Chat | Guest Book | Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

Awdal Development Organization ( ADO ) ee xaruntiisu tahay Ottawa oo Mahadnaq u soo Jeedinaya Jaaliyada reer Awdal ee Ottawa
Feb-1202008

Ururka Horumarinta Awdal ( ADO ) ee xaruntiisu tahay Ottawa wuxuu mahadnaq balaadhan u dirayaa dhamaan dadkii ka qayb qaatay ama gacan ka geystay lacag ururintii loo samaynayay masiibadii dhowaan ku habsatay qaybo kamida Gobolka Awdal. Taasoo taabatay dhamaan jaaliyada reer Awdal ee ku noo qurbaha. Jaaliyada reer Awdal ee degan Ottawa oo iyagu ah kuwa markasta u heelan waxqabadka iyo horumarinta dadkooda walaalaha ah meelkasta oo ay joogaanba ayaa waxay mudan yihiin in lagu daydo. Sida aynu wada ogsoonahay jaaliyada reer Awdal ee Ottawa, waxay noqdeen kuwii ugu horeeyay ee si dhakhso leh uga jawaaba qaylo dhaantii ka soo yeedhay Maamulka Gobolka Awdal, Salaadiinta, Waxgaradka, Odayaasha iyo Culumaawu diinkaba, ee ay ku codsanayeen in si deg dega loola soo gaadho mucaawino si loo badbaadiyo wixii baaqi ka noqday masiibadaas.

Hadaba hadii aan wax yar idiinka taabto ujeedada iyo hawlqabadaka ururkan ADO wuxuu yahay, waa urur mudo dheer ku hawlanaa horumarinta Gobolk Awdal gaar ahaan dhinaca waxbarashada iyo caafimaadka kana suurto galiyay meelaha magaalooyinka ka baxsan "Rural area". Wuxuuna ururka ADO sameeyay waxqabad balaadhan oo la taaban karo sida dhismayaal schoolo uu ka dhisay meelo aanay schoolo hore uga jirin, fursadna u siiyay caruur yar yar oo aanan fursad u heli lahayn haduusan ururkaasi jirhin. Ururuku wuxuu aaminsan yahay mabaadiida ah in dadku iyagu isku tashadaan, taasoo ula jeedada ka dambaysaa ay tahay in hadii dadku dhulkooda waxka qabsan waayaan aysan haba yaraatee marna dhacaynin cid dibada kaaga imanaysa oo wax kuu dhisaysa caruurtana wax inoo baraysa.

Kahor intaysan Masiibadani ku habsan G/awdal ururku wuxuu shirar goo goos ah ku lahaa habeenada jimcaha iyo sabtida fadhi aan caadi ahayn oo ay isugu imanayeen dhalinyarada reer Ottawa inta jecel waxqabadka iyo horumarka gobolkooda. Ururkan oo ah urur ka madax banaan gebi ahaanba siyaasad, waa urur ku balamay waxqabad iyo horumarinta gobolada.

Ururka horumarinta ee Awdal ADO wuxuu amaan gaar ah u soo jeedinayaa dhalinyarada ku hawlan wacyi gelinta, guubaabinta iyo isku keenida dhalin yarada Ottawa, taasoo inta laga xusuusto aysan hore u dhicin in dhalinyaro intaas leeg oo isku hadaf iyo ujeedo lihi meel isugu yimaadaan. Amaantaas gaarka ah waxaa sii mudan ragii sida xooga leh uga qayb qaatay lacag ururintii lagu sameeyay mudada 3 cisho ah taasoo lagu soo ururiyay lacag dhan 13,611 dollar, walina wada qaybtii labaad ee lacag ururinta. Ragaas oo kala ah: Rashiid Cabdi Bakal, Harawe Sh Cumar Good iyo Rashiid Cumar Diiriye. Waxa kale oo isaguna mahad celin mudan tafatiraha harowo.com Axmed sh Farax oo markasta ururka la garab taagan wixii talooyin iyo tusaaleba ah

Ururku wuxuu leeyahay xubno badan " Members " iyo gudi joogto ah " Central Committee " oo leh talooyinka iyo go'aan qaadashada ururka ADO. Waxaana Central committee gaas ka mida :

1) Maxame Cabdi "Gadhweyne "

2) Mustafe Rooble Doodi

3) C/Risaaq Yusuf Weyrax

4) Mustafe Cabdi Xaaji

5) Harawe Sh Cumar Good

6) Rashiid Cabdi Bakaal

7) Rashiid Cumar Diiriye

8) Axmed Siciid Yusuf Bakal

9) Cisman Yusuf Talan

10) Yaasiin Axmed Muxumed

11) Saleebaan cabdi Dugsiiye

12) Xasan Cali Ibrahin

Gebo gebo iyo gunaanadkii waxaan jaaliyadaha kale oo qurba jooga reer Awdal ugu baaqaynaa inay iyaguna ka qayb qaataan sidii loogu gurman lahaa dadka ay waxyeeladu ka soo gaadhay roobabkii qaboobaa ee dhowaan ka da'ya G/A si loo badbaadiyo inta hadhay lana tuso in hiil iyo hooba lala garab taagan yahay.



Xoghayaha isgaadhsiinta iyo Iskaashiga caalamiga ( Secretary for Communications and international relationship of ADO )

Mustafe Cabdi Xaaji

Ottawa , Ontario

Alimsutaf@gmail.com

 

- To Submit Information Click Here -

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com