Chat | Guest Book | Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

Qoyska madaxtooyadu daacadsanaa? By  Qalinle

Mar-23-2008

Qoyskii madaxtooyadaa hadley oo waxay yidhaahdeen "daacad inaan nahay Dila iyo quljeed sidaan dalka uga reebnaybaa daliil u ah,Sidaan u dulleynaybaa daliil u ah,sidaan xaqoodii udaboolleybaa daliil u ah.Waxan aad ula yaabaybaa jira,dadbadan oo kalena waxan filayaa inay sidaysaas oo kale uun isku weydiinayaan."Waxa aan la yaabanahay bulshooy waxa degmada Dila gobol loo siinwaayey Quljeed-na degmo looga dhigi waayey mar haddii gobolada iyo degmooyinkuba ay iska dheh yihiin isla markaana ay ku jiraan gacanta madaxtooyada ee aan meel kale loo doonayn.

Quljeed (tuuladii uu ku dhashay madaxweynuhu).
Dila(degmada ay kasoo jeedo marwada madaxweynuhu).

Madaxweyne Rayaale wuxu magacaabay goboladii ugu badnaa ee uu markaliya madaxweyne Somaliland soo maray magacaabo.Arintani oo marka aad u kuurgasho aan ku salaysnayn daraasad dhab ah kuna fadhiyin hab cilmiyeysan waxay dadwenuhu ka bixiyeen aragtiyo kala duduwan.

Dhinaca siyaasada:Dadka siyaasadda u kuurgala waxay isku raacsanyihiin inay goboladani yihiin kaambeyn ama olole siyaasadeed oo uu madaxweyne Daahir darmada ku fidsanayo si uu uraalli galiyo dadweynaha ku dhaqan jiidahaa.


Dhinaca dhaqaalaha:Profeser dhaqaale yahan ah oo u dhashay somaliland oo aan arintan kala sheekeystay ayaa isagoo aragtidiisa murtiyeynaya wuxu yiri: " Waxay iila egtahay in xebed keeg ah uun dadka loo kala jajarey" isagoo dhanka kalana soo dhaweeyey magaacbista gobolada oo uu ku sheegay inay mustaqbalka la jaanqaadi doonaan dalka intiisa kale haddii kaalmo dhaqaale iyo maalgashi caalami ah la helo.

Ninkale oo aqoonyahan ah oo aan isagna arintan kala sheekeysatay ayaa laftiisu taageeray fikirka profesorka.Mudanahaa oo cabiraya aragtidiisa ku aadan magacaabista gobolada iyo daraasiinta degmooyinka ah ayaa yidhi:"Halka laga sii kala googo'ayo waxa ka fiicnaan lahayd in degmooyinka iyo gobolada hore isku tegaan isagoo tusaale usoo qaatey dalka Denmark. Dalka Denmark oo bed ahaan dal yar ah wuxu ahaan jirey 1080 degmo iyo 15 gobol,waxay ahayd markii uu maamulku u cusbaa is aaminkuna yaraa sideenaas oo kale.Dadkii markii ay fahmeenbuu yidhi iskaashiga iyo wadajirku qiimaha ay leeyihiin waxay iskood ugo'aansadeen in goboladii iyo degmooyinkii isku biirbiiraan oo magac cusub ay qaataan.Laba laba iyo sadex sadex gobolbay isugu biireen.Degmooyinkii toban toban iyo wax ka badanbay iskugu biirbiireen ka dib degmo iyo gobolba waxay noqday qaar dhaqaale iyo dhinacwalba isku fillaasho gaadhay.Kun iyo sideetan degmo waxay isugu soo urureen 93 degmo.Shan iyo tobankii gobol waxay iskugu soo urureen 5 gobol.Degmooyinku iyagaa iskood isugu biirey laakiin gobolada waxa yaraysay dawladda.
Arinta uu mudanahani iiga sheekeeyey waxay muujinaysaa in qoyswaliba dhawr iyo toban degmo iyo dhawr gobol lahaan jirey.

Akhriste faa'iidada ku jirta ee aan usoo qaatay sheekadan waxa weeye adduunka dhaqaale,horumar iyo waxqabadbaa lagu xisaabtamaa laakiin dhulkeena imisa degmo iyo imisa xubnoodbaan reer hebel dheeraanaynaabaa lagu xisaabtamaa,inta taa laga hadlayana horumar ma jirayo.Waxan halkan ka ogaanay markii ay degmadii wax horumar ah samayn wayday ee wixii soo baxaa uu dhaafi waayey saraakiisheedii iyo shaqaaleheedii halkii ay ahayd in dadweynaha wax loo qabto waxay ku tashadeen inay isku teg tegaan si ay udhimaan kharashka guryaha iyo shaqaalaha oo bulshada loogu qabto adeegyada ay ubaahanyhihiin.

Xaqiiqatan marka aan ku xisaabtano xilli xaadirkan aan joogno.Xaalada dhaqaale iyo mid bulsho marka la iskusoo xooriyo aniga Qalinle ahaan aragtideyda waxan odhankaraa magacaabista goboladani waxay kordhiyeen tirada gobolada dalka somaliland oo kaliya.Dayacnaanta Quljeed iyo Dila waxay muujinayaan daacadnimada qoyska madaxtooyada.

Jawhar Qalinle korwaayeel@hotmail.com


 
 

- To Submit Information Click Here -

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com