|
|
 |
|
|
"Timir
lafbaa ku jirta" Waa maxay sababta jawaanada
bariiska ah ay dhawrka caagadood u dul dhigeeni
?
April-02-2008
London(Saylac.com) Sawiradii Murugada lahaa ee
aanu ka aragney dadkii maalkoodii iyo
xoolohoodiiba ku ledeen Gobolka Awdal waxa
nagaga daran sawiradan murugada nabarkii sii
wayneeyey ee dhawrka jawaan ee kolba dhinaca
laga sawirey lagu dul sharaxay caagadaha galaan
qaadka ah ee saliida ah.
Nidaamkan casriga ah ee indho saxraadka ku
dhisan ayaa waxa laga dhaxlay Hay'adaha samalka
ah ee reer Yusub oo iyagu markay socdaalo
samafal ku tagaan wadamada Afrika isku soo
sawira dadka ugu liita iyo degaanada ugu liita
iyagoo sawiro wadareed la gala dadka ay
degaanadaa ugu tagaan si marka danbe ee ay
mashaariic fund ay ku raadsanayaan soo bandhiga
baahida ka jirta wadamada
Afrika dalabkooda raaciya
sawiradii ay ka soo qaadeen dhulkaas abaaruhu ka
jireen.(
Ima
Qabato caynkani Samir iyo lugooyo!!)
Waxaad moodaa taasi inuu soo afjaray aalada
internetka oo ah mid aad u degdeg badan dadkuna
ay ka warhelaan dacalada aduunka sheekooyinka
maalinlaha ah ee ka dhaca intaa waxa dheer
Telefoonka oo isna bedelay bakooradii dadka
soomaaliyeed inay gacanta ku qaataan dhaqanka u
lahaayeen.
Qodobadaas oo dhan waxa dheer in dadku helay
xoriyad qawl aanay cidna uga baqayn inay
sheegaan sheekooyinka dhabta ah ee la hadoodili
jirey, sheekooyinkaas oo ina baday dibudhac uu
dadkeenu boqolaal sano dib ugu dhacay bulshada
aduunkana kaga hadhay.
Waxaad arkaysaa in maanta saxaafadu tahay
marinka kaliya ee dadka iyo dawladu ay ku kala
qataan awdaacda ka taagan aduunka.Tani waxay
meesha ka saartey in dawladu iska indha saabto
dareenka dadku uu qabo waxana idiinka daliil ah
in maalmahan ka dib markii ay saylac.com dardar
galisey xaqaa'iq ka sheega daranyada iyo diifta
ay qabaan dadkii roobabku waxyeeleeyeen ay durba
waftiyo ka socda dawladu ay socdaalo ugu
kicitimeen goobihii ay duruurftu ka dhacday.

Horumarka ay bulsho hiigsataayi wuxuu la talaabo
qaadaa hadba sida runta looga sheego
mashaariicda dhicisoowda ee masuuliyiin ka
tirsan bulshadaasi ay sameeyaan isla markaana
waxa la heli karaa dad kuwii hore kaga haboon oo
si daacad iyo kartiba ku jirto u fulin kara
mashaariicda danbe ee lagu talo jiro dadka
degaankaa ku nool loo sameeyo.
Aduunka laguma arag qawm iska socda bilaa
xisaabna u fuliya mashaariicda horumarineed ee
bulshadooda - hugunraaca iyo cadiifad
waxtarkeeda aan ladaba galini waxay keentaa
isnacayb iyo kala carar ku dhaca bulshada
dhexdeeda, taasi oo marka danbe dhaxalsiisa
isnacayb iyo inay tuhun aan dhamaan kulala
noolaadaan bulshadii awal isku duubnayd.
Dhinaca kale xagga dawlada waxaan leehay socdaal
beena dadkani uma baahno oo kuwii la dhashay ee
diirku iskugu yaalay ayaaba sidaa u galay ama
waxtara ama socdaalo horay u eedeene ka daaya
dadka
Hadaba si waxyaabahaas oo dhan loo xakameeyo waa
in tan maanta qoyan wax laga qabtaa ayna soo
bandhigaan gudiga loo xislaarey inay hantidii
loogu talo galay dadka tabaaloobay ay kenaan
rasiidyo xisaab cad sida ay ugu takri faleen
lacagta qiimaha badan leh ee gacanta laga gashay
ama aan idhaahdo ay iyagu gacantooda ku doonteen.
Mida kale akhristayaasha saylac.com waxaan la
socodsiinaynaa in maalintii shalay ee taariikhdu
ahayd April 01-2008 ay saylac.com soo ogaatey in
gudigani rasiidyo beena ka dhex raadinayaan
Bakhaarada ku yaala Magaalada Boorama si ay
dadka u marin habaabiyaan markale hadii ay ka
waantoobi waayaana saylac.com waxay magacaabi
doontaa Bakhaarada ay weydiisteen iyo Dadkii ay
ula tageen codsigan aan shaqayneyn oo cod maqal
ah ay saylac.com akhritayaasheeda ugu soo
bandhigi doonto fadeexad kalena ku noqon doonta
gudiga naflacaariga ah ee jahaweeray.
Gababadii waxaan qoraalkan gaaban kusoo xidhayaa
(Dadku waa dad inoo siman dhibtooduna waa dhib
inoo siman ee maaha xoolo aad meel ku
xireysateen oo aad loolan siyaasad wax ugu
raadsataan)
Maxamed Haji
Email
:maxamedxaji@yahoo.com
Saylac.com
UK |
|
|