| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

RIIQASHO " GABAY"
Gabaygani waxa tiriyey Mohamoud Abdilahi Rooble. wuxuuna soo baxay 05/09/2007-Sababta abwaanka ku kaliftey inuu tiriyo gabaygani waxay tahay ka dib markii uu eegay sida daran ee Gobolka Awdal Xukumada Somaliland ay ula dhaqanto oo aabad is odhan kartid waa qayra caadi.

 Dhawaan ayuu abwaanku ka helay waraaq cabasho ah oo ay u soo direen ganacsato reer Awdal ah, uguna sheegayeen in xoolohooga aan loo ogoleyn in ay Jabuuti geeyaan khasabna ay ku tahay inay Berbera geeyaan  xurguf  ganacsi oo Jabuuti iyo Somaliland dhextaala awgeed.  Ganacsatadu waxay sheegeen oo kale, marka ay Berbera geeyaan xoolohooga in hadana layidhaa Markabkii baa idinka buuxsamay dabadeedna Wajaale ay khasab qiimo jaban ugu iibiyaan xoolohoogii halkaasuu ganacsade kale oo ree Hargeysa ahi dib ugu dhoofiyo xoolohoodii jabnaanta uu ku helay.

Dhibta ugu weyni waxa y tahay in dadka Xeebta Gobolka Awdal degani hadii ay neef reerka raashin usoo siinayaan ayna galin karin Jabuuti oo u jirta dhawr KM oo ay khasab ku tahay inay geeyaan Wajaale oo 340 KM u jirta.  Dhinaca kale Gobolada Sanaag iyo Sool iyagu sidaa loolama dhaqmo waxayna leeyihiindekado ay ka mid yihiin Xiis iyo Maydh oo si madaxbanaani ah ay uga dhoofsadaan xoolohooga . Hadii ay doonana Boosaaso ayeyna geeyaan. inagoo wada ogsoon colaada dhex taala Somaliland iyo Puntland hadana cidi kama maanacdo inay xoolaha ka joojiyaan dekada boosaaso  lamana weydiiyo inay Berbera geeyaan.

Abwaanku wuxuu yidhi:

Markuu hadal isoo riixobaan, ruguc ka siiyaaye
Raqiiskuma hadlee waa mar'aan, reemo sida Aare
Raadraaca suugaantu, waa raasamaal jira e
Waa geed rucweynoo ku yaal, raas qabowbadane
OO rucubta saarani indhaha, raaxo galisaaye
OO ruxid aan kaa rabin, runbaa lagu hagaagaaye
Dareemada ridada uga baxsani, waa radaab kale e
Raamaha waxay ula baxdaa ragagax weeyaane
Rashbaa lagu ogaa garab dagiis, riixo xididkeede
Waxa rimiyey heegada rax tidhi dhibic rataaleyne
Waa rays udgoon oo naftani ,raadso leeyahaye
Dhawaqeedu waa ramad dhaliyo, reenka karaneede
Geedahan rafiiq wada noqdee raamaha isqaliyey
Waa xisaab rabaaniya ahoo, lagu risaaqaaye
Raxan adhiya ruuxii lehina wuu xisaab garane
Ugaadhana rameedbay u tahay raar la jiifsade e
Dabaylaha ruxaayana ciyaar riixi dhinacoode
Dhulkana ribix udgooniyo  hu uu, raaska sare saaro
Cirkana raydal muuq iyo rashaash sarey ka soo muuqda



Aduuna raarta kuuguma yimaad intuu, riixo edegaaye
Ogow guula layskuma ogala  ridasho mooyaane
Rafiiquna nin kuu rariyo waa reer ninkaa dumine
Rubadaada jeeruu u jaro kaama roogsado e
Ruuxaad ka garataa naftana kii rakaad galine
Raadcada intuu kula daydayo ribada soo tuurye
RUCLO ORODKA WAAD WADA GASHAAN HADALA KAA ROONE
Adiguna rafiiq siduu yahaad riyo umaashaaye
Bal ridaami sheekadan hadaba waanigaa rogaye
Labadani midkee roon midkee riciyad doonaaya
Midkee hadal run sheegaya oon ruugin sharaftiisa
Keebaa rubeed siistey sharaf rabashna daynaynin
Nidaamkaa runsheegaa hadaan lagu rataabaynin (Waa dimoqraadiga)
Waa kuma ninkii neef ruqaha hilib ka raadraadshi
Inkastoo runsheegii baryahan doqon rataaleeyey
Oo roos hagoogani jiroo hadal la rooroori
Runtu kabaha ay qaadataa rays ma marayaane
Raadkeeda waxa laga arkaa qoodi rogadkiise
Ninkase labaracleyn uun rabaa waa raage oo kale e
Ribxi inuu ku saariyo inuu rodolka kaa qaato
Raadkaleeto goortaanu helin ribo ku saaraaye
Adoo raaliya ah baad ahaan riciyadiisiiye
Caruurtaadu ruugay u tumi ooy rafaad mudane
Adiguna rogrogo hawsha waad roori abidkaaye




Rahuba Guga diraaceed wuxuu doobta soo ridaba
Jilaal rafaadkii si uu uga rataab yeesho
Dhoobada intuu rogo ayuu riiq u sii galiye
Halkaasuu ritada sii dhigtaa Roob intuu heliye
Waxay ruxay jidhkaygiyo gacmuhu way rogmanayaane
Ragbaa riiqda geed ula dul baxay rooti aan heline
Rubadiyo ragbaa oon qaboo reer aan soo galine
Riiraash kumaa saaray jago Raydala u diiday?
Rarabay madaxa noo sudheen Roobkusoo da'aye
Hadaan reerka laga gaadhin sidan riiqdu way badane



Afartaa dhegaha mawgu riday waan u roonahaye
Ardaagiisa maw dhigay fariin dirirna waa ceebe
Ragani roori dhinacaaga ee rayfalada haysta "waa Rayale"
Raxmaankii Ilaahiyo wadkii kaama ridayaane
Markuu rado jidhkaagani ayaan ruuxba kuu imane
Godka waxa ku raayuun ninkii rixinka dhawraaye
Bal rusheeya goortey timaad, baad runtii garane

Rasamaalka waagii la helay reerka lagu joogo " Waa dhalashadii somaliland"
Maxaa reebay rays kama rabee, inaanyar roonaado?
Rugtaydani maxaa biiyey oo Xeebta ribidh saarey?
Maraakiibta lagu raro aduun, laba rid weeyaane
maxaa keenay riyahaan lahaa, Ruub in lagu oodo?
Runta hadaan la seegayn maxaa reerka kala geeyey?

Ruugcadaadi hadalkiisu waa nabad la raadshaaye
Marna Rooble kuma faano hadal riiq xanuun badane
Waxa ruxay naftiisaan ogoo wuu rogmanayaaye
Rabshad inaan abuuriyo ma rabo raran la jiidhaaye
Hayeeshee rufucibay wadaan rogi aduunkiiye
In rukuucda lagu gaado niman  rabash ka soo daalay

Rag wixii aan kaa qaban hadaad  abid ku riixriixdo
Ratigaba waxa loo rartaa reerka garab jooga
hadba sida ay Ruun damacdo ee, rayi ay moodaaye
Haduu garab rideeyana maryey riisin soo galine
Markaasay kabaalkii rogiis riixi ooy galine
Inuu reemo mooyee ma rido raashinkuu sidaye
Iyaguna waxay raadiyaan waa ridada taaye



Inkastooy doqoni raasamaal rixib la boodoodo
Marbay kaa rogtaan waxay rafaad abid ku riiqdeene
Raadgoob ayaan ugu jiraa Reero sharaftoode
Bal aaneego maantana runtaan garabdhigaaye
Mar inay ridada dheer martooy reento waan filiye
Waxaanse raagsaday ruclaha orod aan gaadhayne
Hadaad hadalka laabtaada rogay dabin ku sii riixdid
Oo ciil uu kugu raago waad riiqataa abide

Bal inay  kasoo raysatooy reento baan sugiye.

saylacnews
comments: admin@saylac.com 


- To Submit Information Click here--

 

Home | Somaliland News | Awdalnews.com | Amoud University
Copyright © 2003 Saylac.com