii aan kursiga gudoomiyaha nala siin waxan ka jeclaan lahayn inaad tiraahdo"Anagu diwaangalinta iyo doorashooyinka waan qaadacaynaa haddaan degmada Dila diwaan galin iyo doorasho laga qabanayn".Hadalka waxan kaga baxayaa reer Nuur ama Borama ha iskaga dareero ama degmadii Dila ha keeno isagaa og waxa uu dhaafsadaye

Reer Boon-na waa la sugayaa.Reer Boon iyagaaba dad ugu roonaa oo isku duubnaan jiraye maxaa ku fadhiistay?xagey ku danbeysay raadcadii ay ugu jireen Boon,mise Diladii la magacaabay oon if iyo aakhiro midna jirin markey arkeenbay iska aamuseen?.

Degmooyinka ka dib waxa inoo balana gobollo.Reer Awdalow horey u socda oo aqoontan ardaaga magansatay inaga daaya, "Ey is cunaysaa waraabe ma celiso".Anigu doorashooyinkii dalka ka qabsoomay waan ujoogay,qoraallo badanna waan ka sameeyey siday wax udhaceen.Tiro koobkan maanta lasheegayana waan kasii afeeftay,waxaad isku haysataani wax macno leh maaha waa yoom.Haku mashquulina qof dhawr maalmood komishanka u shaqayanaya ee Waxad isweydiisaan sidaad dad usamayn lahaydeen.Soo daabula dadka Itoobiya degan waad ubaahantihiin codkooda,gobol ahaan iyo qaran ahaanba faa'iidaa ku jirta.



Jawhar Qalinle (korwaayeel@hotmail.com



 
 

- To Submit Information Click Here -

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com