| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Isku soo boodada labaad ee reer Awdal la galeen Haberjeclo waxay u dhigantaa tii 1960 ay kula galeen USP oo khasaaraheeda loo wada joogay.April,29,2008
Germany(Saylac.com) Umulbaa ilaawda eedadka soo maray awdalna way ilawdaa ayaamaha mar soo maray.. Iskusoo boodadii xisbigii la magacbaxay USP ee ay ku midoobeen gobolada Awdal iyo Sool sanadadii 1960 ayaa waxay ka dhalatey loolan xulufo raadis ku dhisan oo aan laga fiirsan oo ay Beesha Samaroon la gashay Beesha Dhulbahante si ay iskaga kaashadaan Beesha Isaaq oo ay ka baqayeen inay muquuniso codkooda hadii ay midmid u kala baxaan.

Heshiiskan lagu magacdaray Isku-soo boodo ayaa ahaa mid cadiifad iyo xamaasad ku abuurmay oo aan haba yaraatee Beelaha Samaroon ayna gorfeyn waxa ka dhalan kara. Dhawr sano ka dib ayaa waxa cadaatey codkii dadkii runta fahansanaa oo reer Awdal uga digay inay xaalufo la noqdaan dad ayna is-ood xigin oo ayna isku dhaqan ahayn waxa kaga iman doonana aan cidi garanayn. Macaashkii isku soo boodada waxa ceel gunweyn u shubtey Beesha Dhulbahante ka dib markii ay si cad ugu abtirsadeen walaalahooda Darood iskana iloobeen heshiiskii isku-soo boodada xisbigii USP.

Qaybsigii xubnaha dawlada wakhtigaa ee labada beelood ee ku bahoobey USP loo qoondeeyey ayaa waxa si ula kaca u maroorsadey Beesha dhulbahante iyagoo iska indha tiraya heshiiskii khayaanada ku dhisnaa ee ay la galeen Beesha Samaroon taasi oo keentey 24 sano inay reer Awdal la ildaraadaan dibudhac gobolkooduna uu noqday gobolka ugu danbeeya gobolada soomaaliyeed oo ilaa hadda aan lahayd jid laami ah oo ku xidha gobolada kale.


Hadaba dhawaan iskusoo boodada labaad ee ay qaar ka tirsan beelaha samaroon la galeen Beesha Haber jeclo miyaanan lagu qiyaasi karin kii sanadkaa lagu khiyaamay reer Awdal? runta hadaanan la iska indho tirayn jawaabtu waa haa oo kunjeer lagu celceliyey.

Heshiiskan kumeelgaadhka ah ee Axmed Siilaanyo uu ku beerlaxawsanayo qaar ka tirsan Beelaha Samaroon ayaa sida dadka badankiisu sadaalinayaan ah mid ka daran kana cawaaqib xumaanaya kii 1960 ee USP.

Doodan ayaan ku cadaynayaa dhawr arimood oo kala ah:

1- Marka hore labada Belood oo aan degaan wadaagin heshiisyo hore oo lagu qiimeeyaana ayna soo dhex marin.

2- Sababta keentey iskusoo boodadan labada belood oo ah mid siyaasad ay isku taageerayaan lakiin aan loo meeldayin macaashkeeda iyo dhibaatadeeda aan laga wada hadlin marka laga reebo nacayb ay Dahir Rayale u qabaan oo kaliya hadii uu Dahir ka dego jagadana aan la ogayn siday ku danbayn doonto.

3- Halganka Beesha Haberjeclo ay ku taamto oo ah halgan ay la galeen Beeshan Samaroon ee ay hada isku xulafada yihiin tanina ay mar walba oo ay Beesha Haber jeclo soo qaado halgankaa ay nabar ku noqoto Beesha samaroon iyadoo xasuusinayna ragii sida xaqdarada ah ay u laayeen ururkii SNM dhinaca kalena mujaahid iyo halyey uga dhigan Beesha Habarjeclo.

Arimahaas iyo kuwa kale oo badan ayaa durba noqon kara daaqad ay dadka indheer garadka ahi ay kasii dhex sawirtaan heshiiskan iskusoo boodada casrigani inuu sii taaba gali waayo burbur iyo kala yaacna ku danbayn doono
Hadaba miyeyna tageerayaasha Xisbiga kulmiye ee Gobolka Awdal la gudboonayn inay tariikhda dib u eegaan kuna cibro qaataan mise markuu waagu dushooda ka beryo ayey arkayaan ?
Jawaabta Su'aashaa waxa iska leh dadka waxgaradka ee danaha Beesha Samaroon u odolosa isla markaana jecel nagaashaha iyo danaha bulsho weynta beelaha Samaroon oo waligood ahaa kuwo isku dana meela u wada jeeda khasaare iyo faa'iidaba.

Waxaan qormadan kusoo afxidhayaa inay ogaadaan dadka ka dhacsan siyaasada khiyaamada ku dhisan ee kulmiye wato inayna xal iyo wax dan lagu sheego toona u ahayn bulshada reer Awdal iyo Salal .

Ilaahoow danbi aanan anagu galabsan hanoo cadaabin. Amiin

Indhaha ha kala qaato ayaan qalinka u qaatey .


Dr. Osman
 Mettman,,Germany


 

 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com