|
|
 |
|
|
Qoyska
madaxtooyadu daacadsanaa? By
Qalinle
Mar-23-2008
Qoyskii madaxtooyadaa hadley oo waxay
yidhaahdeen "daacad inaan nahay Dila iyo
quljeed sidaan dalka uga reebnaybaa
daliil u ah,Sidaan u dulleynaybaa daliil
u ah,sidaan xaqoodii udaboolleybaa
daliil u ah.Waxan aad ula yaabaybaa
jira,dadbadan oo kalena waxan filayaa
inay sidaysaas oo kale uun isku
weydiinayaan."Waxa aan la yaabanahay
bulshooy waxa degmada Dila gobol loo
siinwaayey Quljeed-na degmo looga dhigi
waayey mar haddii gobolada iyo
degmooyinkuba ay iska dheh yihiin isla
markaana ay ku jiraan gacanta
madaxtooyada ee aan meel kale loo
doonayn.
Quljeed (tuuladii uu ku dhashay
madaxweynuhu).
Dila(degmada ay kasoo jeedo marwada
madaxweynuhu).
Madaxweyne Rayaale wuxu magacaabay
goboladii ugu badnaa ee uu markaliya
madaxweyne Somaliland soo maray
magacaabo.Arintani oo marka aad u
kuurgasho aan ku salaysnayn daraasad
dhab ah kuna fadhiyin hab cilmiyeysan
waxay dadwenuhu ka bixiyeen aragtiyo
kala duduwan.
Dhinaca siyaasada:Dadka siyaasadda u
kuurgala waxay isku raacsanyihiin inay
goboladani yihiin kaambeyn ama olole
siyaasadeed oo uu madaxweyne Daahir
darmada ku fidsanayo si uu uraalli
galiyo dadweynaha ku dhaqan jiidahaa.
Dhinaca dhaqaalaha:Profeser dhaqaale
yahan ah oo u dhashay somaliland oo aan
arintan kala sheekeystay ayaa isagoo
aragtidiisa murtiyeynaya wuxu yiri: "
Waxay iila egtahay in xebed keeg ah uun
dadka loo kala jajarey" isagoo dhanka
kalana soo dhaweeyey magaacbista
gobolada oo uu ku sheegay inay
mustaqbalka la jaanqaadi doonaan dalka
intiisa kale haddii kaalmo dhaqaale iyo
maalgashi caalami ah la helo.
Ninkale oo aqoonyahan ah oo aan isagna
arintan kala sheekeysatay ayaa laftiisu
taageeray fikirka profesorka.Mudanahaa
oo cabiraya aragtidiisa ku aadan
magacaabista gobolada iyo daraasiinta
degmooyinka ah ayaa yidhi:"Halka laga
sii kala googo'ayo waxa ka fiicnaan
lahayd in degmooyinka iyo gobolada hore
isku tegaan isagoo tusaale usoo qaatey
dalka Denmark. Dalka Denmark oo bed
ahaan dal yar ah wuxu ahaan jirey 1080
degmo iyo 15 gobol,waxay ahayd markii uu
maamulku u cusbaa is aaminkuna yaraa
sideenaas oo kale.Dadkii markii ay
fahmeenbuu yidhi iskaashiga iyo
wadajirku qiimaha ay leeyihiin waxay
iskood ugo'aansadeen in goboladii iyo
degmooyinkii isku biirbiiraan oo magac
cusub ay qaataan.Laba laba iyo sadex
sadex gobolbay isugu
biireen.Degmooyinkii toban toban iyo wax
ka badanbay iskugu biirbiireen ka dib
degmo iyo gobolba waxay noqday qaar
dhaqaale iyo dhinacwalba isku fillaasho
gaadhay.Kun iyo sideetan degmo waxay
isugu soo urureen 93 degmo.Shan iyo
tobankii gobol waxay iskugu soo urureen
5 gobol.Degmooyinku iyagaa iskood isugu
biirey laakiin gobolada waxa yaraysay
dawladda.
Arinta uu mudanahani iiga sheekeeyey
waxay muujinaysaa in qoyswaliba dhawr
iyo toban degmo iyo dhawr gobol lahaan
jirey.
Akhriste faa'iidada ku jirta ee aan usoo
qaatay sheekadan waxa weeye adduunka
dhaqaale,horumar iyo waxqabadbaa lagu
xisaabtamaa laakiin dhulkeena imisa
degmo iyo imisa xubnoodbaan reer hebel
dheeraanaynaabaa lagu xisaabtamaa,inta
taa laga hadlayana horumar ma
jirayo.Waxan halkan ka ogaanay markii ay
degmadii wax horumar ah samayn wayday ee
wixii soo baxaa uu dhaafi waayey
saraakiisheedii iyo shaqaaleheedii
halkii ay ahayd in dadweynaha wax loo
qabto waxay ku tashadeen inay isku teg
tegaan si ay udhimaan kharashka guryaha
iyo shaqaalaha oo bulshada loogu qabto
adeegyada ay ubaahanyhihiin.
Xaqiiqatan marka aan ku xisaabtano xilli
xaadirkan aan joogno.Xaalada dhaqaale
iyo mid bulsho marka la iskusoo xooriyo
aniga Qalinle ahaan aragtideyda waxan
odhankaraa magacaabista goboladani waxay
kordhiyeen tirada gobolada dalka
somaliland oo kaliya.Dayacnaanta Quljeed
iyo Dila waxay muujinayaan daacadnimada
qoyska madaxtooyada.
Jawhar Qalinle korwaayeel@hotmail.com
|
|
|
|
- To Submit Information Click Here -
|
|