"Poisoning" GIFT
Mar-23-2008
Thank you Mr President BUT ...
About the new "Gobol" and "Degmo", some
of them are good and some
others are BAD.
I was born in Djibouti but my parents
are from BOON. So, you decided Mr
President to distribute some gifts to
some specific or special people.
Maybe to thanks some of them and to
punish some of them ...
One of them catch my attention : City of
BOON will be a new "Degmo" and
will "belong" or report to Zeillah-SALAL
(new Gobol).
The good news is city of BOON is now on
a Degmo BUT the BAD news is
that BOON will be contingent upon
Zeillah, about thousand and thousand of
miles from city of BOON and you know
better than me that city of BOON
is 10mn drive to Borama (Awdal-Gobol
)...
That is why I am totally in disagreement
with you and tell you
THIS IS A ""POISONING" GIFT.
Soooo, NO party in city of BOON today
Abdirazak Moumin Soubagleh,
Ottawa CANADA.
awaberi@magma.ca
----------------------------------------------------------------------------------------
Mar-23-2008
hadal ku saabsan in gobal kale laga dhex
sameeyo gobalka awdal waxa soo dhameeyay
walalkeen cabdale sidii sheegayna wax
dhibaato ah mooyee wax faiido ah uma soo
wado dadka reer awdal , mida kale ee
jirta ayaa ah in la kala qaybiyo dadka
reer si looga faaidaysto .
hada waxa jirta waa lala wada socdaa in
aan loo ogalayn dadka reer awdal in ay
kala soo degaaan xeebahooda waxa ay
rabaan taasoo jirta ayayna jirin cid ka
hadlaysaa hadii labo laga sii kala
dhigana midba meesha uu joogo ayaa lagu
cuni doonaa waayo hada oo ay mid yihiin
ayaa la arkayaa waxyaabaha socda .
mida kale dadka rabaa in helo gobal
labaad oo gadabuursi dhawaan ayaa laga
yabaa in dawlada itoobiya u ogalaato
gobolka harawo taasi sidii loo dadajin
lahaa iyaga ayay ku xidhantahay siday
ula tacaalaan , markaa waxan odhan lahaa
sidaa ayaa lagu helayaa labo gobol oo ay
leeyihiin gadabuursi labadasi oo aan
lakala lahayn oo iskaashanaayo dhinac
kastaba dhinaca bada iyo dhinaca bariga
tasoo gobalka harawo ku qani yahay dhul
beereed awdalna ku qaniyahay khayraadka
badaha,sidaa darteed dhinac kastana way
isku filan yihiin hiil iyo hooba ha isla
garab joogsadaan dadka reer awdal sidaa
ha ku dadaal ayaan dhihi lahaa .
wabillaahi tawfiiq
ilyas bile
nederland
-----------------------------------------------------------------------------------------
Mar-23-2008Weli maydaan fahmin siyaasada gobolada.
War gobolka salal waa sidan
garbadadar= sacad muse h/awal. iyagaa
taariikh ahaan iyo degaan ahaan ba leh
degmadaa
saylac iyo xariirad = waanu eegi in ay
beesha ciise ka cad goosanayso iyo in
kale
BOOn= waa jilib m/case iyo jilib makahal.
Siyaasada hala garto, ma jiri doonto
dhulkii gacanta ugu urursanaa boorama.
Dhanka kale waa damaashaad oo goboladii
beelaha isaaq ayaa ciida ka batay,
taasna ilaahay ayaa mahad ku leh oo
marka horeba na siiyay dad iyo degaan
badan.
ugu dambayn madaxweynuhu si fiican ayuu
u ciyaaray doorkaa waxaan leeyahay
hambalyo mudane m/weyne daahir r. kaain
, masaakiinta ciise haloo turjumo
idinkaa isku dhaqanee...!!!!!!!!
Macalin.
---------------------------------------------------------------------------------------
Mar-23-2008
Maxadcase ayaa la weydiiyaa kala
qaybsanaanka ku habsatey Gobolkii Awdal
bal siday salal ciisaha ula xisaabtamaan
ayaan dhawri doonaa.
Maxmaed Maxamuud
England
----------------------------------------------------------------------------------------
Mar-23-2008
Nimanyahow ha ku daalina khidada Idoorku
idinku kala daadinayo Darood waligii
Idoorku haduu 100 gobol u balan qaadi
aamini mayan gobolkan buuhoodlena
puntland ayaa horey u bixisey xad
beeneedkan gumaysigii Ingiriisku
sameeyey ee somaliland yaan Gadibiiryow
la idinku wareerin ee soomaali waa
soomaali khayaali ayuu Dahir ku
maaweelinaa nimanka Idoor si kale laguma
xukumi karo ee iska nasta somaliweyna
suga .
Kayse Yasin
--------------------------------------------------------------------------------------------
Mar-23-2008
Ma ogtihiin in Rayale bari hore uu ka
iibshay saylac mar uu socdaal ugu
kicitimay jabuuti dhawaana lacagtii Ina
Ismaciil cumer geele ayuu kala
wareegayaa Masar ayuuna u socdaa si uu
qasri uga dhisto uu noloshiisa inta ka
dhiman ku nasto salal horaa loo kala
iibsadee indhaha uun ka daawada.
waxaanse garan laahay xaaladu halkay ku
sanbayn /
Mawlid Nageeye
djibouti
------------------------------------------------------------------------------------------
Mar-23-2008
Gobol kale ayaan u baahanay waayo sadex
weeye gadabuursi kii Habar cafaan ayaa
dhiman waa inuu daahir keenaa miiskana
loo garaacaa.
ruqiya cilmi daahir
--------------------------------------------------------------------------------------------
Mar-23-2008
awdal waxa la gudboon inay marka hore
samaystaan hogaan sidii ugaska oo kale
ay ka shidaal qataan marka danbana ay
qoladii ugaska ka booda ama maqli wayda
la ciqaabo dhinacna laga wada maro. xeer
ayuu ciise ku kala socdaa xeerkaasina
waa ka ilaa maanta aan Jabuuti ku
horumarinay markaa abtiyaaladay waxaan
leehay iskaashi iyo midnimo la yimaada
dabadeed xeer gadabuursi iyo ciise ka
dhexeeya ayaan samayn donaa xeerkaa mid
la mida Isaaq hala yimaado wadajir iyo
midnimana wadanka halagu dhiso.
Uurweyne
-------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------
Mar-23-2008
Wax shanqadh ah
maalmahan maad ka maqasheen
tageerayaashii Kulmiye Waxaan u malayn
inay la suuxeen gobolka salal silaanyo
isna gobol sadexaad haw balan qaado
hadii kale tageeradii ay u hayeen
aamusbaa bedelay afwacunay xishoo Allaya
cisag Rayale macalinkiisii ina ibrahim
cigaal kitaab aayaleh ayuu uga tagay.
Sakariye maxamed
Hargeysa Somaliland
--------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------
Fadlan naga raali ahaw hadii aanan soo
daabicin maqaalkaaga maanta Mar-23-2008
waayo maqaalada ayaa aad u tiro badnaa.
Fiiro gaara:
Saylac.com aragtida aad soo dirtaan
luqadaha aan haboonayn xaqbay u leedahay
inay ka masaxdo sidaa awgeed ayaanu
emailada qaar ka tuurnay erayo aan
haboonayn oo weheliyey.
Saylac.com
Aragtida qofwalba way qadarisaa
soo dir aragtidaada Emailka ah
Saylacnews@yahoo.com
|